“Tayooyinka Hoggaamiyuhu Leeyahay Waxa Ka Mid Ah Go’aan-Qaadasho & Inuu Leeyahay Karti Uu Mabda’iisa Kaaga Dhaadhicin Karo”

0
24

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa iyo Toosh Ku Ifinta HoggaamiyahaBANDHIGGA-DHARAARTA-AFRAAD-EE-BUUGAAGTA-HARGEYSA-2016-5-1

Hargeysa(Hubaal)-  Bandhigga Caalamiga ah ee Buugta Hargeysa oo maanta galay maalintiisii 4aad ayaa lagaga hadlay Doorka hoggaamintu ku leedahay dhismaha qaran iyo horumarintiisa, Barnaamijka Sooyaal oo uu Abwaan Dheeg kaga hadlayey sooyaalkiisii nololeed iyo suugaaneed, Buugaaga kala duwan oo lagu soo  bandhigay, kuwaasi oo  ay ka mid ahaayeen Feedh Qalloocan oo uu qoray Nooradiin Faarax, isla markaana uu turjumay Cabdisalaan Herari, Buugta Irdho oo uu qoray Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar, Feedh qaloocan, Xusuus qorka Dr. Hibaaq Buubaal, La hadal naftaada oo ay soo bandhigtay Farax Xasan Macalin iyo Buugga Xisaabta dugsiga sare ee fasalada koowaad iyo labaad oo uu soo bandhigay C/risaaq Maxamed Cismaan.  Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo hadal kooban oo soo  dhawayn ah ka jeediyey kulanka Aqoonyahan Maxamed Cali Bille kaga hadlayey doorka hoggaamiyuhu ku leeyahay Dhisida iyo Horumarinta qaran ayaa waxa  uu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dalka ku soo noqdaan oo ay ku haminayaan inay soo degaan, sidoo kale waxa uu Maxamed Baashe Xaaji Xasan u mahadceliyey abaabulayaasha iyo ka qayb galayaasha bandhiga caalamiga ah ee buugta Hargeysa. Maxamed Baashe Xaaji Xasan ayaa waxa hadalada uu jeediyey ka mid ahaa “Waxaan u mahadnaqayaa soo abaabulayaasha bandhiga caalamiga ah ee buugta Hargeysa iyo  ka soo qayb galayaashaba, mar dhaawayd ayaan dalka soo gaadhay oo aan diyaarada ka soo degay oo aan magaalada daawanayey aniga iyo Maxamed Cali Bile-ba waanu idinla soo degi doonaa oo waanu idinla noolaan doonaa oo Soomaalida ayaa odhan jirtay bog hooyo meel dhaantaa ma jirto, markaa dhul hooyo meel dhaantaa ma jirto oo Hargeysa ayaa ii dhaanta London. Aqoonyahan Maxamed Cali Bille oo khudbad ku sabsan doorka hoggaamintu ku leedahay dhismaha iyo horumarinta qaran ayaa waxa uu sheegay in hoggaamiyuhu yahay ka dawladdaha is dhaafiyey, isla markaana dawladdaha qaar ka dhigay inay horumaraan dawladdaha qaarna la hadhay, isaga tusaalayaan u soo qaatay dalal guulaystay oo ay hoggaamiyeyaashoodu sabab u ahaayeen iyo dalal fashilmay oo hoggaamiyeyaashoodu fashilkiisa sabab u ahaayeen. Aqoonyahan Maxamed Cali Bille oo ka hadlayey doorka hoggaamintu ku leedahay horumarinta iyo dhismaha qaran waxa uu yidhi “Marka hore waxaan u mahadnaqayaa ka soo qayb galayaasha bandhiga caalamiga ah ee Buugta Hargeysa, hal-ku dhigga sanadkan waa Hoggaaminta iyo Hal-abuurka”. Aqoonyahan Maxamed Cali Bille oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray “Marka hoggaamiye laga hadlayo waxa dadka  qaarkood maskaxdooda ku soo deg degaysa Madaxweyne, balse inaynu munaasibadan isugu nimaadnaaba hoggaamin ayey u baahan tahay oo qof kasta oo inaga mid ah waxa uu jecel yahay horumar, balse waxa kala duwan wadada loo marayo horumarka, kaasi oo qofna keenaysa inuu horumarkii uu doonayey ku guulaysto qofna uu  ku guulaysan  waayo”. Aqoonyahan Maxamed Cali Bille oo ka hadlaya saamaynta ay in Istiraatijiyad la samaystaa leedahay ayaa waxa uu yidhi “Maxay yihiin waxan shakhsi kasta, shirkad iyo dawlad horumar u gaadheen waxa weeyi inay qolo kastaa dhigato Istaraatijiyad ay ku horumaraan, taasi  oo ah wadada ay u marayaan horumarka, waxaad u fiirsataa dawladdaha dunida qaarkood ayaa waxa ay ku faanaan oo ay wakhti badan galiyaan Ciidamada, halka qaarkood isku haleeyaan kaydka dalkooda ku jira sida macdanaha, shidaalka iyo wixii kale ee la midka ah, waxaad u fiirsataa dalkii Soofiyati waxa uu ahaa dalal isku tagay oo ka Injineero iyo dhakhaatiir badnaa Mareykanka, balse hoggaan ayaa halkaa dhigay, haddii dhaqaale iyo horumar ayaa meel lagu gaadhaa is leedahay u fiirso Liibya, Nayjeeriya waa wadamada u dhaqaalaha iyo dadka badan Afrika hadana halkay marayso eeg, dhinaca hoggaanka iyo sida uu dal meel u gaadhsiiyo eeg Rwanda oo loo yaqaanay wuxuushtii Afrika iyo Itoobiya oo shalay halkay maraysay aad ogayd labaduba maanta waa kuwa aduunka ugu dhaqaale koboca badan”. Bille oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Tusaalayaashan waxa aynu u soo qaadanaynaa dhaqaale aynu helno iyo wax la mid ah waa waxa aynu is odhan karno waa lagu horumari karaa, balse mararka qaar ay mushkilado yihiin, haddii aynu tusaale u soo qaadano wadanka Urdun oo la jaar ah Ciraaq  iyo Suuriya oo wadamada ugu dhaqaalaha badnaa Carabta ahaan jiray, iyagu may lahayn wax dhaqaale ah iyo wax soo saar kale, balse wadankaasi Injineeradiisa iyo Dhakhaatiirtiisa waa kuwa ugu badan ee la qaato waxaana ku yaala dhawr iyo sodon Jaamacaddood, halkaana waxa gaadhsiiyey hoggaamiye, haddii aad ku mar marsoon lahayd Mareykan ayaa dabada ka riixay oo kuwa kale bur buriyey, dee hoggaamiyuhu waa ka dalkiisa cidda  dhisaysana la heshiiya cidda duminaysana ka ilaaliya”.

