“Jamaal Inuu Musharax Yahay Ayaa Meesha Ka Baxday, Cali Gurey-na aan lagu Dooran Shirka Golaha Dhexe, Anigana….”

0
6

faysal cali waraabeFeysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hubaal) –  Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay sida uu u arko go’aanka ay soo saareen   Guddida Diwaangalinta Ururrada siyaasada Somaliland shalay ee  ku saabsanaa khilaafkii isaga iyo musharraxiisa u dhexeeyey. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa waxaa uu soo dhaweeyay go’aanka Guddida Diwaangalinta Ururada Siyaasada waxaanu uu sheegay inaanay jirin sharci u diiday in uu isa soo sharaxo mar saddexaad Kursiga Madaxtinimada. “Go’aanka Guddida diwaangalintu waxaa uu cadeeyay in  aanu Jamaal Cali Xuseen  ahayn musharaxa Xisbiga UCID, Cali-Gureyna Aan lagu dooran Shirkii Golaha Dhexe ee xisiga.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe waxaanu intaasi ku daray “ Aayad Qur’aan oo ii diidaysa inaan isa soo sharaxo ma jirto”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here