Saraakiil Tiir-dhexaad U Ahaa Khaatumo-seeg Oo Kasoo Goostay Cali Khaliif Iyo Xukuumadda Somaliland Oo Xalay Caynabo Ku Qaabishay

0
24

Malleeshiyadan Waxaa Ku Jira Shan Illaa Lix Sarkaal Oo Cali Khaliif Ugu Magacawnaa Wasiirrada Khaatumo-seegSool

Caynabo (Hubaal)- Wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka Dib u dejintu Cali Siciid Reygal ayaa xalay magaallada Caynabo ee xarunta gobolka Saraar ku qaabilay Saraakiishii ugu badnaa ee kasoo goosta Malleesiyada nabad diidka ah ee uu horjoogaha u yahay Cali Khaliif Gallaydh kuwaas oo kasoo goostay kooxdaas isla markaana shalay isu soo dhiibay ciidammada qaranka Somaliland ee jiida hore ku sugan. Sida aanu wararka ku helnay   malleeshiyadan ayaa la weriyey in ay hoggaaminayeen Saraakiishii ugu sarsaraysay ee maamulka Khaatumo Seeg. Saraakiishan oo wata gaadiidkii ugu tirada badnaa ee dagaal ayaa warku xusay in ay ku jiraan shan illaa lix nin oo maamulkaas Cali Khaliif ugu magacanaa Wasiirro.  Wararkii u dembeeyey ee aanu xalay ka helnay magaallada Caynabo ayaa tibaaxay in Malleeshiyadan soo goosatay ee ciidamada qaranka isu soo dhiibtay ay xukuumadda Somaliland u diyaarisay soo dhawayn ballaadhan oo ay xalay magaallada Caynabo ugu qabatay iyada oo Weftiga wasiirrada ah ee xukuumadduna ay halkaas wada hadallo iyo xog warran la xidhiidha sidii loo qaramayn lahaa dablaydan isla markaana fikirkii ay aaminsanaayeen ee khaatumo seegga looga saari lahaa kula yeellatay sakaariishan.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay illaa xalay natiijada kulankii iyo qaabillaadii ay xukuumaddu la yeellatay saraakiisha kasoo goostay Malleeshiyada Cali Khaliif hase yeeshee waa markii ugu horreysay ee xubno tiradoodu intaas le’eg tahay oo ku gaashaaman gaadiid dagaal oo tiro lihi kasoo goostaan nabadiid Cali Khaliif, waxaanay arrintani ku soo beegmaysaa xilli ay isu soo dhawaansho dhinaca fikirka iyo wax wada lahaanshaha ah wada yeeshaan xukuumadda Somaliland iyo  beellaha deegaannada Bariga Somaliland [Dhulbahante] oo ay dhawaan shirar is faham dhaliyey ugu soo dhammaadeen magaallada Awr boogays ee gobolka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here