INQILAABKII DHICISOOBAY: Maxaa Ordugan U Suurto-galiyay Hanashada Shacbiyadda Kursigiisa U Hiilisay?

0
32

“Midabadii Fashiliyey Afgembiga Meel-mari-waayay & Warbixinnihii U Dembeeyey Ee Warbaahinta Caalamku Ka Qortay”

“….Waxaa Soo Ururiyey Guuleed M. Yaasiin [Dalxa] Oo  Wargeyska HUBAAL  Ka Tirsan”

160715195330-21-turkey-coup-0715-restricted-super-169

Rajab Dayib Ordugan oo cadhaysan ayaa la hadlay warbaahinta dalka Turkiga kaddib isku day inqilaab oo dhicisoobay kaas oo 24 kii saacadood ee la soo dhaafay gilgilay dunida Muslimka ah. Shacbi weynaha Turkiga iyo ciidammada qalabka sida ee u daacadda ahaa Ordugan ayaa xaaladda ku soo dabbaalay deggenaan. Abbaaro waabarigii Sabtida ayaa guusha ugu weyn la soo hooyay.

Khasaaraha Uu Sababay Af-Gembiga Dhicisoobay

Sida uu daabacay Degelka caanka ah ee The Guardian, ugu yaraan 90 qof ayaa ku dhintay – shacbiga la dilay ayaa tiradooda gaadhaysaa 47 ruux. Ugu yaraan 104 dadkii isku dayga sameeyay waa la dilay. Hoggaamiyayaasha dunida ay dhammaantood canbaareeyay falkaas kuna tilmaamay mid ka baxsan sharciga caalamka.  Ordugan oo cadhaysan ayaa yidhi, “Waanu sifayn doonnaa ciidammada qaranka. Arrintuna gacanteenna ayay ku soo noqonaysaa.”. Haddaba, weydiintu waxay tahay, maxaa Ordugan u suurogaliyay in uu hanto shacbiyadda intaa le’eg ee sababtay inuu kursigiisa sii ilaashido?.

U Dhibirsanaantii Ummadda Iyo Asluub Wanaaggiisii

Waxaad moodda in Ordugan ahaa dhakhtar garanaya cudurrada bulsho ku dhaca oo idil sababtuna waxa weeye sida uu u abbaaray dhibaatooyinkii bulshadiisa soo food saaray. Gebi ahaanba dadka waxay u hayaan jaceyl xad-dhaaf ah iyo  kalgacayl muuqda. Isugeynta tilmaamahaas waxay suurtogalinayaan in laga fekero bal inuu jiro sifooyin qarsoon oo hoggaamiyahani ummadda ku haysto qalbigoodana ku hantay. Waayo rag badan oo siyaasadda ku fogaaday meel sare na ka gaadhay, weli inay ku soo dhawaadaan iska daayee, may tiigsan heerkiisa. Sidaas awgeed buuggan waxaanu ku soo ururinnay bal tallaabooyinka aannu isleennahay wuu qaaday oo u sahlay horumarkaas baaxadda leh ee ku tallaabsaday ummaddiisana ku carraabiyay.

Dareen Bulsho

Ordugan waa nin xamaasad badan oo u damqada bulshadiisa. Kolka dhib ama aafo la soo sheego, sida ugu degdegga badan uguna suurtogalsan ayuu u waajahaa arrinkaas isagoo ka tabaalaysan taakuleeya. Marka laga eego dhinacyo badan oo ah habka uu Ordugan ula noolyahay umaddiisa waxa la siin karaa magaca “dhakhtar”, waayo waxa uu leeyahay aqoonta ay leeyihiin khubarada ku takhasusta cilmi nafsiga. Hab-dhiska dherer ee leeyahay qaab-dhismeedka jidheed ee Eebbe ku amaamuday, edebta Islaamka ee lagu canqariyay iyo hadalladiisa jawharadda ka qaalisan ayaa Ordugan u sahlay inuu taagnaado mansabka maanta. Sida lagu male weynyahay ishana laga arko, maaha af-miishaar haddana hawaraartiisa halkeeda ayuu dhigaa, ma aha gabyaa haddana guubaabada waa lagu galladay, maaha hoobal haddana murti idilkeed way ka soo aroortaa, waxaana malahayga ugu wacan labadii gabyaa ee uu aad ugu xidhnaan jiray muddadii uu wax baranayayna buugaagtay ay qoreen uu aad u daraaseeyay.

Talo iyo is maqal ayay ummadi tamar ku leeday e’

Tafaraaruq waa waxa dilee teenna dhaawacay e’

Tacabkaa ba’ Soomaaliyeey waa laga tagay e’. (Abwaan:Gamadiid)

 

