100 Cisho hortood, maxaad aragtaa?. W/Q: Dr. Maxamed Faarax Qoti

0
142

Inkastoo ay layaab tahay, laakiin haddana waa wax lala qabsaday baryahan in lasii falanqeeyo mustaqbalka inagu soo aadan maalmaha boqolka ah ee food inagu soo hayaa waxay riman yihiin.

maxAragtida 6/6 waa aragtida buuxda ee goob-joogaha dhacdooyinka iyo si fiican u cabirka ayaamaha, inkastoo haddana hoos u dhac ku yimaado aragtida indhaha, tasoo cabirka aragtida lagu qiyaaso inta u dhaxeysa 1/6 illaa 6/6 oo ah hubaasha guud ee cabirka indhaha, ka dibna muraayad baa loo qoraa ama qaliinbaa loo sameeyaa hadba aragtida indhuhu siday tahay.

Mawduuca dulucdaydu waxay tahay Aragtida ah wax ka dhaadhicinta iyo dareensiinta qofka aad ka aragti-dheer tahay ama kaa aragti-dheer xaga fahanka iyo cabirka waxa soo fool leh, soomaalidu waxay tidhaahdaa nimaan waxa soo socda garan waxa jooga ma garto, odhaahdaas oo loola jeedo ku talo-galka bari iyo ka fikirka maanta.

Haddaba qiyaasta guud ee fikirka qofka ayaa horseed u ah, inuu wax ka dareemi karo dhamaan gayiga ku xeeran, islamarkaana uu cabbirkiisaasi dhaxalsiiyo dhinaca aragtida, maqalka, dareenka, iyo xogogaal u noqoshada wararka soo gaadhaya kaydka xog ururineed ee maskaxdiisa, inkastoo haddana ay jiraan erayo ad-adag oo macnahoodu yara kakan yahay kuwaasoo u baahda aragti iyo sharax cilmi aqooneed oo u kala soocda garashada, fahanka iyo xaqiiqda dhabta ah ee uga dhex iftiimay,

Cilmi baadhis daraasadeed oo lagu sameeyey dadka shaqada badan haya, ayaa lagu ogaaday inay daal kala kulmaan maskaxdooda, kadib marka jidhkoodu in badan usoo adkaysto culayska xad dhaafka ah ee ay hawlaha shaqo wataan, waxaana lagu gartaa marka qofka maskaxdiisu daal tirsanayso, inay ku yaraato qancintu, mararka qaarkoodna uu dhibsado su’aalaha ay waydiiyaan dadku.

sidoo kale, Is dhaafka maskaxeedka (Asylum) ee ku yimaada dadku marka ay waynaadaan, waxay la midtahay marxalada caruurnimada ee maskaxda garashadeedu degdega u korayso ee haddana da,deedu yartahay.

Marka aynu eegno dhinaca horumarinta maskaxda Aadamuhu waxay soo martay marxalado fara badan oo ku wajahan kobcinta maskaxda, waxaana laga soo dabaashay duruufo qalafsan iyo caqabado adag, waxa kale oo dariiqooyinkaa wax-barasho garab socday kuna lamaanaa ku dayashada, la qabsiga, iyo ta uu Alle “SWT” hibo u siiyo qofka, laakiin waxa la ogaaday marka uu hoos dhac weyni ku yimaado aqoonta qofka, inuu yeesho dhaqan gudhan iyo go’aan qaadasho yar, waxaana ku abuurma nooc ka mid ah cabsida taasoo ay u badan yihiin dumarka, caruurta, iyo raga inta badan aan wax barasho helin.

In kastoo ay sheegtaan wadamada hore umaray ee Ilbaxnimada ku dhaata inay tahay mid ku salaysan wax barasho qudha, balse ay hagto dhinaceeda tajrubada “tijaabada” iyo wax ka barashada qoom illaa qoom, waxaanay ka foojjignaan jireen wixii hebeloo la yaqaanay dilay, taasaana sababtay inay sameystaan Xeerar (shucuub) illaaliya dantooda, si aanay danta shaqsigu ugu lumin danta guud ee loo wada baahan yahay, waxa kale oo ay fahmeen iyagoo kaashanaya garasho iyo aqoon inay sameystaan boqol cisho oo ka nabdoon dan shaqsi.

