AKHRI: Warbixin Ciwaan Looga Dhigay Horumarka Ay Wasaaradda Waxbarshada Iyo Tacliinta Sare Ee JSL Ku Tallaabsatay Muddooyinkan Danbe

0
10

Waxa Qoray, Diyaariyay: Guuleed Maxamed Yaasiin (Dalxa) Oo Ka Tirsan Wargeyska Hubaal

wasaaradda waxbarashada

  • Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaalilaan waxay markii ugu horreysay dib u habayn ballaadhan ay ku samaysay manhajkii waxbarashada ee dugsiyada hoose/dhexe iyo dugsiyada sare.
  • In yar kaddib markii hoggaanka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare loo magacaabay Wasiir Cabdillaahi Ibraahim Habbane, waxa la agaasimay shirweyne lagu meel marinayay qorshaha mashruuca horumarinta cilmiga wejigiisii labaad. Shirkaas waxa furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaalilaan, waxaana maalgeliyay Midawga Yurub. Kulankaasi wuxuu qabsoomay 16kii Feebarwari, 2015 kii. Shirkaas waxa lagu oddorasay shirkaasi baahiyaha waxbarasho iyo tallaabooyinka lagaga gudbi karo caqabadaha.
  • Iyadoo in muddooyin dheer ay soo jiitamaysay siyaasadda waxbarashada ee Soomaalilaan, waxay Wasaaradda Waxbarashadu ku guulaysatay in la qabto shirweyne ay ka soo qayb galeen dad iskugu jiray aqoonyahan, culimaa’uddiin iyo khubaro waxbarasho, tiro ahaanna gaadhayay illaa 500 xubnood, laguna lafa guray qaabka iyo hannaanka siyaasadda waxbarashada Soomaalilaan. Shirkaasi wuxuu ka qabsoomay hudheel Maansoor 26kii Maarso – 28kii Maarso, 2016. Iyadoo laga duulayay talooyinkii uu madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu bixiyay, kaddib xog-warrankii dhinaca waxbarashada ee ay wasaaraddu siisay 7dii bishii Diisambar, 2015kii, waxa waxka beddel weyn lagu sameeyay wakhtiyada iyo saacadaha waxbarashada, waxaana la soo koobay fasaxyadii, arrimahaasina waxay dhammaantood ku cad yihiin siyaasadda waxbarashada. Siyaasadda waxbarashada oo hadda tarjumad afka Soomaaliga ku jirta, waxa dhawaan loo gudbin doonaa golaha wasiirrada. Wixii xeerar ah ee la xidhiidha waxbarashada noocyadeeda kala duwan(mid dawli ah iyo mid gaar ahba), macallimiinta iyo dhismayaashaba waxay ka danbayn doonaan meel-marinta siyaasadda waxbarashada ee Qaranka.
  • 24 Aabril, 2016 kii, Wasaaradda Waxbarashadu waxay abaabul xooggan u gashay soo noolaynta dugsiyadii farsamooyinka gacanta iyo mihnadaha kala duwan ee dalka, taasi oo ay wasaaraddu u aragto inay kaalin muhiim ah kaga jirto horumarinta mujtamaca ee dhinaca waxbarashada xirfadaha ku dhisan, horumarka mujtamucuna uu ku xidhan yahay. Sidaas darteed, waxa dhawaan dalka iman doona khubaro ka soo kicitimi doonta dalka Jarmalka oo daraasad ku samayn doonta baahida farsamooyinka iyo kharashyada ku bixi kara. Daraasaddaasi marka la dhammaystiro waxa la heli doonaa qaybaha laynaga daboolayo iyo inta laynooga baahan yahay inaynnu kaga qayb qaadanno.