IXTIRAAM BADNI

Dadka yaqaan Ordugan waxay siiyaan tilmaamo lala ashqaraaro, oo xitaa suurogalinaysa in ruuxa aan weli arag aad u jamto araggiisa, dhab na u jeclaado in maalin uun majliskiisa uu hadallo u jeediyo ama kuwa afkiisa ka soo baxaya dhegta u raariciyo. Waxa lagu tilmaamaa ruux Eebbe Weyne ku galladay ixtiraam uu u hayo noocyada dadka oo dhan hadday ahaan lahayd ciyaal iyo cirroole, horseed iyo hudeec, hormuud iyo hagaas, atoor iyo arbe, wadaad iyo wabiin, kuray iyo dhoocil, waa nin dhammaan dadku isugu mid yihiin oo mid kasta qaddarin u haya, falalkiisa ayaana taas markhaati u ah. Waxyaabaha dadka qaar aad ugu ammaanan waxa ka mid ah sida uu u sooro martida iyo hannaanka yaabka leh ee uu ku soo dhaweeyo. Waa nin ay dhammaan martida dharaar uun albaabkiisa soo garaacdaa ka wada mahad sheegtaan. Tusaale ahaan, waagii lagu qabtay shirka Fikirka Islaamiga ah waddankiisa, waxa dhacday dhacdooyin yaab leh. Kuwaas waxa ka mid ahaa: Kulan Weynihii Fikirka Islaamka oo lagu qabtay magaalada Istaanbuul ee caasimadda waddanka Turkiga. Dharaartaas Ordugan wuxuu sameeyay dhacdo halqigii meesha joogay, la wada amakaageen. Waxa uu si is-daba-joog ah u bilaabay salaanta gacan-qaadka ah oo uu ku jalbeebiyay xubin kasta oo ka mid ah dadka martida ahaa. Uma kala eegin kan baa mijo ah iyo kan baa madax ah, haseyeeshee gacantiisa ayuu baahiyay wuxuuna gebi ahaanba salaan ku dhammaystiray wufuuddii Islaamka ahayd ee madasha lagu soo casuumay. Waagaas ayaa uu kasbaday Ordugan ixtiraam badan. Tan ayaa sababtay in il gaar ah lagu eego, madaxda caalamka Islaamkuna si gaar ayay arrintaasi u soo jiidatay, halka dadweynuhuna dhacdada kala socdeen muuqaal baahiyahooda.

Siyaasad Tis-Qaadday

Diblomaasiyiinta Muslimka ah iyo kuwa kaleba waxay u qushuuceen habka uu Ordugan u isugu diba rido hawlaha ka dhexeeya waddamada iyo waddankiisa. Waa ruug-caddaa ku suntan siyaasadda Turkiga. Kuwa ku lidka ah wuxuu mar kasta ku dedalaa inuu soo fadhiisiyo miiska wada hadalka. Martida u timaadda sooryo dii lagu yiqiinnay dadka same falayaasha ah ayuu soo hordhigaa, isagoo tusaya ilka caddeyn aan afka ahayn ee uurkana loo male weynyahay inay jirto. Waxa xusid mudan habka uu adeegsado ee uu ku soo dhaweeyo dadka dane gaar ahi ka dhexeeyaan. Tusaale ahaan, wuxuu durabdiiba u kireeyaa gawaadhida nooca basaska loo yaqaan oo raaxo badan leh, hu’gooda iyo hoygoodana geed ka go’an ayuu ka dhigaa. Geesta kale waa nin u dhibirsan dadka tabaalaysan sida dadka curyaamiinta ah ama jidhkoodu dhaawac leeyahay. U dhibirsanaanta dadka curyaamiinta ah Ordugan waa mid lagu majeerto. Waxa xusid mudan in Ordugan ahaa Murrashaxii ugu horreeyay ee taariikhda Turkiga isagoo sharraxan, xildhibaannimo u soo sharraxay nin curyaan ahaa oo la odhan jiray Luqmaan Aayaw.

Geesinnimo

Waa tilmaan togan oo uu leeyahay Ordugan. Sida ay sheegaan dadka Turkigu waa nin leh ku-dhac xidhiidhka uu la leeyahay ciidankana waa mid dhaw, waxa lagu yaqaannaa ka dhawaan uu ka ag dhaw yahay dadka ku lidka ah. Kuma jujuubo inay tiisa qaataan, hase ahaatee, wuxuu yaqaannaa hannaan hufan oo ku hanto qalbigooda, yagoo kama danbays taageero u fidiya, aragtidiisana hawraar san yidhaahda. Waana sababta keentay in saraakiishii ugu sarreysay ee ciidammada ay diideen in la af-gembiyo maanta. Waxa si gaar ah ragga taariikhda ku suntan ka  mid ah Hulusi Akar oo isagu qaaddacay yeedhmadii dhiggiisa isagoo ay xabsiga u taxaabeen. Ordugan waa nin ku dhiirrada fulinta go’aanno adag oo laga gaadhayo dadka khilaafa qaanuunka u yaalla dalkaasi Turkiga. Dhacdooyinka yaabka leh ee soo maray waxa ka mid ah dilkii uu kula kacay wiilkii uu adeerka u ahaa. Wiilkan waxa lagu qabtay daroogo isagoo ka ganacsanaya oo Turkigana soo gelinaya. Kadib waxa lala tiigsaday sharciga Turkiga isagoo Ordugan aan haba yaraatee ka khafiifin xukunka lagu riday. Waxa aan wali maanka reer Turkiya weli ka bixin weedhii uu yidhi, “Qaanuunka waddankan Turkiga waa mid cid kasta ka sarreeya oo xukumaya.” Arrintaas oo dhacday sannadkii 2010 waxay ahayd mid soo jiidatay gebi ahaanba shacbi weynaha Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here