Madaxtooyadda Somaliland Oo Caddeysay In Madaxweyne Siilaanyo Ka Nabadqabo, Inqilaabka Turkiga Ka Dhacay

0
8

Hargeysa (Hubaal) waxa goor dhaw ay madaxtooyadda Somaliland soo saartay warxsaxaafadeed lagu sheegay in madaxweyne Siilaanyo iyo xubnihii ku wehelinayay socdaalka ay ku tageen dalka Turkiga ay nabad qabaan. qoraal uu afhayeenka madaxtooyaddu soo gaadhsiiyay warbaahinta ayaa u dhignaa sidan:

siilaanyo-1

Sida aynu la wada socono waxa Dalka Turkiga caawa ka dhacay Inqilaab ay ciidamada dalku fuliyeen sida uu xaqiijiyey Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Binali Yildirim,

Hadaba waxa halkaasi ku sugan oo xalay gaadhay Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo sidii aan hore u sheegay arimo shaqsi ah u tegay dalkaasi balse madaxweynaha wax dhibi kama soo gaadhin Arrinkaa waxaanu ku sugan yahay magaalo ka.durugsan Ankara iyo Istanbuul

Cabdiraxmaan Sh Cilmi Faahiye

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here