“Werwer In Uu Jiro Shaki Kuma Jiro, Dadkuna Xaq Beyn U Leeyihiin In Ay Werweraan, Su’aashu’se WAxay Tahay Maxaa Laga Werwerayaa?”

0
8

Wasiir Sacad Cali Shire Oo Dhalinyarada Gobolka SAAXIL Ka Shaafiyey Tuhunno Ka Dhex Guuxayay  + Dood Cilmiyeed Ka Jawaabtay Soddomeeyo Su’aallood Oo Isku Qaddiyad Ah

“Markii Hore Waxaa Ku Qornaa Heshiiska In Haddii Khilaaf Yimaado La Innoogu Gar-Naqo Xafiiska [DP World] Dhexdiisa, Haddase Maadaama Oo Dubai Shaki Keentay Waxaa La Innoogu Garnaqayaa Maxakamdda The London Court Of International Arbitration (LCIA)”

+++++

“Arrin Kasta Oo Yimaada Halka Loo Badan Yahay La Marin Maayo’e Amuuraha Waaweyn Oo Dhan Waxaa Aynu Leennahay Codka Diidmada Qayaxan [VITO Power] Oo Illaa La Isku Raaco Ma Meel Marayaan”

Hargeysa (Hubaal)- Dood cilmiyeed ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada iyo aqoonyahanka gobolka Saaxil oo shalay lagu qabtay Hotelka Summer Time ee magaallada Hargeysa ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire lagu weydiiyey Su’aallo aad u tiro badan oo la xidhiidha heshiiska maalgashi ee dekedda Berbera lagu samaynayo, kaasi oo qoddobadiisa  qaar kamid ah laga dhadhansaday madmadaw, isla markaana ay dadka gobolka Saaxil qaarkamid ahi ka biyo diideen, hase yeeshee uu Wasiirku si faahfaahsan ugu sharraxay macnaha qoddobadaas iyo faa’iidooyinka ugu jira qaranka Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna reer Saaxil. Dood Cilmiyeedkan oo ay soo qabanqaabiyeen xubno kamid ah dhalinyarada aqoonayahanka ah ee gobolka Saaxil oo ay kamid yihiin  Axmed Abokor Maxamed iyo Caydaruus Aadan Huruuf waxaa ugu horeyn uu wasiirku kaga hadlay muhiimmada uu kulankani u leeyahay qaddiyada laga hadlayo, waxaanu yidhi “Haddii aan hadalkayga ku bilaabo mawduuca aynu maanta isugu nimi oo cinwaankiisu yahay ‘Cilmi baadhis ku saabsan maalgashiga dekedda Berbera,’ kolley waa ciwanaan ku habboon munaasibadan aynu maanta joogno oo ay isugu yimaadeen dad dhalinaro ah oo aqoonyahan ah, run ahaanna maalgashiga iyo dhalinyaraduna waa laba shay oo wada socda. Wadankastana mustaqbalkiisu maanta ayuu joogaa oo idinkuna waxaad tihiin madaxdii berri ee kaalintaanu maanta ku jirno bedelayay, sidaas oo ay tahayna wadan kastaa waxaa uu mustaqbalkiisu ku xidhan yahay inta uu hadba maalgashi sameeyo, markaa waxan aynu ka hadlaynaa [maalgashiga dekedda] inkasta oo uu yahay wax danguud ah hadana waa wax si gaar ah u saamaynaya dhalinyarada”. Sidaa ayuu yidhi wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda iyo maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo faahfaahinayay muhiimmada ay dooddani u leedahay dhalinyarada, si ay faham buuxa uga qaataan mawduuca Dekedda, waxana uu intaa ku daray wasiirku isaga oo hadalkiisa u kala qaybiyey  Illaa soddon su’aallood   oo jawaabahoodii wata  “ maadaama oo aynu ka hadlayo maalgashiga dekedda Berbera, su’aasha ugu horreysaaa waxaa weeye Maxaa aynu uga baahannahay, maxaase innagu kellifaya maalgashiga dekedda Berbera, miyeynaan iskaba dhaafi Karin oo dekedda aynu maanta haysanaa innagu filnayn?. Su’aashaas  haddii aan ka jawaabo, waxaa innagu kellifaya maalgashiga dekedda Berbera waxa weeye:

waa ta koowaade dekeddu waxaa ay ka kooban tahay laba qaybood, qayb Ruushkaa dhisay, qaybna Maraykankaa dhisay, qeybta Ruushku dhisay waxaa la dhisay baan u malaynaa 1964 ama 62-kii mid ahaan ma kala hubo e, qeybta kale ee maraykanku dhisay waxaa ay iyaduna dhammaatay 1982-kii. Labadaas qaybood midi konton jir bay ku dhawday, midina waa afar iyo soddon jir. Wax walibana cimri bay leeyihiin, sidaas darteed dekeddeenu waa mid da’ weyn oo u baahan adkayn iyo dayac tir iyo dhisme.