  • Hore waxa ardayda Soomaalilaan dhib weyni ka haysatay helitaanka agabka waxbarasho oo ay ugu horreyso buugaag ay ardayda iyo barayaashu ba u noqdaan isla markaana la raaco. Taasi waxay ahayd dhib weyn oo Qarankan haysatay. Si taas looga gudbo, markii wasiir Cabdillaahi Ibraahim Habbane la wareegay xilka wasaaraddan, wuxuu ballan qaaday in uu u guntan doono dhibtaas sidii uu meesha uga saari lahaa. 1 dii Juun, 2016, wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare wuxuu isku keenay aqoonyahannadii waddanka ugu sarreeyay si ay u qoraan buugaan ay ardaydu u noqdaan. 40 aqoonyahan ayuu Wasiir Habbane isugu keenay Xarunta Manaahiijta Soomaalilaan. Qorayaasha waxa ka daba hubinayay 20 aqoonyahan oo tifatire. Aqoonayahannadan waxa loo diyaariyay wax kasta oo  muhiim ahaa si ay diyaariyaan manhajkii dugsiga sare. Arrintaasi waxay noqotay mid lagu guulaystay oo ugu danbayn wasiir Habbane ku dhawaaqay. Keliya Wasaaraddu may eegin buug tayo leh, laakiin waxay xoogga saartay in ardaydu kari karaan oo ay ku iibsan karaan qiime hoose. Wasiir Habbane oo wuxuu ballan qaaday in buuggii lagu iibin doono qiime ah $3. Ardayda aan karayn, Wasaaradda Waxbarashada oo kaashanaysa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa kheyriga ah ayaa bixin doona kharashka buugtooda.
  • Sidoo kale, dugsiyada hoose/dhexe oo manhaj cusub loo diyaariyay waxa dib u habayn lagu sameeyay kutubtii hore iyadoo la waafajinayo manhajka cusub. Waxaana ka hawlgalay aqoonyahanno takhasus u leh maaddooyinkii iyo mawduucyadii. Wasaaraddu waxay xayaysiisay daabacadda kutubtaas si loo helo shirkad qiime jaban oo ardaydu kari karaan. Shirkadda Hema ayaa ku guulaysatay. Qiimaha buugga lagu iibin doonaa dugsiyada hoose waa $1.5.
  • Hore Qarankani muu lahayn xarun akhris oo ardaydu ku darsaan waxay dugsiyada ama jaamacadaha ku bartaan. Si arrintan xal loogu helo, barnaamijkii qaranku guddoonsaday oo ahayd in la helo maktabad qaran, madaxweynuhuna ku dhawaaqay, una asteeyay goobtii laga dhisi lahaa ayay Wasaaradda Waxbarashadu dardargelisay iyadoo ku bilawday wixii miisaaniyadda ugu jiray, oo ay Wasaaradda Maaliyadduna fududaysay sidii lacagtaasi loogu shaqo geli lahaa mar keliya. Mashruucaasi maamulkiisa dhisme wasaaraddu qayb ayay ka tahay, waxayna ka ciyaartaa doorka ugu muhiimsan, waxayna u guntatay sidii loo dhammaystiri lahaa mashruucaas.
  • Dugsiyada Sare ee Dawladda, gaar ahaan kuwa magaalo madaxda Hargeysa ku yaalla waxa loo habeeyay qaddarkii lacagta ee ay qaadayeen si macallinkii tayada lahaa ee ka tagay dib ugu soo noqdo. Arrintaasi waxay noqotay mid lagu guulaystay oo la sii xoojin doono, iyadoo barnaamijkaasi ahaa mid ay wasaaradda waxbarashadu ka baaraan dagaysay muddo dheer muddooyinkan danbe ba.
