War Lagu Faafiyey Baraha Xidhiidhka Bulshada Oo Sahayday Nolosha Dad Ku Dhaw Saddex Boqol Oo Ruux

0
13

Jubba (Hubaal-W/wararka) -Safiirka dowladda Koonfurta Sudan u fadhiya caasimada dalka Kenya Ambassador Chol Ajongo, ayaa sheegay in dagaalladii ka qarxay todobaadkii hore magaalada Jubba ay ka bilowdeen war been abuur ah oo la soo dhigay Barta Facebook ee uu leeyahay Riek Machar, Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee dalka K/Sudan. Chol Ajongo ayaa ku eedeeyey Afhayeenka Madaxweyne-ku-xigeenka Koowaad ee dalkaasi James Gatdet inuu ka dambeeyey Warka la soo dhigay barta Facebook, laguna sheegay in Machar lagu xidhay Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Jubba. 0bf5bc097f33c250825823673984474e_XLWaxaa uu tilmaamay in Ciidanka taageera Machar ay weerar ku qaadeen Ciidanka Dowladda, iyadoo iska horimaadkaasi lagu dilay Askar badan oo ka tirsan Ciidanka dowladda. “Been ayuu ahaa warkaasi lagu qoray facebook waayo Madaxweyne-ku-xigeenka Koowaad waxa uu xilligaas Kulan la lahaa Madaxweyne Salva Kiir iyo Ku-xigeenkiisa, warkaas been abuurka ah ayaa sababay iney dhintaan 280 oo isugu jira shacab iyo askar” ayuu yidhi danjiraha oo saxaafada kula hadlay magaalada NAirobi. Dhinaca kale, xaalada dalka Koonfurta Sudan ayaa weli kacsan, iyadoo kumanaan qof ka qaxeen magaaladda Jubba, waxaana sidoo kale dagaalkaas ku dhintay askari ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta QM. Maraykanka Kenya Uganda iyo kuwo kale ayaa bilaabay inay Muwaadiniintooda kala soo baxaan dalkaasi, sababo la xidhiidha xaalada amaanka wadankaas oo sii xumaaneysa. Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Kiir iyo Machar oo haatan khilaaf siyaasadeed aanu ka dhexeynin ayaa la sheegay iney awoodi waayeen xakameynta ciidamada dagaalamaya ee labadooda ka amar qaata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here