Qoddobka labaad baahidii dekedda loo qabay 1982-kii  markii qaybta dembe la dhamaystiray waxa ay aad uga yartay baahida maanta loo qabo, waxaa korodhay baahidii loo qabay. Qoddobka saddexaad dekedaha gobolku waxaa ay ku jiraan tartan, taasina waxa ay kellifaysaa in maraakiibtu ikhtiyaar u yeeshaan inay tagaan dekedda ay doonaan oo ay ku xidhaan, taasina waxa ay meesha ka saaraysaa wixii ay dekeddu hore u ahaan jirtay oo ahaa in ay kamid ahaan jirtay kuwa ugu mudan ee gobolka ku yaalla, laakiin shan iyo labaatankii sannadood ee u dembeeyey dekedihii la tartamayay waa la maalgashaday innaguna teenna maynu maalgelin cidina innoomay kicin markaa safkii aynu xagga hore kaga jirnay xagga hore ayaynu ka qabsanay.

Qoddobka afraad shan iyo labaatankii sanno ee u dembeeyey waxaa is bedelay teknoolajiyaddii, weliba laba meellood bay iska bedeleen oo kala ah in berigii hore badeecadda maraakiibta lagu soo raraa ay ahaan jirtay bagaash ama jawaanno  ama karaatoon, taas immika waa laga wareegay oo badeecaddii bagaashka ahayd waxaa loo bedelay kontaynarro, arrintaasina waxa ay caqabad ku tahay dekeddeenii waayo uma habaysna kontaynarrada”. Sidaas ayuu wasiir Sacad kaga jawaabay su’aashii ay dhalinyaradu ka weydiiyeen asbaabta kelliftay in la maalgashado dekedda berbera.

