Guddoomiyaha Warbaahinta Somalilandtoday Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Cidda LaguXidhiidhiyey Xadhiggiisa

0
16

Yaa lagu xidhiidhiyey xadhiga Wariye Muniir Axmed Cigaal

Muniir

Hargeysa (Hubaal)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabay Guddoomiyaha Wargeyska iyo Shabakadda Somalilandtoday Muniir Axmed Cigaal oo sidoo kale ah Wariye ka hawl gala Telefishanka Qaranka.

Suxufigan ayaa Boolisku taxaabeen abaaro labadii duhurnimo ee saacada Geeska Afrika, waxaana laga qabtay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Booliska oo la xidhiidha xaridha Wariyaha, hase ahaatee warbixin lagu daabacay Mareegta Somalilandtoday, ayaa xadhigiisa lagu xidhiidhiyey inuu ka dambeeyo Wasiirka Howlaha Guud Cali Maxamed Xasan, kaasoo u xidhay arrimo siyaasaddeed.

Wasiirk Cali Mareexaan wali eeddan kama uu jawaabin.

Wariye Muniir ayaa waxa la sheegay in marka la qabtay ay wada socdeen Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen. Laakiinse lama caddeyn qorshaha ay u wada socdeen iyo waxa ku soo beegay saacada qabashada arrintaas.

Jamaal Cali Xuseen Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID, oo xaqiijiyey inay wada socdeen markii la qabtay suxufiga, ayaa sharaxaad ka bixiyey sidii wax u dhaceen. “Maanta anagoo marayna Hotel Maansoor oo aanu qado ku lahayn ayay na joojiyeen ciidamada boolisku, dabadeed waxay amreen inuu Muniir soo dego markii aan ku idhi hadaad xidhaysaan waaran sharci ma u sidataan waxay yidhaahdeen mayee amar wasiir baanu haysanaa amarna wasiirna waxba laguma xidho, anigoo Murashax Madaxwayne ah la iguma ixtiraamine xoog baa lagu kexeeyey, aniga ayaa idiin keenaya ayaan ku idhi way diideen oo iimay qiimeen markaa wallahi ninkaas si milgaha baal marsan ayaa loo xidhay intay isku jebiyeen ayay gaadhiga xoog ku galiyeen, markaa dadkii haldoorka ahaa ee dadka ku jiray haddii sidaas loola dhaqmo miyaanay mid subxaanale ahayn”

Jamaal Cali Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa shegay inay ciidamadu qaab argagax leh ula qabteen Wariye Muniir Axmed Cigaal, waxaana uu yidhi ” sidii dawladda milatariga ahi u dhaqmi jirtay ayay u dhaqmeen wax naxariis ah may samayn markaa sidaas ayay wax u dhaceen”ayuu yidhi Jamaal oo la hadlay Somalilandtoday.

Geesta kalena xubin ka tirsan Xisbiga UCID, ayaa qoraal ku baahiyey barta Facebook, ayaa cambaareeyey xadhiga Wariyaha.

Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA iyo ururrada kale ee saxaafadda ayaan wali ka hadal xadhiga wariyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here