  • Hindisaha dhismaha Kulliyadda Waxbarashada ee macallimiintu waxay ahayd mid wakhti hore la soo bilaabay oo daraasaddeedii na la dhammaystiray, hase ahaatee, naqshaddii ayaa ka soo anbabbixi weydya UN HABITAT. Sidaas darteed, waxay wasaaraddu qaadday mas’uuliyaddii naqshad samaynta iyo hoggaaminta mashruucaas ba. Waxaana dhawaan la shaaciyay tartankii qandaraaska, waxaana la siiyay shirkaddii ku guulaysatay oo si degdeg ah u bilaabi doonta. Wasaaraddu waxay garawsan tahay baahida loo qabo macallin tababbaran oo leh kartidii, aqoontii, huwan na dheehii waxbarashada.
  • Sida aan ognahay dunida kale, waxa si is-daba-joog ah loo sameeyaa cilmi-baadhisyo iyadoo laga faa’idaysanayo aafooyin dhacay si xalkooda loo sii diyaariyo. Dhawaan ayay ahayd markii abaaro kulul ku habsadeen dalkan Soomaalilaan. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxay noqotay wasaaraddii ugu horreysay ee unugtay guddi qiimayn iyo qoondayn ku samaysa sida ugu fudud ee aafooyinkaas looga jawaabi karo. Sidoo kale, guddidaasi waxay soo gudbin doonaan warbixin. Natiijada warbixintaas ayaa laga faa’idaysan doonaa iyadoo aqoontaas na dhakhso loo gudbin doono hay’adaha ay waajib tahay inay ku camal falaan.
  • Intii uu qarankani jiray, aqoon-is-weydaarsiyo ayaa loo qabtay macallimiinta dugsiyada ee magaalooyinka waaweyn si tayadooda loo xoojiyo. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxay markii ugu horreysay abid taariikhda Soomaalilaan kulanno aqoon-korodhsi u samaysay macallimiintii tuulooyinka oo hore loo illaabay.
  • Macallimiinta aqoon-korodhsiga loo furay ee tuulooyinka yimi waxa la bari waxa kor loo qaadi doonaa waxbarashadooda. Sidoo kale, waxa la bari doonaa hannaanka gudbineed ee ugu fiican ee ardayda ay hayaan wax loogu gudbiyo. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Cabdillaahi Ibraahim HabHabbane isagoo doorkiisa ciyaaraya, wuxuu markii ugu horreysay macallimiintii tuulooyinka u furay aqoon-korodhsi(seminars) si uu tayada waxbarashadooda kor u qaado.
  • Wasaaradda Waxbarashada waxay dirtay kormeeryaal kuwaas oo u kala baxay gobollada bariga iyo galbeedka. Isla markaana soo gudbiyay xogo ku saabsan dhaliilaha iyo horumarku dhinaca waxbarashada. Sidoo kale, waxa kormeer tijaabo ah lagu sameeyay dugsiyada galinka danbe ee magaalo madaxda Hargeysa. Maadaama oo kormeerku yahay aasaaska xoojinta tayada waxbarashada, waxa la hindisi doonaa sidii loo xoojin lahaa kormeerro is-daba-joog ah sannad dugsiyeedkan soo socda haddii Alle yidhaahdo.

