Cabdirashiid Xassan Mataan Oo Sheegay In Uu Mansabka Madaxweyne-ku-xigeenka WADDANI U Tartami doono

0
7

IMG_6115A6-AB0F12-C91969-46626F-24AD9B-8D52EBHargeysa (Hubaal) – Cabdirashiid Xassan Mataan xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Waddani isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalka Awdal ayaa waxaa uu ka hadley in uu u tartami doono musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbigaasi

Mr. Mataan waxaa uu sheegay in aanay jirin sabab u diideysa in uu u tartamo musharraxa madaxweyne ku xigeen ee xisbigaasi isla markaana xaqiiqada la arki doono marka la gaadho wakhtiga loo qoondeeyey shirka golaha dhexe waxaana uu yidhi

“Waxaan jeclaan lahaa in arrintaas tartanka ah lala sugo wakhtigeeda , wax iga joojinaaya in aan tartamo ma jiraan , waxaana aad arki doontaan marka la gaadho wakhtiga loo ciyimey ” ayuu yidhi Cabdirashiid Xassan mataan. Hadalka Mas’uulkan ayaa ku soo beegmay xilli maalintii dorraad ay masuuliyiinta xisbigaasi cayimeen maalinta uu qabsoomi doono shirkooda golaha dhexe ee lagu soo dooran doono Musharraxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi uga qayb galaya doorashada. Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa kahor intii aanu horraantii sanadkan ku soo biirin xisbiga WADDANI waxaa uu Mansabka Madaxweyne ku xigeenka uga sharraxanaa xisbiga UCID oo uu Jamaal cali Xuseen oo Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbigaasi ahaa soo xushay dabayaaqadii sanadkii 2012-kii markii uu xisbigaasi ku soo biiray ee loo diyaar garoobayay doorashadii goleyaasha deegaanka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here