Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dareenkeeda Hadalkii Rayla Odhinga Ee Ahaa In Aqoonsi La Siiyo Somaliland

0
13

sacad cali shireHargeysa (Hubaal) Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhaweysay hadal dhawaan kasoo jeedhay ra’isel wasaarihii hore ee dalka Kiiniya ahna hogaamiyaha isbahaysiga dalkaasi Mr. Railo Odinga, kaasi oo sheegay inuu jecel yahay in Somaliland la siiyo aqoonsiga sida dal madax bannaan oo kale. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo shalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay inay si weyn usoo dhaweynayaan hadalkaasi Raila Odinga, waxaana uu sheegay inay u fidin doonaan martiqaad ay ugu mahadnaqayaan Ra’isal Wasaarihii hore ee waddanka Kenya mr. Odinga, wasiir Sacad oo ka hadlaya amuurtaasina wuxuu yidhi; “Ra’isal Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga, arrinkaa wuu asiibay, xaq buu ku hadlay oo in layna ictiraafaa waa waxaynu xaq u leenahay, waynu buuxinay shuruudihii laynooga baahna oo dhan, runtuna dee fanto maaha, in laysku ceebsadana maaha, cidii ceebsataana way khaldan tahay. Waanu soo dhaweynaynaa, waa uga mahadcelinaynaa, waa ku amaanaynaa dawladda Kiiniya. Dawladdaha kalena waxaanu jecel nahay sidaas oo kale inay ugu dhawaaqaan in Somaliland ay xaq iyo garba u leedahay in la ictiraafo. Markaa waanu la xidhiidhaynaa oo matriqaadaynaa, una mahad celinaynaa ra’isel wasaarihii hore ee Kenya Rayla Odhinga.” Sidaas ayuu yidhi wasiirku

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha lagu raadinayo aqoonsi buuxa oo ay Somaliland ka hesho beesha caalamka, waxaanu yidhi; “Somaliland inay tahay waddan jira oo horena usoo jiray, way u caddahay dhamaan bulshada caalamka oo way ictiraafsan yihiin, immikaba sidii waddan ayaa la inoola dhaqmaa, waxa keliya ee inoo hadhay waxa weeyi in madac bannaanideena lana aqoonsado iyo inaynu fadhiisano kuraastii aynu xaqa ugu lahayn, ee AU-da iyo  UN-taba, taasna rajo weyn baanu ka qabnaa, waanan dedaalaynaa.” Ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here