Abuurida xasiloonida iyo nabad galyada ka dhalata fahanka fiican in lagu dhisi karo mustaqbal waara oo midho dhala, taasina waa ta ahaysiisaa jawi degan iyo rajo fiican inay ku gurtaan midhihii ay beerteen maalmaha soosocda, tusaale ahaan muu khaldanayn muwaadinkii ay ka soo maaxatay maskaxdiisa aragtidan ee yidhi (Isha muuqataa waa aqoonsigii Soomaaliland)

Aragtida qaloocan ee haddana la rabo inay meel dheer wax ka aragto waxaa u sawirmi kara inuu qofku ku hadlo oo uu iska dhaadhacsho waxaanu si buuxda u arki Karin oo malihiis ah lagana yaabo inay tahay (-0/6), waxa kale oo jira qof aqoon yahan ah oo baal marsan sida saxda ah aragtidiisuna ka duwan tahay tan caadiga ah ogow inuu yahay qof dhaqanka ka gudhan oo aan lahayn garaad iyo qiyam saliim ah, waxaana lagu tilmaamaa kuwaasi inay yihiin kuwo xaasidnimo-xariif ku ah nolosha iyo wanaaga bari ay dadku heli doonaan, isla markaana aragtidiisu ku haboontahay cabbirka saxda ah, waa ka ugu khatarsan ee halaaga ama baabiiya xarsiga (Wixii korayey) iyo nasliga (kuwii la goosan lahaaba)

Markii la ogaaday inaanay dadku isku qiyaas ahayn dhinaca cabirka cagta hoose ee lugaha aadamaha ayey cadaatay in maskaxdu leedahaya sidoo kale yaraansho ama badnaasho iyo in lagu kala duwan yahay fikirka iyo qiyaasta aragtida, haddii aad aragto qof maanta baabiinaya wuxuu uu u danleeyahay inuu sameeyo bari xun, isagoo shalay ku tacab qasaaray.

Shirarka iyo baaqyada lagu adkaynayo nabad galyadu waa taxadir iyo isku duubni lagu rabo in maanta la illaaliyo waxyaabaha curdinka ah ee bari midho dhali doona, hawsha ugu wayn ee maanta kuu taalaana waa inaad wax ka dhaxaysiiso shalay iyo maanta haddii kale maalin walba waa kuu yabyab iyo dhismo cusub

Wada danaysiga iyo iskaashiga in dhinac loogasoo wada jeedo danta maanta iyo tan bari waa wax la isku maan-dhaafsanaa abidkeed isla qiyaasteeda iyo wax ka qabashadeeda sababtoo ah qofna maantuu yaqaan qofna bari, arrintaasi waa mid waligeed lagu shuraakoobi kari waayey illaa iyo intii ay aduunyadu uumanayd waana habeenkii xalay tagay tagayeey.

marka aynu eegno dhinaca Kaydka-raashin ee ay samaysato qudhaanjadu waa mid lagu cibro qaadan karo, laakiin taasi waa mid la inagaga xariifsan yahay, sababtoo ah mareykanku khayraadkiisa dihin muu soo saarin illaa hadda wuxuu isticmaalaa khayraadka wadamada soo koraya, sababtoo ah wuxuu kayd ugu dhigtay khayraadkiisii dadkiisa bari dhalan doona, Sidoo kale dhinaca wax soo saarka iyo tacabka maanta aad gashaa waa mid midhahooda goostaan dadka soo socda iyadoo uu u fududaan doono dhamaystirka bari cidii wax loo sii qabtay, sababtoo ah dadbaa cunay oo aan waxbaba u reebin wixii shalay ay ugu talo gali lahaayeen caruurta dhalan doonta bari, halka qaar ka mid ahina ay uga tanaasuleen dantoodii maanta, waana mid lagu kala saxsanaa waligeed oo ay ka markhaati kicidoonto marka la gaadho waaqaca nololeed ee la hiigsanayo.

Dadka ugu fiicani waa dadka maanta ka tagaya gogol nabadeed oo bilaa aano ah, si aanay taasi caqabad godobeed ugu noqon qof kasta oo bari iman doona oo aan maanta iyagu lahayn, haddaba saadaasha la hubo ee maalin walba caruurta ku dhalanayasa dunida kuwaasoo ah mustaqbalka waalidka iyo dalkuba ay ka helayaan nolol iyo madaxnimada baridooda.

