HUBAAL TV: “Waxa La Arkayaa Inay Labada Xisbi Ee Kaleba Wadaan Abaabul Iyo Kaambeyn, Dee Anigu Garan Maayo Oo Malaha Way Ku Cusub yihiin halkan (Ceerigaabo), Annaga 15 Sanadood Ayaa Fardaha Lanoo Soo Raacayay”

0
7

En. Feysal Cali Waraabe Oo Ceerigaabo Lagu soo Dhaweeyay, Baaqna U Diray Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ceerigaabo (Hubaal) Waxaa Magaalada Ceerigaabo lagu soo dhaweeyay Wefti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo u tagay Gobolkaas Sidii ay ugala qayb gali lahaayeen daahfurka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa Sheegay in Labada Xisbi ee Kulmiye Iyo Waddani inay Jebiyeen Heshiiskii Anshaxa Diiwaangelinta ee Sadexda Xisbi Kala Saxeexdeen,Waxaanu dhanka Kale Kalsooni daro ka Muujiyey Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Gudida Anshaxa Diiwaangelinta oo uu ku Sifeeyay Kuwo Shaqadoodii ka soo Bixi waayay isagoo ku Taliyey in la Kala Diro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here