Soomaali reer CANADA AH Oo Shaqo Loogu Diiday Qowmiyadda Uu Ka Soo Jeedo

0
3

Canada (Hubaal): Nin asal ahaan dhalashadiisu tahay Soomaali, balse ku dhashay, waxna ku bartay kuna barbaaray gudaha dalka Canada ee Waqooyiga Ameerika, ayaa la sheegay in loo diiday shaqo uu helay. Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Jaamac Xaaji Yuusuf, ayaa   markii uu waxbarashadda dhammeeyay  wuxuu shaqo ka codsaday mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee dalkaasi Canada. 2016786360354631461738242016786360353805969546791192389Hase yeeshee markii shaqadaasi muddo  sugayay in loogu yeedho shaqadaasi ayaa si cad loogu sheegay in shaqada loo diiday walow uu u qalmo oo aqoonteeda leeyahay maadaama uu yahay nin Soomaali ah. Waa  sida ay xubnaha maamulka shirkadu ku doodeene  dhaqanka Soomaalida uu ku keeno Soomaalida inay ku soo shaac baxaan  dad aanan loo talin karin shaqana in la siiyo aan ku habbooneyn. Arrintaasi ayaana  Fajac iyo wax laga xumaado ku noqotay wiilkaasi Soomaaliga ah ee  Jaamac  Xaaji Yuusuf  iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Canada gaar ahaan caasimadda Toronto. Maadaama  hadalkaasi  uu yahay mid aan  sax ahayn, isla markaana sida aynu ognahay dad badan oo Soomaali ah ay wadamo badan oo dunida ah ka shaqaystaan, kuna caanbaxeen hawl-karnimo. Jaamac wuxuu wax ku bartay Jaamacada Waterloo. Waana  aqoon yahan waana nin u hoggaansan sharuucda dalka Canada,  sida laga shaaciyay warbaahinta gaar ahaan talefishinka Canada ee CBC. Sanad kadib,  Jaamac wuxuu maxkamad geeyay dacwad xaquuqul iinsaanka ah, kana dalbanayay  in lagu xad-gudbay. “Ma aqaano si aan uga jawaabo email-kaas” Jaamac waxa uu  sidaas   u sheegay telefishinka CBC-waa email shirkadu shaqada ugu diiday. Waxaa  la filayaa in dacwada ay dhageysato   isla markaana xukunto maxkamada loo gudbiyay oo iyadu dhageysata arrimaha la xidhiidha xaquuqda dadka iyo sidii loogu soo celin lahaa xaquuqda ka maqan ninkani Soomaaliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here