Ciidanka Asluubta Ee Soomaaliya Oo Gacanta Ku Dhigay Maan-dooriyeyaal Loo Gudbinayay Maxaabiista Xabsiga Muqdisho

0
9

Muqdisho (Hubaal-Wakalladaha Wararka)-   Ciidammada Asluubta ee Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Maandooriyeyaal dareere u badan oo  loo waday in loo gudbiyo maxaabiista ku jirta xabsiyada magaallada Muqdisho.  newsTaliye ku xigeenka ciidanka Asluubta Soomaaliya oo uu weheliyo taliyaha xabsiga Muqdisho ayaa warbaahinta u soo bandhigay waxyaabaha ay qabteen ayaa digniino u diray dadka ku hawlan inay soo waaridaan, waxaanu carrabka ku dhuftay in ciddii ay u qabteenna sida ugu dhakhsaha badan sharciga u horgeynayaan.   Maandooriyeyaashan oo isugu jiray kuwo caleen ah iyo kuwo dareereyaal ah  oo  midabkoodu u ekaa hurdi, ayaa ku jiray caagadaha Shaambooga. Waxaa  kale oo kamid ahaa kuwo ku duuban waraaqo oo sida roodhida u muuq ekaa. Waxaana dhamaantood ay  madaxda asluubtu ku daadiyeen warbaahinta horteeda,  kadibna goob fagaare ah  ku gubeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here