Madaxweyne Siilaanyo Oo Xumadda Saami Qaybsiga Ku Xaliyey Degmooyin Cusub Oo uu Digreeto Kusoo saaray

0
8

Magacyadda Toddoba Degmo Oo Uu Madaxweynuhu Magacaabay Kahor Intii Aanu Dalka Ka Dhoofin Shalay

Hargeysa (Hubaal) Madaxweyne Siilaanyo ayaa digreeto uu soo saaray shalay ku magacaabay toddoba degmo oo kusoo biiri doona degmooyinka dalka. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay aqalka madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax), isla markaasina nuqul ka mid ah soo gaadhay Hubaal. waxaana uu u dhignaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4090/072016 ku magacaabay todoba Degmo oo Cusub.

siilaanyo-1

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                                      Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                                      Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey:                              Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey:                              Baahida loo qabo in Degaanka Geba-gebo loo magacaabo Degmo cusub;

Markuu Dhegeystay:                           Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

 

  • In uu Balli-mataan u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.
  • In uu Geba-gebo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
  • In uu Faqayuub u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
  • In uu Shaxda u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Xaysimo.
  • In uu Wadaamagoo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saraar.
  • In uu Adhi-cadeeye u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.
  • In uu Gumburaha u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Hawd.

 ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

         Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Dhinaca kale madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay galinkii dambe socdaal ugu ambobaxay dalalka Itoobiya iyo Turkiga. Socdaalka Madaxweynaha oo ay wehelinayaan Marwada Koowaad ee Qaranka iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali, ayaa lagu sheegay mid Dano Shaqsi ah, lana filayo inuu safarkaasi qaato muddo Todobaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here