Sidee buu qofku ku ogaan karro inuu arko inta uu awooda u leeyahay heerka aragtida qiyaas-maskaxeedkiisu uu gaadhsiisan yahay boqolka cisho ee soo socda?

Taa macnaheedu waxa weeyaan qiyaastii Jidkii shalay oo loo geeyey Maanta waxay ku tusinaysaa bari, maanta fahan bari aad garatide, laakiin haddii maanta “Buur” aad ka dhigato aad dusheeda saran tahay waxa kuu muuqan doona bari oo ay kaaga toosan tahay maantu, midhuhuna waa inta aad ka cabiri karto saadaasha bari ee yoolka kuu ah, waa intaas oo aad ka tagtaa dhaxal dabadaa la hiigsado, sida inta badan loo badiyo wax ka sheega maanta waxaa lagu qiyaasaa kolba ididiilada iyo rajada uu qofku ka qabo bari, taasoo sida qaalibka ah erayada dadku had iyo jeer ay isticmaalaan ay tahay, way hagaagi, barri ayey dhaami, waynu sugaynaa, wanaag baynu rajeynaynaa, waa laga bixi doonaa iyo ereyo badan oo kale oo lagu qaboojinayo rajada bari ay leedahay.

Cabashada laga muujiyo qofku maalinta uu ku jiro waxaa loo aaneeyaa fiicnaantii shalay, sirta halkaa ku jirtaana waa garasho la’aanta wanaaga maalintaa uu ku jiray, si aad uga warwar la aato calaacal bari ah oo kula soo darsa, fahan shalay iyo maanta, dariiqooyinkii lagu guulaystay ee hortaa la qaaday, bal u fiirso qof maanta dharagsan waxa suura gal ah inuu daah ka fuulaa wixii uu soo maray, markaasuu bari ku dhacaa saadaal lagu cabiri karo aragti buuxda oo ah in laga dayriyo bari iyo wuxuu mutaysan doono, kaasi waa kii illaaway shalay, laakiin halka uu ka duwan yahay qofka maanta rajo bari ah qaba shalayna nimcaysnaa waxaana qofkaas caawisay wax ka barashada maanta, inkastoo dadka qaar ay kaba illaalin jireen noloshoodu inay noqoto tu aad u ladan, oo wax walba haysata, waanay ka saahideen si ay u helaan dheeli tir joogto ah, waxa kale oo jiray fikiro kala durugsan oo ahaa hagaha sahanka nololeed ee uu qof ku guuri karo nolol illaa nolol waxaa had iyo jeer yool habaabin jiray isku dayasho indho’laan ah, oo ay sabab u ahayd, wax uu qof il iskaga gartay oo noloshiisa gaar-ahaaneed taasoo waayuhu u jeexay.

haddaba khasaaraha bari ee wiiqi kara kobicii is daba jooga ahaa, xal-u helideeda taasi waxaynu ku tilmaami karnaa in waayo araga la sheegaa uu yahay nin da,wayn oo kaashanaya wuxuu usoo joogay ayaamihii tagay, kaasoo had iyo jeer tallada la waydiiyo marka ay murugsan tahay, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay ruug cadaa aragti dheer u leh ayaamaha soo socda, kaasoo wax kala gura, iskuna saleeya waxa maanta iyo bari dan inoo ah, kuwaas baynu waligeen ku noolayn oo aynu ku naaloon jirnay.

Dadka u ololeeya nabada ayaa ahaa kuwo dadka kale ku dhiiri galiya inay heli doonaan mustaqbal ka fiican kan ay ku nool yihiin haddii nabada qof waliba xagiisa ka dhawro iyagoo ogsoon inay tahay noloshiisa iyo mustaqbalkiisa kowaad boqolka cisho ee socda, waana toosh haga nolosha.

Guntii iyo gabogabadii waxaan akhristayaashayda sharafta mudan qormadayda ugu soo gunaanadayaa oo aan kaga baxayaa soo cabbira aragtidiina bari siday tahay aan eegno waxaa idiinka baxay isku gaynta ayaamaha iyo tix raaca taariikhda

Qoraa Dr. Maxamed Faarax Qoti

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here