HUBAALMEDIA.COM
1-dii Julaay 1960: Maalin Soomaalilaan Is-Khasaarisay
June 30, 2017 - Written by Mustafe Faro

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Khasaarihii ka Dhashay Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya

Shacabka reer somaliland waxa ay rajaynayeen inay barwaaqo ceegaagta cagaha la galayaan marka la is-raaco ee ummadda shantii Soomaaliyeed midowdo. Balse waxa ay riyadaasi isu-rogtay riyo maalimeed aanay waxba ka jirin. Dhibaatooyinkii is-raaca ka dhashay way badan yihiin, laakiin waxaynu dul-istaagi doonaa kuwa ugu waaweyn:

  • Markii la dhisay dawladdii ugu horaysay ee reer Somaliland ee laga siiyey afar wasiir, taliyaha ciidanka asluubta ee aan wax kale loogu darin, ayey bilaabeen saluug iyo niyad jab. Halka soomaaliya ay qaateen Madaxweynihii, Raysal-wasaarihii iyo intii ugu badnayd wasiiraddii iyo madaxdii hayadaha madaxa bannana.
  • Ciidankii Booliska iyo ciidankii xoogga dalka ee reer Somaliland intoodii badanayd waa laga tegay, halka ciidankii Booliska ee soomaaliya loo kala qaybiyey Booliska iyo ciidanka xoogga dalka, oo derajooyina lagu taxay. Ciidankii Somaliland wuu ka aqoon badnaa kuwa soomaaliya, oo waxa ay wax ku soo baran jireen kulliyadii ciidanka ingiriiska ee” San-Heeris”. Oo ku taallay dalka ingiriiska. Dhammaan saraakiishii sarsare ee ciidanka waxa laga dhigay Soomaaliya.
  • Cadhadii ka dhalatay isu-dheelitir la’aanta ciidanka ayaa keentay inay saraakiishii laga tegay ee reer Somaliland ee aqoonta iyo waayo-aragnimada u lahaa ciidanku isku dayeen inay sameeyaan inqilaab sannadkii 1961-kii, inkastoo aanay ku guulaysan, balse waxa ay daaha ka rogaysay heerka nacaybka iyo cadhadu ka gaadhay
  • Aftidii distoorka loogu codeeyey ee reer Somaliland ku diideen 75% ayaa ahayd caqabad kale oo fariin toos ah u diraysa midinimadii dhexmartay Somaliland iyo soomaaliya. Dadka codeeyey ayaa lagu qiyaasay 100,000 (boqol kun oo qof). Dawladdu way ku shubatay, oo waxa ay dafirtay in reer Somaliland diideen distoorka. Waxa ay sheegeen inay dadweynuhu ugu codeeyeen 99%. Taasina waxay ahayd been aan beyd run ka ahayn.
  • Sannadkii 1962-kii waxa shaqo joojin ku dhaqaaqay ururkii macalimiinta ee Somaliland oo ay xubno ka ahaayeen barayaasha wax ka dhiga dugsiyada ku yaallay Somaliland. Macalimiintan ayaa ka cabanaysay inay ka mushahar badan yihiin macalimiinta Soomaaliya joogta.
  • Xubnihii Baarlamaanka reer Somaliland oo ahaa 33 xubnood, halka reer Soomaaliya ahaayeen 90 xubnood. Ayaa shaqadii ka qaaday cuqdad, ka dib markii cod kasta oo la qaado ay reer Soomaaliy ku muquuniyaan cod aqlabiyad ah. Wax kastoo ka horimanaya danaha reer Somaliland cod ayaa lagu meelmarin jiray.
  • Sannadkii 1963-kii ayaa cashuurtii lagu kordhiyey reer Somaliland, taasina waxay keentay is-maandhaaf  iyo rabshado. Sayladihii xoolaha ee waaweynaa ayaa albaabada  loo xidhay.
  • Rajadii shanta Soomaaliyeed (Soomaali weyn) oo dhimatay. Ka dib markii itoobiya iyo kiiniya ay caddeeyeen inay Soomaalida degta dhulkooda ka mid ahaanayaan dhulkooda, oo aanay yeelanayn maamul ka madax bannana dalkooda.
  • Kala  qaybsanaan ku timid xubnihii Baarlamaanka iyo wasiiraddii xilka hayey. Markii ay is-casileen Maxamed X. Ibraahin Cigaal iyo Sh. Cali Ismaaciil oo kala ahaa: wasiirka Waxbarashad iyo Gaashaandhiga, waxa booskoodii buuxiyey Yuusuf Ismaaciil Samatar “Gaandi “ iyo Ibraahim Cismaan Food, oo loo kala magacaabay Wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Ganacsiga. Waxa kale oo jagadii Baarlamaanka iska casilay Axmed X. Ducaale, booskiisna waxa loo doortay Axmed Ismaaciil( Duqsi). Kala qaybsankani wuxuu saameeyey xubnihii xisbiga SNL.
  • Sannadkii 1963-kii ayuu Wasiirka Arrimaaha Gudaha ee wakhtigaasi C/risaaq X. Xuseen (AUN) ayaa booqosho ku yimid  Somaliland, isagoo loo soo diray inuu soo dejiyo cadhadii ka dhalatay codayntii distoorka, ka dib dadkii ayaa ku mudaharaaday oo cabasho kala hortagay. Isu-soo-bax weyn ayaa lagu qabtay Beerta xoriyadda, ka dib C/risaaq ayaa soo galay si dadka ugu khudbadeeyo. Dadkii ayaa dhabarka u jeediyey. Halkii wasiirku uga garaabi lahaa ayuu ku yidhi” reer Hargaysow sii jeedka ayaad ku qurux badan tihiin”. Manay suurtogalin khudbadii uu damacsanaa

 

Cali Cabdi Coomay

CaliCoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Tix-Raacyo:

Cali Jaamac Qalinle…..Taariikhda Ummadda Soomaaliyeed (2009).

British Protectorate Office………………………….Unpublished Paper

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews