“Madaxweynaha waxaanu Ku Bogaadinaynaa Magacaabista Toddobada Degmo Ee Cusub, Gaar Ahaan Balli-mataan”

0
19

Nuxurka War Murtiyeed Mahad Naq Ah Oo Ay Soo Saareen Guddida SAHAN BARWAAQO

 “Anigoo ku hadlaya afka  Guddida guud ee Sahan Barwaaqo oo mas’uul ka ah arrimaha masiiriga ah [Siyaasadda] iyo kuwa horumarinta ee beellaha Ciidagale, waxaa aan  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed MAxamuud (Siilaanyo) ku bogaadinayaa Digreetada Summadeedu tahay  JSL/M/XERM/249-4090/072016  ee uu galabta ku magacaabay toddobada degmo ee cusub, kuwaas oo ku soo biiri doona degmooyinkii hore uu dalku u lahaa.  Si Gaar ah waxaa   guddida guud ee SAHAN BARWAAQO ay Madaxweynaha ugu hambalyaynayaan Magacaabista degmada Cusub ee BALLI MATAAN, oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex, taasi oo   kamid ah deegaannada ay SAHAN BARWAAQO Dhaqan ahaan iyo dhalasho ahaanba kasoo jeedaan.sahan-bawaaqo

 SAHAN BARWAAQO waxaa ay magacaabista degmooyinkan u aragtaa  tallaabo hore loo qaaday oo kaalin firfircoon ka qaadan doonta maamul daadejinta haykalka dawliga ah ee heer gobol,  mid degmo illaa heer tuul. Waxaana ay guddidu  Madaxweynaha qaranka uga mahad naqaysaa magacaabista guud ahaan degmooyinkaas, gaaar ahaanna degmadan

Sidoo kale waxaa ay guddida SAHAN BARWAAQO Mahad u celinaysaa  cid kasta oo ka qayb qaadatay magacaabista degmooyinkan, khusuusanna xubnihii   qaybta ku lahaa In   BALLI MATAAN loo dallacsiiyo degmo.

 Alla Mahad Leh

Afhayeenka Gudida Guud ee Sahan Barwaaqo.

Chief Caaqil Maxamed Cabdilaahi Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here