11 Qof Oo Ku Dhaawacmay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Bariga Hargeysa

0
1

Hargeysa(Hubaal)- 11 qof ayaa ku dhaawacmay shil gaadhi oo ka dhacay degaanka Burcada Yar ee bariga magaalada Hargeysa. Sida uu u sheegay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, Taliyaha xafiiska Nabadgelyada Waddooyinka ee Aagga bari ee magaaladda Hargeysa Laba Xiddigle Maxamed Muuse Xirsi, shilkan ayaa dhacay abaaro 10:00 subaxnimo ee shalay ka dib markii gaadhi noociisu yahay Bas oo ay leedahay shirkadda Salaama uu galay guri waddada dhanka waqooyi ka xigay. Taliyuhu wuxuu  intaas ku daray in 11 qof oo ka mid ahaa 26 qof oo rakaab ahaa ay ku dhaawacmeen, lana dhigay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa. Laba Xiddigle Maxamed Muuse Xirsi, ayaa  tilmaamay in ciidanka nabadgelyada waddooyinku gacanta ku hayaan gaadhiga shilka gaystay iyo wadihiiba, isla markaana ay ciidanku baadhayaan sababta shilka dhalisay.

SHARE
Article horeWarbixin Farta ku Fiiqday Dalka La Mariyo Dhuxusha Al-shabaab Ka Dhoofiso Soomaaliya
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here