Ma Dhab Baa In Wasiirka Daakhiligu ku Fashilinnayo Digreetadii Madaxweynuhu Ku Dallacsiiyey Degmooyinka?

0
4

Dhaq-dhaqaaqyo La Weriyey In Wasiir Warancadde Ku Yagleellayo Degsiimooyin Khilaafsan Sharciyada Oo Lidi Ku Ah Digreetadii Madaxweynuhu Ku Magacaabay Degmooyinkaas

 23D10B70-0787-4FD1-ABE0-E7A358317845_mw1024_mh1024_s-1024x684

Hargaysa (Hubaal) – Degsiimooyin khilaafsan nidaamka maamulka gobollada iyo degmooyinka dalka ayaa la weriyey in si sharciga ka baxsan looga yagleellay deegaanno hoos yimaadda degmada cusub ee Balli Mataan ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland iyada iyo kuwo kale   dallacsiiyey derejadooda oo hore u ahayd tuullooyin. Degmada cusub ee Balli Mataan oo maalintii Sabtidii ee horraantii toddobaadkan xaflad aad u ballaadhan oo wejiyo kala duwan kulmisay loogu wanqalay degmonimadeeda isla markaana ay mas’uuliyiintii khudbadaha ka jeediyey oo u badnaa xukuumaddu ballanqaadeen in iyaga oo fulinaya amarkii Madaxweynaha Jamhuurriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku dallacsiiyey degmadan Balli Mataan ay iyaguna u hawl galayaan sidii halkaasi looga yagleeli lahaa kaabeyaasha dhaqaalle iyo qorshaha horumarinneed ee uu qaranku ugu talo galay dgemooyinka dalka.

Haddaba Maxaa Dhacay

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran cadde oo haykal ahaan ay degmadan iyo kuwo kale ee dalkuba hoos yimaadaan wasaarradiisa maamul ahaan isla markaana  xilka ugu muhiimsani ka saaran yahay dhaqaajinta qorsheyaasha loogu talo galay in lagu horumariyo deegaan ahaan iyo  bulsho ahaanba ayaa la weriyey in uu taas bedelkeeda ku  foogan yahay dhaqdhaqaaqyo fashilliya digreetadii Madaxweynaha ee magacabaabista degmadan Balli Mataan kuwaas oo lid ku ah amniga iyo kala dembeynta qaranka. Wasiir Warancadde oo isagu ka muquurtay xafladdii wanqasha ahayd ee degmada Balli Mataan loo sameeyey oo lagu casuumay isla markaana uu nidaamka duwaliga ahi mudnaanta ka siinayay martidii kale maadaama oo  ay maamulkiisa hoos imanaysay waxaa warar xog ogaal ah oo dhawrkii caano maal eee lasoo dhaafay ay warbaahintu   heshay  tibaaxeen in uu Mr. Warancadde door shariif ah ka qaatay  bineynta dhismeyaal dhawr ah oo si sharci darro ah looga yagleellay deegaanno ku teedsan degmada Balli Mataan kuwaasi oo aan hore u jirin balse looga dan leeyahay in lagu carqaladaynayo taabogelinta horumarka degmada cusub loo qoondeeyey. Dhismeyaashan oo la doonayo sida warku sheegay in laga dhigo tuullooyin cusub oo hareeraha ka xiga degmada Balli Mataan ayaa looga dan leeyahay in lagu abuuro xasillooni darro ka dhan ah   maamul daadejinta degmadaas ku soo biirtay gobolka Hargeysa.

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in deegaannadaas laga dareemayo kicin iyo xasarad ay abaabuleen   Malleeshiyooyin qaab beellaysan u  hubaysan,  si  colaad uga dhex abuurranto  beellaha walaallaha ah ee deegaankaas. Ma Jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda dhexe guud ahaan gaar ahaan wasaarrada arrimaha gudaha Somaliland ee warku ku xidhiidhiyey in wasiirkeedu xaalad abauur wado, hase yeeshee mar aanu xalay fiidkii isku daynay inaanu khadka telefoonka ku helno wasiirka laftiisa ayaanay noo suurto gelin kadib markii  uu telefoonkiisa gacantu bakhtiisnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here