“Ninka Madaxtinnimo Doonayaa Haddii Aanu Ummadda Liqsiinayn Kinniin Qadhaadh Oo Ay Mustaqbalka U Aayaan Ma’aha Inuu Kursi Soo Doontee Waa Inuu Furto Bakhaar”

0
16

“Annagoo Xukun Doonayna In aanu 82 Kursi Qeybin Kari Weyno Waa Nagu Ceeb”

“Horta ‘Xal Lama Waayine, Xinniinyaa La Waayay, [Maantana] Xeellad Baa Ku Jirta Ee Ha Baqinna [Waayo] Horaa Loo Yidhi….”- Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabefaysal_kj1

Hargeysa (Hubaal):- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda Somaliland xal u waayin go’aan-ka-gaadhista Saamiga gobollada ee Kuraasta Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo muran badani muddooyinkan dambe ka taagnaa, isla markaana ay Madaxweynaha dib ugu celiyeen Xisbiyadu, hase-yeeshee, ay Xininyo u waayeen, taasina ay ceeb ku tahay Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada ee doonaya inay Madax ka noqdaan Somaliland. Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidaas ku sheegay hadal uu ka jeediyey markii ay soo dhammaysteen Kulan ay Guddoomiyeyaasha Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE, Akaademiga nabadda iyo Dalladda SONSAF Madaxweyne Siilaanyo shalay ugu gudbiyeen laba qodob oo ay Xisbiyadu kaga heshiiyeen go’aanka Madaxweynuhu la filayo inuu ka soo saaro saamiga Kuraasta Wakiillada gobol weliba ka heli doona doorashada 2017-ka u muddaysan. Guddoomiye Faysal waxa uu sheegay in go’aan adag iyo geesinnimo looga baahan yahay Ninka doonaya inuu hoggaamiye ama Madaxweyne ka noqdo dal, hase-yeeshee aanay xal u waayin arrinta Saamiga Kuraasta, balse ay xeelad cabsiyeed ku jirto iyaga, sidaa daraaddeedna ay dib ugu celiyeen Madaxweynaha oo ay saxeexeen in go’aan kasta oo uu ka soo saaro ku raaci doonaan saddexda Xisbi. “Arrintani waxa weeye ‘xal lama waayine, xinniinyaa la waayay’, maantana horta waa nagu ceeb inaanu nidhaahno annagoo doonayna inaanu dalka xukunno 82 Kursi baanu qaybin kari weynay,taasina waa wax laga xishoodaa”. Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe, waxaanu intaa ku daray  “Ninka madaxda ah ee madaxtinimo doonayaana haddaanu lahayn karti iyo xinniinyo uu qaraar adag ku qaato in uu kursiga soo doontaba maba aha, ninka aan xiniinyaha lahaynina [haddii uu maanta xal waayo] qaraarro kuwan [saami qeybsiga] ka adag baa iman doona, kuwaas oo u baahan in geesinimo lala yimaado, markaa haddii aanu qofku geesinimo la imanayn oo aanu ummadda liqsiinayn kiniin qadhaadh oo ay mustaqbalka u aaayaan in uu kursiga soo doontaba maaha ee waa inuu bakhaar furtaa”.  Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Mar uu sharraxayay qaddiyada kulansiisay saddexdooda hoggaamiye ee axsaabta, ururrada bulshada rayidka ah  iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo  waxaa uu  sheegay in xalkii ugu habboonaa ee saami qaybsiga kuraasida doorashada golaha wakiillada lagu dhaqi karayay uu muuqday, kaasoo uu sheegay in duruufta jirta haatan ay lagama maarmaan u ahayd in lagu daboollo xeerkii lagu galay doorashadii golaha wakiillada ee haatan fadhiya lagu soo doortay muddo  11 sanno laga joogo ka hor “Xalkii ugu haboonnaa ee meesha yaallay kii 2005-tii buu ahaa, waayo innagu reer Somaliland ahaan inoo xeer ah oo aynu reer Soomaaliya kaga fiicannahay in marka aynu dhibaato aragno ee aynu isku qabqabsanno wixii Maxamed Siyaad Barre Qasay aynu marjac ka dhigano wixii aynu 1960-kii dhiganay oo aynu ku noqono,, kaasi ayaana laga doonayay [maanta in xalku noqdo waayo], markii Boorama la fadhiyey [1993-kii] waxaa lagu heshiiyey in lagu noqdo kitaabkaa hore innoogu yaallay ee 1960-kii, waana aynu ku caano maalnay oo doorashaddii baynu ku galnay”. “Waxay ahayd haddaynu tobankaas sannadood [2005-kii illaa 2015-kii] haddaynu qaannuun isu keeni weynay inaynu kii [1960-kii] ku noqonno, laakiin ha u baqina’e xeellad baa ku jirta [immika]. Markaa dee waxaa hore loo yidhi Ama arrin keen amma Aqbal keen!!”. ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe, isagoo intaas ku ladhay mawqifka ay isaga iyo labada xisbi ee kale isla qaateen ay ku khasban yihiin in ay u hoggaansamaan go’aanka madaxweynuhu soo saaro “Sidaas ay sheegeen  labada guddoomiye xisbi ee kale waxaanu isla garanay in aanu talladii ku soo riixno madaxweynaha oo wixii uu soo saaro aanu isla qaadano si aanay  ku jiq sii iyo ku xumee u dhicinna danta qaranka la horreysiiyaa oo aanu madaxweynaha is garab taagnaa, madax meel ka sarraysa oo la sallaaxaa ma jirtee mar haddaanu isaga ku nidhi tali waa inaanu ogollaanaa [wixii uu soo saaro]”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here