“Waxa Laascaannood Lagu Hayaa Niman Fidmo Waday Oo Rabay Inay Dagaal Ridaan, Kuwaas Oo Ay Ciidammada Qaranku Gacan Bir Ah Ku Soo Qabtaan Iyaga Iyo Hub Ay Wateenba”

0
21

Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac

“Anigu Waxaan Soo Taagnaa Shir 1992-Kii Lagu Heshiisiinayay Beellaha Maxamuud Garaad Iyo Muuse Abokor, Kuwaasi Oo Qolo Waliba Iska Dileen 1300 Illaa 1500 Oo Qof, Tobonnaan Kun Oo Geel Ahna Kala Dhacay….Heshiiskaas Waxaanu Ku Kala Xukunnay….”

++++++

“Oday Annaga Ah oo Cali Koorre la odhan jiray baa marka lagu yidhaahdo Ay reer Hebel ka aarsano, Waxa Uu Odhan Jiray “ Waar Anigu Nin Dhintay Uma Talin Aqaanno Ee Ka nool Baan U Talin Aqaannaa….” Markaas Aniguna Waxaan Leeyahay…..”

-WARAYSI KHAAS AH Oo Wasiir Baashe Xalay Siiyey Wargeyska HUBAAL

Wasiirka-Biyaha-Baashe-Cali-Jaamac

Adhi-caddeeye (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa socdaal hadda ku joogaan degmada Adhi caddeeye ee ka tirsan gobolka Sool, ayaa xalay Wargeyska Hubaal wax ka weydiiyey natiijada socdaalka ay isaga iyo wufuudda kale ee xukuumadda ka tirsan ku gaallaa bixiyeen gobollada bariga dalka, iyo midho dhalka go’aammaddii laga soo saaray shirkii xukuumadda iyo beellaha Nugaalleed ku dhexmaray degmada Awr Boogays ee gobolka Sanaag. Wasiir Baashe Cali Jaamac oo Waraysi khaas ah siiyey Wargeyska HUBAAL, waxaa kale ooo uu ka hadlay sidii xal waara looga gaadhi lahaa dirirta soo noqnoqotay ee dherkayn geenyo, isaga oo labada beelloodna ugu baaqay in ay hubka iska dhigaan ooa y nabadda qaataan. Wasiir Baashe waxaa kale oo uu ka hadlay rag hubaysan oo ay ciidammada qaranku gacanta ku soo dhigeen dorraad xilli ay qorsheynayeen dagaal ka dhan ah xasiloonida kuwaasi oo haatan  ku xidhan magallada Laascaanood. Waraysiga Wasiirka oo dhinacyo kala duwan taabanayay waxyaabaha kale ee uu xambaarsanaa waxaa kamid ahaa farriiin uu u dirayay dadka ku dhaqan gobollada Galbeedka Somaliland oo uu ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto ka midho dhalinta iyo fulinta heshiiskii Awr Boogays oo uu ku tilmaamay mid waxtar u leh qarannimada Somaliland waxaanu ku   “ Runtii waxaanu xal ka soo gaadhnay qayb weyn oo kamid ah  tabashooyin ay beellaha dhulbahante ka tirsanayeen xukuumadda Somaliland, Wixii halkaa [Awr Boogays] la isku soo afgartayna  macnaheedu waxa weeye in Somaliland is raacdo, maamul fidin ay yeellato si caddaalad ahna ay u wada noollaato, wixii mad madow jirayna meesha laga saaro, waxaana aanu rejaynaynaa in wixii kale ee hadha tabasho ama ay qabaan beellahani ay waddadaas aanu jeexnay maraan”. Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Biyaha Somaliland oo Xalay cawayskii khadka telefoonka ugu warramay Wargeyska HUBAAL, isaga oo ku sugan Degmadda Adhi-caddeeyey ee gobolka Sool.   “Qolyahaas galbeedka Somaliland ku dhaqanna waxaanu leennahay heshiiskaas xil baa innaga wada saaran in uu fulo, waa inaan loo arkin marka saami laga hadlo inaan dad waxooda lagu socdo balse loo arko in aanu rabno wadanka in lays gaadhsiiyo, waayo weynu ognahay oo gobollada galbeedka Somaliland hore ayay u mareen, Bariguna dib buu u dhacay, taasna haddii aan meel looga wada jeedsan waxaan qabaa qarannimda inaan laga midho dhalin Karin, dee ismana qabanayso ninku haddii uu yidhaahdo qarannimo waan rabaa, wax kastana waan rabaa oo inaan dadka wax la qaybsado dooni maayo, taas dee been buu ka sheegayaa in uu Somaliland qarannimadeeda rabo”. Ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku. Mar uu ka jawaabay Su’aal uu Wargeyska HUBAAL ka weydiiyey farriinta uu u diray dadka deegaannada Bariga Somaliland ku dhaqan ee heshiiskani saamaynayo, gaar ahaanna beellaha dhulbahante ee uu Baashe ahaan isagu ka soo jeedo, waxaa uu yidhi Wasiirku, “ Dhulbahante waxaan leeyahay gogosha madaxweynuhu u fidiyey  in ay aqbalaan inta hadh-dhay, gaar ahaanna waxaan la hadlayaa reer Buuhoodle oo aan leeyahay idinkuna gogoshaas oo kale aqbala waayo wax badan baa iskaga kaaya xidhan Dhulbahante ahaan. Qeybtan aanu shirinnay ee aanu Awr-boogays isugu keennayna ujeedadeedu maaha xukuumad ahaan inaanu dadka kala jarjarnay balse macnaheedu waxa weeye in aanu isu keenno marba intii noo suurtoobaysa. Waxaanan rejaynayaa in wadadaas lagu wada daydo oo ay reer Tolkay gacmaha is qabsadaan, waayo deegaannadii Bariga dib u dhac baa ka muuqda, waxaanan leeyahay dawlad xumi dawlad la’aan bay dhaantaa, mar haddaan amni iyo buliis iyo nidaam iyo sharci jirinna dib u dhac uun baa ku dhacaya markaa waxaa laga rabaa iyagana [dhulbahante] in ay ka fikiraan sidii ilmahoodu tacliin u heli lahaa, bulshadu caafimaad u heli lahayd, adeegyadii noloshana loo samayn lahaa”. Ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaa ku daray mar  uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyey dirirtan soo noqnoqonaysa ee beellaha deegaanka Dharkeyn geeyo iskaga hor imanayaan iyo sidii xal  midho dhal ahlooga gaadhi lahaa  xasilloonideeda, waxaa uu Wasiirka Biyaha Somaliland Md. Baashe Cali Jaamac ku jawaabay “Arrintan Dharkeyn Geenyo waxaanu rabnaa in marka aanu hawlahan dhamayno aanu iyagana xoog saarno, dad badan baa immikaba xallinteeda ku maqan, markaa iyaga waxaan leeyahay hubka iska dhiga oo nabada qaata”. Wasiirku waxaa uu hogatusaalleeyey dhacdo dhiig badani ku daatay oo rubuc qarni ka hor dhex martay laba beellood oo reer Somaliland ah, waxaanu yidhi “Anigu waxaan soo taagnaa shir deegaanka Awr Boogays ka dhacay 1992-kii  oo   kumanyaal qof ay isugu yimaadeen oo dhex maray beellaha Maxamuud Garaad (Dhulbahante) iyo Muuse Abokor (Habar Jeclo), shirkaasi waxaa uu ka dhashay markii aanu aragnay in qolo waliba ay kun iyo saddex boqol illaa kun iyo shan boqol iska dileen, tobonnaan kun oo geel ahna  kala dhaceen, waxaanu ku xukunnay markaas inaanu nidhaahno wixii hore tage ee maanta laga bilaabo waxaas oo dhan halaga walaalloobo, nabadii aanu waagaas xidhnay weli way ka xidhan tahay xagga Nugaasha iyo Sanaag, markii dembena waxaanu heshiis ka dhex dhalinay xagga Ceerigaabo ee ay wada degaan Habar Yoonista iyo qolyahan Maxamuud Garaadka (Dhulbahante), markaa dee dadku wuxuu u kala horumaray siduu Somaliland u kala hor qaatay.  Oday Annaga Ah oo reer Talleex Ahaa Oo  Cali Koorre la odhan jiray baa marka lagu yidhaahdo Ay reer Hebel ka aarsano, waxaa laga guntay  oo uu yidhi “ WAar anigu nin dhintay uma talin aqaanno ee ka nool baan u talin aqaannaa!!!”.  Markaas aniguna waxaan leeyahay reer Dharkeyn Geenyo iyo reer Dhumay collaada iska dhiga ninkii dhintay dhinte’e ninka nool u taliya.”.  “Xukuumadda Somaliland Gacan bir ah bay ku qabanaysaa amniga iyo xasilloonida deegaankaas oo shalay [Dorraad] lafteeda niman fidmo waday oo dhawr iyo labaatan ahaa ciidammada qaranka ayaa soo qabtay oo hadda Laascaannood baa lagu hayaa iyaga iyo  hub lagu qabtay oo ay rabeen in ay dagaal ridaan, dee taasina waxa ay qayb ka tahay dadaal weyn oo ay xukuumadda Somaliland ugu jirto amniga iyo xasillinta deegaannaaad”. Sidaas ayuu yidhi Wasiir BAashe Cali Jaamac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here