Xukuumada Tehraan Oo Xukuno Dad-Dalaad Ah Ku Fulisay 20 Ruux Oo Muslimiin Suni Ah

0
19

Amnesty International Oo Sheegtay In Ay Iiraan Ay Deldellaad Ku Fulisey 977 Ruux  Sanadkii Aynu Ka Soo Gudubnay2014080605124421

Tehran-(Hubaal)-Dowlada Iran ayaa sheegtay in ay del-deshey 20 ruux oo ay ku eedeeysay inay ka dambeeyeen weeraro hubeysan. Warbaahinta dowlada Iran ayaa shaacisay in dadkan la del-delay Salaadadii aynu ka soo gudubnay ay mas’uul ka ahaayeen dilka haween iyo carruur sanadidii u dhexeeyay 2009-2011-kii. Dowlada Iran ayaa dad gaadhaya 977 ruux xukun del-delaad ah ku fulisey sanadkii aynu ka soo gudubnay sida ay sheegtay hay’ada Amnesty International. Ururada xuquuqda aadanaha u dooda ayaa waxa ay ku eedeeyeen dowlada Iran xukunkan ugu dambeeyay ee ay fulisay iyagoo sheegay in maxkamadihii qaaday xukunka aaney ahayn kuwo si caddaalad ah u dhacay.Looma oggolaan qoysaska iyo ehelada dadka la del-delay in ay soo booqdaan kahor inta aan la del-delin. Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Iraan, Mohamed Jayad Montazari ayaa u sheegay taleefishinka Iran in ragga la del-delay ay xubno ka ahaayeen urur la magac baxay Tawhid and Jihad Group ayna ka yimaadeen deegaanada Kurdiyiinta. Hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku tilmaantay dalka Iran inuu yahay wadanka labaad ee sanadkii aynu ka soo gudubnay lagu fuliyay xukun dil ah iyadoo dalka Shiinaha uu yahay dalka kaliya ee ka tiro badnaa wadanka Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here