Wadanka Masar Oo Gaadiidka Dagaalka Iyo Saanad Millateri Ugu Deeqday Dawladda Soomaaliya

0
26

M1(90)Muqdisho (Hubaal):-  Wasiirka gaashandhigga ee xukuumada faderaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali (Diin) oo uu weheliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka   Maxamed Aadan Axmed, ayaa safiirka dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya kala wareegay deeq isku jirta gadiid nooca dagaalka iyo saanad kale oo ciidan oo loogu talagalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta kamaandooska ee Danab, si ay u xoojiyaan howlagalada dalka ay sameynayaan.

Danjiraha dowlada Masar u fadhiya Soomaaliya Mowliid Ismaaciil oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay In dowlada Masar ay garab tagaan tahay Soomaaliya isla markaana ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska iyo qalabeynta ciidanka Soomaaliya.  Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya sareeyo gaas Maxamed Aadan Axmed oo goobta ka hadlay ayaa dowladda Masar ugu mahadceliyay deeqda ay soo gaadhsiiyeen taliska ciidanka xooga dalka.

Wasiirka Difaac ee dowlada Soomaaliya Jeneraal C/qaadir Sheekh Cali (Diini) oo kala wareegay saanada ciidan safiirka dowladda Masar ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhankiisa mahad naq balaaran u jeedin doona, isagoo sheegay in qalabkan lagu wareejin doona ciidanka xooga dalka gaar ahaan Danab. M2(88)

Dowladda Masar ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha saacida Soomaaliya iyadoo sidan oo kale dhowr jeer ay dalka keentay kaalmo loogu talagalay ciidanka Soomaaliya. Sida laga war qabana shirka madaxda Afrika ee ka socda wadanka Rwanda ayaa furitaankiisii oo madaxweynaha Soomaaliya uu ka qayb galay waxaa uu kulan gaar ah  kula yeeshay madaxweynaha Masar Cabdifataax Al Sisi, kaasi oo u ballanqaaday in uu garab istaagayo marka ay noqoto taageero ay xukuumadda federaalka ahi uga baahato caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here