Suldaan Cumar Oo Iska Fogeeyey Warar Ku Xidhiidhiyey Kulan Uu Guddoomiye Cirro La Qaatay

0
15

Hargeysa-(Hubaal)-Suldaanka Guud ee beelaha Arab Sheekh Isaxaaq, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa beeniyey warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta somaliland  oo sheegayey inuu guuldarro ku dhammaaday kulan ay wada yeesheen hormoodka beesha iyo waliba saraakiil ka socotay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.Suldaan Cumar

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed oo u warramay shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.com, ayaa sheegay inaanu jirin shir uu goob joog ka ahaa oo dhexmaray siyaasiyiinta beelaha Arab kasoo jeeda iyo hogaanka xisbiga WADDANI,waxana uu tilmaamay inuu suldaan ahaan dhex u yahay dhammaanba axsaabta Somaliland oo aanay jirin mid uu si gaar ah u taageersan yahay.

Suldaanka oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa waxa uu yidhi, “Waxaan kuu sheegayaa inaanay jirin  wararkaas ay warbaahinta qaar faafiyeen ee ku saabsan kulan lagu kala kacay oo dhex maray siyaasiyiin ka soo jeeda beeshayda iyo xisbiga Waddani, aniguna waxaan ahay suldaan guud oo dhex u ah siyaasiyiinta somaliland oo dhan mucaarid iyo muxaafidba, qolna lama soo fadhiisto siyaasiyiin wada hadlaya.” Ayuu yidhi suldaan Cumar Suldaan Maxamed.

Suldaanka oo hadalkiisa ayaa dhinaca kalena farriin wax ku ool ah u diray shacabka ku dhaqan gobolka Saaxil, isagoo kula dardaarmay ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha Somaliland, waxana uu yidhi, “Waxa kale oo aan halkan doonayaa inaan fariin uga diro dadweynaha gobolka Saaxil, waxaanan leeyahay dadku wax wuu taban karaa laakiin sida aynu ku soo caano maalnay waa in tabashada lagu dhameeyaa wada hadal iyo sulux,  waxaanan leeyahay waa inaad ku dedaashaan ilaalinta nabad galyada iyo xasiloonida deegaanadiina, wixii xukuumada aad ka tabanaysaana aad si degan ugala hadashaan.”

Sidoo kale Suldaan Cumar Suldaan Maxamed waxa uu warbaahinta somaliland u soo jeediyey  inay ka fogaadaan baahinta wararka aan jirin, waxaanu uga nasteexeeyey wararka been abuurka ah.

Dhawaan ayey ahayd markii warbaahinta qaar kamid ahi ay baahiyeen warar sheegaya inuu guuldarro ku dhammaaday kulan qarsoodi ahaa oo hoggaanka xisbiga WADDANI iyo xubnaha beelaha Arab kassoo jeeda oo uu hoggaaminayo Suldaan Cumar dhexmaray, waxase uu suldaanku wararkaas ku tilmaamay qaar aanay waxba ka jirin oo been abuur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here