Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) Oo Shalay 12 Baabuur Ku Wareejiyey Shan Wasaaraddod Iyo Hay’adda Waddooyinka

0
18

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa si Rasmi ah ugu Wareejisay Baabuur Cusub Afar Wasaaradood iyo wakaaladda wadooyinka.

DSC_9091

Hargeysa-(Hubaal)-Sanduuqa Horumarinta Somaliland waxa uu shalay si rasmi ah gudaha Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ugu wareejiyay 12 baabuur oo loo soo iibiyay 4 Wasaaradood iyo 1 Wakaalad oo fulinaya Mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Xafladda waxa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta, Mudane, Cali Ismaaciil Xuseen (Shoombe), sidoo kalena ah guddoomiyaha Komishanka Qorshaynta Qaranka iyo Guddiga Wadajirka ah ee Maamula Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

Xafladda waxa kasoo qayb galay Wasiiro iyo Masuuliyiin sarsare oo ka socday Wasaaradaha iyo Wakaaladaha fulinaya mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF).Wasaaradaha iyo Wakaaladda ayaa shalay guddoomay baabuurtooda  iyo sida loo kala siiyey wasaaradaha iyo wakaaladda waxay yihiin sidatan:

  • Wasaaradda Caafimaadka – 5 baabuur (oo ay ku jiraan 2 ambalaas/gaadiidka gargaarka degdegga ah oo loogu talo galay Cisbitaalada Ceerigaabo iyo Laascaanood)
  • Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare – 3 baabuur
  • Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda– 2 baabuur
  • Wasaaradda Beeraha – 1 baabuur
  • Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka – 1 baabuur

Baabuurtan oo dhan 12 oo isugu jira Toyota Land cruiser hardtop iyo Toyota Hillux pick-up  oo ah cusayb waxa isticmaali doona Xafiisyada Maamula Mashaariicda ee ku sugan Wasaaradaha iyo Wakaaladaha Dawladda si ay ugu kormeeraan una daba galaan habsami u socodka Mashaariicda uu maalgeliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) kuwaas oo ku kala baahsan guud ahaanba Somaliland. 2 ka mid ah baabuurtu waa Ambalaasyo ama Gaadiidka Gargaarka Degdegga ah oo ka hawlgeli doona cisbitaalada Ceerigaabo iyo Laascaanood oo hadda ay gacanta ku hayso dib u dhiskooda Wasaaradda Caafimaadka oo uu taageerayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Baabuurtan oo ay keentay shirkadda Toyota Marill – Djibouti, waxa lagu soo iibiyay hab-tartan furan oo ay kawada shaqeeyeen Xafiiska SDF, goob joogayaal ka socday Wasaaradaha, iyo Wakaaladaha Dawladda, iyo Guddida Qandaraasyada Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane, Cali Ismaaciil Xuseen (Shoombe)  oo u mahadnaqaya Dawladaha Boqortooyada Ingiriiska, Denmark, Norway iyo Netherlands sida deeqsinimada leh ee ay ugu soo tabarruceen dadka Somaliland, ayaa yidhi : ” Waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa deeq bixiyayaasha ka qeyb-qaata Sanduuqa Horumarinta Somaliland kuwaas oo ku tabarucay soo iibinta baabuurtan aadka loogu baahnaa. Baabuurtani waxay fududeyn doonaan fulinta mashaariicda iyo gudbinta adeegyada bulshada ee Wasaaradaha iyo Wakaaladaha Dawladda. Waxa sidoo kale looga faa’iidaysan doonaa kor u qaadida kormeerka iyo dabagalka wax-qabadyada mashaariicda iyo horumarkooda si hufan oo wax ku ool ah”.

Isla munaasibadda,waxa isna ka hadley Mudane, Michael Thyge Poulsen oo ku hadlayay afka deeq-bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF waxaanu yidhi: “Waxa aan ku faraxsanahay in ugu danbayntii baabuurta lagu wareejiyay Wasaaradihii loo qoondeeyay ee ka faa’iidaysanayay. Baabuurtan cusub waxay awood u siin doonaan in Wasaaradaha fulinaya mashaariicda laga maal-geliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ay si fudud ku gaadhaan goobaha mashaariicdu ka socdaan una soo kor-meeraan si fudud. Waxa kale oo aan ku farax sanahay in dadweynaha Sool iyo Sanaag ee ku dhaqan meelaha ka baxsan magaalooyinku ay heli doonaan adeeg Ambalaas/Gargaarka Degdegga ah oo lagu kalsoonyahay”.

Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talo galay in lagu caawiyo Dawladda Somaliland kaas oo soconaya muddo afar sanno ah. Sanduuqa waxa loogu talo galay inuu qayb ka noqdo Qorshaha Shanta Sanno ee dhinaca Horumarinta Somaliland. Sanduuqa waxa maalgaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan Dawlada Ingiriiksa (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), Dawladaha Norway iyo Boqortooyada Netherlands.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here