Ex. Maareeye Cali-xoor xoor Oo Shaaciyey In Arrin Cusub Oo Soo Korodhay Ay Galaafatay Shaqadii Uu Qaranka U Hayey

0
6

“Anigu nin shaqadii ka kibrayoo dawladdii ka hor yimi oo mucaaraday oo laac kale u muuqday ma ihiye wuxuun baan ka hadlay arrin daneed oo rasmi ah oo ina soo food saaray oo…….”Cali-xoor xoor

xoor xoor

Maareeyihii hore ee dekedda Berbera Md Cali Cumar Maxamuud(xoor-xoor), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay arrimo ku saabsan xilka-qaadistii uu dhawaan ku sameeyey madaxweyne Siilaanyo, waxana uu hooos u dhigay wararka sheegaya inuu khilaaf jira dartii shaqada uga tegay.

Maareeye Cali Xoor-xoor oo hadallo kooban oo shaqo-ka-tegistiisa ku saabsan kaga tiraabay madal uu xilka ku wareejinayey maalintii shalay, ayaa carrabka ku dhuftay guuxa ku saabsa xilka-qaadistiisa ee bulshada ku dhex jira, “Dad faro badan baa shaqada dawladda ka tegisteeda iyo gelitaankeedaba maamul baa keena, nidaamka dawladnimo ayeyna kamid tahay, waxana laga yaabaa in dadka qaar maqlayeen barnaamijka ku saabsan Cali Xoor xoor amar diidduu sameeyey, laakiin barnaamijka DPworld waxa uu ahaa arrin dawladu leedahay oo qaranka ka dhexeeya oo nin weliba fikirkiisa ku darayey ayuun bay ahayd” ayuu yidhi Ex. Maareeye Cali xoor xoor.

Cali Xoor-xoor oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaanu samaynin wax amar diiddo ah oo keenay inuu shaqada ka tago, waxana uu si dadan u sheegay in aragtiyo kala duwan ka dhasheen heshiiska xukuumaddu la gashay shirkadda DPWorld, waxana uu yidhi,“Wax farqi ah oo aniga iyo dawladda na dhexgalayna ma jiro, wax kaloo dhibaato ahina ma jirin. Aniguna nin kibray oo shaqada ka kibrayoo dawladdii ka hor imina ma ihi, nin mucaaraday oo laac kale u muuqday oo meel kale u hanqal taagayna ma ihiye wuxuun baan ka hadlay arrin daneed oo rasmi ah oo ina soo food saaray oo aynu khayrkiisana rajaynayno ayuun buu ahaa.”

Waxa uu madashaas ku wareejiyey lacag adag oo cadadkeedu aad u badnaa, taas oo uu sheegay inay dekeddu leedahay, taas oo qaddarkeedu dhammaa Afar milyan iyo Sagaal Boqol oo kun oo Dollar oo uu maareeyaha cusub ee isaga beddelay uu la rasmi ah ula wareegay.

 Hadallo tiro badan oo ku saabsan sababta xilka looga qaaday maareeye Cali xoor-xoor ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey soo baxayey, waxana ay xilka-qaadistiisu timi muddo kooban kadib markii ay golaha wakiilladu durdurada ku ansixiyeen heshiiskii lala galay shirkadda DPWorld uu inta badan muujin jirey inuu ka cago jiidayo meel marintiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here