Nuxur Khudbad Guddoomiyaha KULMIYE Kaga Hadlay Doorashooyinka Iyo Wadalahaanshaha Xisbiga Madal Uu Xisbgiisu Ku Qaabilay Xildhibaanno Kusoo Biiray

0
7

DSC_0087Hargeysa (Hubaal) Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si diiran u soo dhaweeyey xildhibaannada iyo aqoonyahanka ka soo jeeda Gobolka Daad-madheedh ee xisbiga ku soo biiray, waxaana uu hoosta ka xarriiqay inay yimaadeen madal bulshada ku midaysan u siman tahay, waxaannu yidhi, “Haddii aad reer Daad-madheedh tihiin in ufuqa iyo caqliyadda Daaad-madheedh taallaa ay ka sarrayso degmo, gobol iyo qabiil oo ay ka duulayso dan qaran, halkanna waxaad ka muujiseen inaad keenteen ra’yiyo waaweyn iyo aqoon ay aftahannimo ku dheehan tahay, taasina waa mid aannu aad iyo aad ugu bognay. Waxaynu isku maamuli doonaa wixii aynu ku heshiinay ayuun bay noqon doontaa, qolyihiina maanta ku soo biiray iyo kuwa aasaasayna caddaalada way u sinnaan doonaan.”DSC_0055

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa dhinaca kale ka hadlay baahida loo qabo in doorashooyinka shinkoodu galay la qabto, waxaanu tusaale u soo qaatay doorashooyinka Wakiillada iyo Guurtida,“Xilligii doorashada Baarlamaanku 11 sanno ayuu dhaafay, dadkuna waxa ay leeyihiin nimankani waa inay meesha banneeyaan, Guurtidii soddon bay madaxa ka jieen oo waaba ay dhaxleen, ta madaxtooyadana labaa daalac ah, waxaynu u baahanahay inaynu doorashooyinkaas galno, saddexdaba, waayo haddii aan wax cusub lagu shubin ma soconayso oo biyuhu haddii ay meel fadhiyaan ma socdaan oo waxkastaa way gelayaan,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here