Aqoonyahan Maxamed Cali Bille oo qeexid ka bixinaya hoggaaminta ayaa waxa uu yidhi “Haddaba waxa isweydiin leh maxaa wadamada qaarna la hadhay wadamada qaarna horumariyey, waxaan odhan karaa waxa keenaa waa hoggaamiyaha oo hoggaamiyaha wanaagsani waa qof aragti wanaagsan leh, hoggaamiyuhu waa inuu garanayaa halka loo socdo, sidoo kale hoggaamiyuhu waa inuu leeyahay karti uu kaga dhaadhicin dadka waxa uu doonayo inuu sameeyo, waana inuu hoggaamiyuhu karti u leeyahay inuu soo xusho dadkii hawsha uu qabanayo la fulin lahaa iyaga oo la rumaysan mabda’a uu aaminsan yahay in qaran lagu horumarinayo waana inuu leeyahay Istaraatijiyad, hoggaamiyuhu waa inuu qaadaa masuuliyadda ugu dambaysa ee guul iyo guul darraba, tayooyinka hoggaamiyuhu waa mid kaliya kaasi oo ah go’aan qaadasho”. Maxamed Clai Billae oo ka hadlayey Hoggaaminta iyo Somaliland waxa uu yidhi “Haddii aynu Somaliland u soo noqono waxa jira qodobo badan oo loo baahan yahay in go’aan laga qaato, kuwaasi oo ay ka mid yihiin sanad kasta waxa  jaamacadaha ka soo baxa ardey tiradoodu ka badan tahay Toban kun oo ardey, waxa loo baahan yahay inuu hoggaamiyuhu go’aan qaato uu shaqo ugu abuurayo oo  miisaaniyadeenu sanadkii waa laba boqol oo milyan, haddii aynu si kasta u sii kobcino waxba ma qabanayso, balse waa in lagu talo galo in la sameeyo fursado shaqo loogu abuurayo sidoo kale Jaadka waxa inagaga baxa boqolaal milyan  oo dollar, sidoo kale waxa aynu u gaynaa lacag kaash ah waa laba dhibaato oo ina haysta waxa loo baahan yahay in go’aanka la qaato oo loo bandhigo sidii ay wax inagaga bedelan lahaayeen mar kasta waa la sheegaa sida Kalluunka, Sibidhka iyo Milixda, balse waxa loo  baahan yahay in go’aankaasi la qaato”.  “25 sano ayeynu ictiraaf raadinaynaa miyaan laga go’aan qaadan Karin in xal wadooyinkii ka horeeyey aan ahayn la raadiyo, sidoo kale shaqooyinkeena dawladda waxaad moodaa Bayshan lagu qaato mushaharka oo gabigeedaba waxa la shaqeeyaa shan saacadood waxaad moodaa in dadka lagu raali galinayo, laakiin waxaan idiin sheegayaa inaanay raali galin iyo horumar doon meel wada galin” ayuu Aqoonyahan Maxamed Cali Bille hadalkiisa ku soo gabogabeeyey. Dhinaca kale, waxa maanta lagu soo bandhigay maalintii afraad ee bandhiga caalamiga ah ee buugta Hargeysa barnaamijyo ay ka mid yihiin Buugta Irdho oo uu qoray Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar, Feedh qaloocan, Xusuus qorka Dr. Hibaaq Buubaal, La hadal naftaada oo ay soo bandhigtay Farax Xasan Macalin iyo Buugga Xisaabta dugsiga sare ee fasalada koowaad iyo labaad oo uu soo bandhigay C/risaaq Maxamed Cismaan. Sidoo kale waxa lagu soo bandhigay cilmo baadhis ku sabsan Af Soomaaliga oo ay Macalin Siciid Saalax, Martin Owen iyo aqoonyahan kale. Abwaan dheeg ayaa isaguna ku soo bandhigay suugaantiisa madasha bandhiga caalamiga ah ee buugta Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here