Wasiirka Deyr Oo Farta Ku Fiiqay Faa’iidooyinka Ay Mashaariicda Maal-gashigu U Leeyihiin Horumarka Somaliland

0
12

Biyo Dhaca Kulan Laba Qoddob Xambaarsan Oo Uu Shalay Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgeshigu La Qaatay Maamulka Heer Gobo Lee Gabileyxuseen-dayr

 Gabiley (Hubaal) Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa kulan balaadhan kula qaatay maamulka gobolka iyo ganacsatada gobolka gabiley xarunta gobolka ee Magaaladda gabiley. Ujeedada Kulankaasi ayaa daarnaa laba amuurood oo salka ku haya horumarinta arrimaha ganacsiga iyo maalgashiga oo wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Xuseen Aadan Cige (Deyr) Kala hadlay ganacsada gobolka iyo masuuliyiinta in loo baahan yahay sidii uu gobolku uga faa’ideysan lahaa doorkooda ku aadan horumarinta iyo maalgashiga dalka, taasi oo wasiir Xuseen Deyr tusaale ugu soo qaatay shirkadda DP World ee ay dhawaan xukuumadda Somaliland heshiiska la gashay ee maalgashiga balaadhan ku samaynaysa marsadda Berbera, oo uu wasiirku xusay in ka gobolka Gabiley ahaan ay door muhiim ah ka ciyaari karaan, sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen, waxaana uu yidhi:

“ujeedada socdaalkaygani waxa uu daaran yahay laba arrimood, maadaama aan ahay wasiirka ganacsiga ee gobolkan kasoo jeeda, waxaan jeclahay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee dalka ka jira inaynu ka wadahadalno, inaynu ka wadahadalno horumarinta gobolkan ee Gabiley, masuuliyadda iyo xilka ka saaran ganacsatada inaan iyada iftiimiyo. Waxa lagama maarmaan ah inaan fiiro gaar ah idinka siiyo, heshiiska ay dhawaan xukuumaddu la gashay shirkadda DP, haddii ay hawshaasi furanto saamayn intee le’eg ayay innagu yeelanaysaa ee dhaqan dhaqaale ee gobolkan gabiley. Ummad waliba inay horumarka isku baraarujiso oo ay horumarka ajendaha koowaad ka dhigato, waa lagama maarmaan. Markii horumar yimaado ayaa himillada ummadduna hagaagi kartaa.” Ayuu yidhi wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here