Warbixinta uu Dr. Sacad ka jeediyey dood cilmiyeedkan ka dib waxaa ay ka qayb galayaashu halkaa iyaguna ka soo jeediyeen haddallo  talo bixin u badan oo  nuxurkoodu iftiiminayay sababaha keenay is fahan la’aanta xukuumadda iyo dadka deegaanka Saaxil, taasi oo ay ku fasireen in ay tahay mid ka dhalatay xog la’aan buuxda oo ay xukuumaddu ka siin weyday qoddobada uu heshiisku huwan yahay.  Soojeedimahaas ka dib waxaa isagu cod baahiyaha la wareegay Wasiir Sacad oo  isagu qiray in Warwar badan oo ay qabaan dadka gobolka Saaxil uu jiro,  werwerkaasna ay xukuumad ahaan diyaar u yihiin in ay ka saaraan sababta keentay, iyago si faahfaahsan dadka uga qancinaya su’aallaha laabtoooda ka hugmaya ee ku saabsan qaddiyadan “Werwer in uu jiro shaki kuma jiro, dadkuna xaq bay u leeyihiin inay werweraan, wax kastoo cusubina werwerkiisa ayuu leeyahay, markaas taasi layaab ma laha, laakiin su’aashu waxaa ay tahay Maxaa laga werwerayaa, mashruucanise waxa laga werwerayo ma taabanayaa oo ma ka jawaabayaa mise ka jawaabi maayo. Qoddobkaas waxaa saaran calaamatul-su’aal ah haddii aynaan caymis lahayn sidee baa ay shirkaddani u maalgelinaysaa dekedda Berbera, ma laga yaabaa in ay maalkeeda iska haysanayso oo ay doonayso in ay teenna uun [dekedda] ku samaynayso maalgashiga.  Waxaa Hubaal ah in horta shirkadani aanay ka daahnayn duruufta Somaliland ka jirta, inaan la inna ictiraafsanayn way ogtahay, inaan baanan caalami ah aynaan lahayn way ogtahay, Caymis [Insurance] Caalami ahna inaynaan lahayn wey ogtahay, innagoo aan intaas lahaynna waxa aynu la macaamilnaa oo la ganacsanaa caalamka oo shirkaduhu innoo yimaadaan tusaalle ahaan shirkadihii Batroolka, Genel Energy, shirkadda Kookakoollaha (SBI),  Shirkadaha Chinese-ku dhawr meellood bay maalgashadeen, waxaas oo dhan qofka maalgashadaha ahi wuu ku xisaabtamayaa oo wixii dhib dheeraad ah ee kaga yimaada wuu u badheedhayaa, laakiin wixii ku yimaada waxaa uu  saaranayaa macaashkiisa, markaas arrintaasi wax u gaar ah shirkadda DP World keligeed maaha. Mida kale dhaqaallaha 85%-ka ah ee dekedda innaga soo gala inta badan waxaa aynu ku bixinaa mushaharrooyinka macalimiinta, ciidamada, shaqaallaha dawladda, waayo inta ugu badan waxaa aynu leennahay laba meellood oo dakhli innaga soo galo oo wax laga cashuurro oo waa dekedda Berbera iyo Wajaalle, inkasta oo aanay labadaas meellood isu dhigmin oo ay Berber weyn tahay, taasina waxaa ay caddaynaysaa in dakhliga qaranku uu Berbera ka yimaado inta badan, sidaas darteed waxaanu idiin cadaynaynaa in dakhligaas dawladda ka soo gala Berbera aanay haba yaraatee waxba iska bedalayn wax ku biira mooyaane, heshiiskanina ma saamayn doono”. Ayuu yidhi wasiirku, waxaanu intaa ku daray jawaabta su’aal ay ka qayb galeyaash iska waydiiyeen  xagga xubnaha maamulka fulinta [Board-ka] ee dekedu yeelanayso heshiiskani marka uu dhaqan galo,  waxaa uu wasiirka arrimaha dibedu ku  jawaabay “Xagga maamulka Shirkadda iyo xubnaha guddida maamul ee toddobada ah ee ay iyagu shank amid ah leeyihiin innaguna aynu laba leennahay, horta immika waxaanu ka dhignay  sagaal xubnood oo saddex-na innagaa leh lixna iyagaa leh, waxaanay ka imanaysaa uun saami qaybsi laakiin arrin wal oo yimaadaba gacanta loo taagi maayo oo halka loo badan yahay la marin maayo’e amuuraha waaweyn oo dhan codka diidmada qayaxan [Vito Power] beynu leennahay, illaa la isku wada raacana ma meel marayaan. Waxaa iyaduna xusid mudan haddii muran yimaado sharciga lagu kala baxaayo wuxuu noqonayaa sharciga Ingiriiska, Heshiisyadda aynu galno oo dhan ee caalamkuna waa sidaas oo waa mid standard ah, haddii aynu is khilaafno oo aynu murannona waxaa la innoogu gar naqayaa Ingiriiska. Ma Maxakamadda Ingiriiska Ayaa la innoogu gar naqayaa mise mid kale?, waxaa la innoogu garnaqayaa maxakamad caalami ah oo layidhaahdo The London Court of International Arbitration (LCIA). Shirkadaas oo sideedaba loo sameeyey in lagu qaado garta khusaysa khilaafaadka shirkadaha caalamiga ah, meello badan oo dunida ahna xafiisyo ayay ku leedahay ee mid innaga innoo gaar ah maaha”. Wasiirka khaarijigu wuu sii waday jawaabtiisa oo waxaa uu soo hadal qaaday qoddobo markii hore ku jiray heshiiska oo laga yaabo in uu shakiga iyo werwera ku beeray shacbiga kaasi oo ku saabsanaa halka lagu garnaqsan doono haddii khilaaf dhex maro labada dhinac, waxaana uu yidhi; “Markii hore waxaa ku qornaa heshiiska in haddii khilaaf yimaado garta lagu qaado xafiiskooda [DP World] dhexdiisa, haddase waanu ka bedelnay oo xafiiska Ingiriiska ayaanu nidhi maadaama oo Dubai shaki keentay”. Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire. Gebogabadii dooddana waxyaabaha kale ee uu ka warramay wasiirku waxaa ka mid ahaa arrimaha saami qaybsiga iyo sida loo kala qaybsanayo wixii soo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here