“….. [Xaalladani] Waxay U Eegtahay Baa La Odhan Karaa 1997-kii Illaa 1998-kii Halkii Ay Beellaha Isaaqu Marayeen [Gaar Ahaan] Markii Garxajiska La Heshiisiiinayay”

0
18

Shirkan Waxaa Ka Qayb-gelaya Afar Boqol Oo Ergay Oo Ka Soo Jeedda Beellaha Jaamac Siyaad Iyo Ugaadh-yahan

Tiraabo Kor-ka-xaadis Ah Oo Xil. Saleeebaan Cali Koorre Ka Bixiyey Ajendaha Shirweyne Ay Qaban-qaabadiisu Ka Socoto Laascaannood Iyo Xidhiidhka Uu La Leeyahay   Is-fahamkii Ay Beellaha Nugaalleed Iyo Xukuumaddu Wada Gaadheen  xildhibaan saleban cali koofre

Laascaanood (Hubaal):- Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool waxa la filayaa inuu  ka furmo maalmaha soo socda shir balaadhan oo ay qabanqaabadiisu halkaa ka socotay in muddo ah, kaasoo ay qabsanayaan beelaha Maxamuud Garaad ee Dhulbahante.  Shirkan oo daba socda ama ku labo noqonaya shir todobaadkii hore lagu soo gabagabeeyey Magaalada Awr-boogays oo ay dawladda Somaliland heshiis kula gaadheen Ardaayada laysku yidhaahdo Maxamuud Bari oo kamid ah Beesha Maxamuud Garaad, ayaa waxa qabanqaabadiisa ku howlan Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamanka iyo xubno kamid ah Ganacsatada Beeshaas, sida uu sheegay Xildhibaan Saleeban Yuusuf Cali Koore oo kamid ah Siyaasiyiinta doorka muuqda ku leh qabanqaabada. Xildhibaan Saleeban Cali oo ka tirsan Mudaneyaasha Aqalka Wakiillada ee Gobolka Sool laga soo doortay ayaa isaga oo ku sugan Magaalada Laascaanood, waxaa uu ka hadlay ajendaha shirkan iyo natiijada ay ka quudarraynayaan in uu ka soo baxo. Xildhibaanka oo degelka wararka ee Gobanimonews.com siiyey waraysi la xidhiidha hawlaha shirkan oo uu sheegay in ay u qorsheeyeen in  muddo saddex maalmood ah  inuu shirku socdo  iyaga oo ku martiqaaday ergooyin tiradoodu dhan tahay afar boqol oo xubnood [400 ergey]  oo kasoo kala jeeda saddexda beellood ee Maxamuud Garaad, waxaa uu hoosta ka xariiqay in muddad uu socdo shirkaasi  uu mawduuca ugu muhiimsan ee lagaga hadli doonaa yahay sidii Beelahaasi isku afkaar uga noqon lahaayeen horumarinta Gobolada Sool, Sanaag iyo Xaysimo  talo-midaysanna uga yeellan lahaayeen arrimaha siyaasada iyo dhaqaalaha, iyo sidii ay  dawladda Somaliland wax ula qaybsan lahaayeen iyagoo mid ah. “ Shirku waa Shir aanu doonayno inaanu ku mideyno Beel-weynta Maxamuud Garaad, oo  ah Beesha Ugaanyahan iyo beesha Jaamac Siyaad, wuxuu qabsoomayaa saddexda maalmood ee soo socda, waxa lagaga hadlayaa waa sidii Beeshaasi ugu midoobi lahayd ama isku fikir uga noqon lahayd midnimada iyo wax wada qaybsiga Somaliland”. “Illaa afar boqol oo Ergay (400) ayaannu isleenahay haka soo qayb galeen oo lagu casuumay. Gogosha waxa fidiyey siyaasiyiinta iyo dadka kale ee hormuudka ah ee beelahaas. Waxaanu isleenahay shirkan waxa ka dhalan kara fikir guud oo dhulbahante danihiisa ugu midoobo”ayuu yidhi xildhibaanka oo ka war bixinayey howlaha Shirka iyo halka wax marayaan. Xubnaha hormuudka u ah qabanqaabada Shirka waxa kamid ah Wasiirka Wasaarada Biyaha Baashe Cali Jaamac, Xildhibaan Cabdiqaadir Indho indho, Taliyaha qaybta Bariga Sool ee Ciidanka Qaranka Mahad Camaabshe Ganacsade Maxamed Jabuutaawi, Maxamed Faratoon iyo xubno kale oo isugu jira Siyaasiyiin, waxgarad iyo aqoonyahan  miisaan ku leh Gobolada Sanaag iyo Sool. Xildhibaan Koore oo wariyuhu waydiiyey in shirarkan isdaba socda u muuqaal eegyihiin kuwii gobolada dhexe ee Somaliland ka dhacayey ee lagu heshiisiiyey  Beelaha Isaaq markii dawladda Somaliland la dhisay ,waxa uu ku jawaabaay: “Waa la odhan karaa waxay u eegtahay halkii xaaladu maraysay markii Beelaha Garxajis la heshisiinayey 1998-kii ilaa 1997-kii , xilligaas halkay marayeen beelaha Isaaq waa la odhan karaa, markaa waxaanu rejaynaynaa in wax wanaagsani ka soo bixi doonaan”ayuu ku jawaabay. Arrinta Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha oo hadda ka socota Gobolka Sanaag, isla markaana lagu wado inay Gobolka Sool u gudubta, ayaa Xildhibaanku sheegay in looga diyaar garoobay Gobolkaas,  ka qayb-qaadashadeeduna ku jirto qodobada  ajandaha u ah Shirka.  “Dadku waa u diyaar diwaan-gelinta, waanay gelayaan horena way ugu diyaar garoobeen, markii ay ka bilaabantay Sanaagna dadka qaar halkaa degen ayaa tegayey”. Xildhibaan Koore  oo wax laga waydiiyey xidhiidhka ka dhexeeya shirka lagu soo gabagabeeyey Awr-boogays iyo qorshaha sahaminta Shidaalka ee deegaamada laga fulinayo ay kamid tahay Degmada Xudun oo Beeshiisu degto, su’aashaasoo ka dhalatay sida xukuumaddu muhiimada gaarka ah u siisay suurto-gelintiisa, ayaa xildhibaanku si cad u beyaamiyey. “Shirka Awr boogays, wax shaqo ah kumuu lahayn howlihii Shidaal baadhista oo aan moodayeyba inuu sahankoodii dhamaaday, xukuumadduna wax door ah kumay lahayn maamulkiisa ee wuxuu ahaa shir annagu aanu go’aansanay qabsoomidiisa, dawladduna way naga taageertay, wixii ka soo baxayna wax mad-madow ku jiro muu ahayne waa la wada ogyahay oo waatii la beyaamiyey”. Shirka Awr-boogays ayaa qodobada ka soo baxay waxay muujiyeen hab lagu sameyn karo isbedel siyaasaddeed iyo maamul oo go’doonka ka saari kara Gobolada SSC oo dhan, waxaana aragtiyaha ka soo baxay haddii sida ay yihiin loo fuliyo ka dhalan kara isfaham iyo horumar fiican oo ay ku talaabsadaan Gobolada aan adeegyada dawladdu sida fiican u gaadhin. Shirkan laascaanood-na wuxuu sii kabi karaa qorshaha cusub ee lagu yagleelayo wajiga siyaasaddeed ee ay Dawladda iyo Siyaasiyiinta gobolkaa ugu jiraa doonayaan inay wax ku qaybsadaan bulshada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here