  • Guud ahaan sannadkan waxay wasaaradda waxbarashadu furtay aqoon-korodhsiyo kuwaas oo ay gebi ahaan ba waddanka ka fureen. Wasaaraddu iyadoo waajibkeeda gudanaysa waxa ay gobollada oo dhan u dirtay kormeerayaal si ay si dhaw ula socdaan hawshaas.
  • Bishan Julaay (2016), Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, wuxuu safar shaqo ku tagay gobollada bariga Soomaalilaan.

SAFARKII WASIIRKA

  1. Wasiirku wuxuu tababbar u soo xidhay shaqaalaha wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee gobollada Sanaag iyo Sool.
  2. Wasiir Habbane wuxuu dhagax-dhigay dugsigii boarding ka ahaa ee Laascaanood iyo Dayaxa oo uu sheegay in dhawaan la dhagax dhigi doono

  • Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare waxay ku dedaalaysaa in ay soo bandhigto dhawaan Qiimayn iyo Lafa-gurid ay ku waddo waxbarashada Soomaalilaan gees kasta oo ay noqoto. Sidoo kale, wasaaraddu waxay ku guda jirtaa hadda qorshaha ay ku shaqan doonto siyaasadda waxbarashada dalku 5 ta sanno ee soo socda.
  • 24 kii Aabril, 2016, Wasaaradda Waxbarashadu waxay ku guulaysatay inay dib boodhka uga tunto labadii dugsi ee farsamada gacanta(Dugsiga Farsamada Gacanta Burco, Dugsiga Farsamada Gacanta Hargeysa). Wasaaraddu waxay Maansoor ku soo casuuntay khubaro wax ka baratay dugsiyadaas si ay talo iyo tusaale ba uga geystaan dedaallada ay wasaaraddu ugu jirto soo celinta dugsiyadaas tayadoodii.
  • Sida aan ka warqabno, dawladi halkay ka dhaqaaqdaa isla markaana horumarkeeda lagu qiimeeyaa waa heerka ay ka taagan tahay waxbarashada iyo dabcan siyaasadda uga taalla dawladdaas. Ugu danbeyntii, wasaaradda uu gadhwadeenka ka yahay, ruug-caddaaga aqoonyahanka ah ee Cabdillaahi Ibraahim Habbane waxa ay Maarso 26 dii, 2016 dii qabteen shirweyne looga arrinsanayay siyaasad cad oo waxbarasho oo waddanku yeesho(Verified Education Policy). Siyaasaddaasi way hirgashay waxaana la soo gabo gabeeyay 28 kii Maarso, 2016kii.
  • Intaas oo keliya kuma joogsan dedaallada uu horkacayo wasiir Habbane ee wuxuu bilawgii magacaabistiisa bilaabay aqoon-korodhsi uu siiyay shaqaalaha ka hawl-gala Wasaaradda Waxbarashada isagoo is-beddal dhab ah ka sameeyay wasaaradda gudaheeda. Habka ay wasaaraddu u shaqayso ayuu sidoo kale ku sameeyay deddejin hawleed sababtoo ah arrimaha baaxadda weyn ee ay ummadda Soomaalilaan u hayso.
  • Wasaaraddu waxay ku tallaabsanaysaa hirgalinta manhaj mideeya Dugsiyada Dawliga ah iyo Dugsiyada gaarka ah ba. Waxaana dugsiyada hoose/dhexe ee dawliga ah iyo kuwa gaarka ahba lagu dhigan doonaa maaddooyinka afka Soomaaliga. Luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisida waxa loo dhigan doonaa luuqad ahaan. Waxa daraasad ay dhawaan samaysay UNESCO lagu ogaaday, laguna caddeeyay in ilmuhu muddada uu ku jiro dugsiyada marxaladda aasaasiga ah uu afkiisa oo keliya wax ku fahmi karo. Sidaas darteedna iyadoo la fulinayo mabaa’diida waxbarasho ee distoorka Soomaalilaan, waxa sannad-dugsiyeedkan la dhaqan gelinayaa barnaamijkaasi. Intaas kaddib, waxa la samaynayaa tijaabo la xidhiidha da’yarta inta ka horreysa qoridda dugsiga oo loo sameeyay barnaamij loogu mataanaynayo dugsiyada hoose(Early Childhood Education), si ay ugu noqdaan dugsiyada ishii waraabinaysay ardayda hoose(Primary) ee ka qormi doonta dugsiyada.

  • Haddii barnaamijkaasi oo tijaabo ah waxa lagu fidin doonaa dhammaan ba dugsiyada hoose ee dalka Jamhuuriyadda Soomaalilaan. Sidaas haddii aan la yeelin, oo aan qorshe cad oo la meel mariyo laga yeellan, meel marintiisa laga yeellan, dugsiyada dawladdu ma helayaan da’yar dugsiyada la qoro(Enrollment). Bulshada qaybaheeda kala duwan waxa looga baahan yahay inay barnaamijkaasi gacan siiyaan maadaama oo uu yahay adeeg lacag la’aan ah, lehna manhajkiisa oo ay ugu weyn yahay baridda Qur’aanka kariimka ah. Bulshada waxa laga rajaynayaa socodsiintiisa.

Waxa Qoray, Diyaariyay: Guuleed Maxamed Yaasiin (Dalxa) Oo Ka Tirsan Wargeyska Hubaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here