“Anigu Maan Arag Heshiiska & Wuxuu Ku Saabsan Yahay Balse in Wax Dihin La Kullaalo Ma’ahee Waa in Maalgelin Loo Raadiyaa”

0
7

Xil.  Faarax Dheere oo Ka Hadlay Amuuro Ay Kamid Yihiin Heshiiska PD World oo Saaka La Hor Keenayo Golaha Wakiillada

  faarax dheere

Hargaysa (Hubaal) Xildhibaan Faarax Cabdulle (Faarax Dheere) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo Kasoo Baxay Gobolka Saaxil ee Somaliland ayaa si adag Uga HAdlay Arimo Kala Duwan oo ay ka mid yihiin Heshiiska Dekeda Magaalada Berbera oo Ansixintiisa Maalinta Berito Ah oo Sabti ah La horgayn doono Golaha Wakiilada Somaliland,Xukunkii Lagu Riday Sideed Nin oo ku eedaysnaa Dilkii Taliyihii Qaybta Booliska Berbera Ee LA dilay,Wadahadal Somaliland uu la Wado Siyaasi Cali Khaliif Galaydh Iyo Shir saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Huteel Ambasaddor ee Caasimadda Hargeysa oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF xafiiskeeda Somalia/Somaliland Taasi oo Ay wada Wadeen Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo dhaawac weyn soo gaadhsiiyey qaddiyadda Madax Bannaanida Somaliland kadib markii si weyn loogu bah-dilay shirkaasi meeqaamkii Somaliland, kana dhigay maamul goboleed Soomaaliya ka mid ah.  Xildhibaanka oo u warramay  shabakadda Laascaanood.com oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa ugu Horeyn ka Hadlay Sida uu u Arko Heshiiska Xukuumada Somaliland kaga Kiraynayso Shirkada DP World Waxaa uu Yidhi “Horta Anigu marka hore ma aanan arag Heshiiska iyo Waxa uu ku Saabsan yahay,inaan Arkona waan Jeclaa oo Waa igu Xun tahay dhinacayga inaan ka hadlo Heshiis aanan Arag Noocuu Yahay Balse Waxaan Soo dhoweynayaa wax kasta oo Lagu horumarinayo Somaliland isla markaana lagu maalgelinayo dekeda magaalada Berbera,waayo dalku maalgashi ayuu u baahan yahay waxan dihina in la kulaalo maaha ee waa in maalgelin loo raadiyaa,waxaan kaloo arkayay xildhibaano ka hadlayay oo kazoo horjeeday heshiiska dekeda berbera oo sheegay inay metelaan iyagu gobolka,Waanu wada metelnaa gobolka oo waa nalaga soo wada doortay fikirkoodana waa u madax banana yihiin”Ayuu yidhi xildhibaan Faarax dheere. Sidoo kale xildhibaanku waxaa uu ka hadlay xukunkii lagu riday 8 nin oo lagu eedeeyey inay ka danbeeyeen dilkii taliye Casayr waxaana uu yidhi “Horta waxaan la yaabanahay Dadkan mudaharaaday waayo dee Dilku inaguma Cusba,In laga heshiiyaa inaguma cusba,Xukun maxkamadi cid ku ridaa inaguma Cusba,in mag la kala qaataana inaguma cusba balse Waanu mudaharaadaynaa dhaqanka somalinimo iyo xigaalnimo uma wanaagsana, Nabadgelyada hala ilaaliyo caadifaduna ma xuma inay ina qaado,reer baa qof ka dhintay sheekadu maaha ee qaranka cidii ka dhimatay waa inaan ogolaanaa hadii jidkeedii la qaado hadii kale dee dowladnimo ma jirtaan u micnaysanayaa” Ayuu Yidhi. Dhanka kale waxaa xildhibaan Faarax Dheere waxaa uu ka hadlay Shir saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday Huteel Ambasaddor ee Caasimadda Hargeysa oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF xafiiskeeda Somalia/Somaliland iyo Wasaarada waxbarashada Somaliland Taasi Oo dhaawac weyn soo gaadhsiiyey qaddiyadda Madax Bannaanida Somaliland kadib markii si weyn loogu bah-dilay shirkaasi meeqaamkii Somaliland, kana dhigay maamul goboleed Soomaaliya ka mid ah waxaana uu ka dhawaajiyay in sharciga la keeno isagoo fariin u diray Gudida Waxbarashada ee golaha wakiilada Somaliland inay si degdeg ah wax uga qabtaan. Ugu Danbayn waxaa xildhibaankani soo dhoweeyey Wadahadal uga furmay magaalada caynaba ee gobolka saraar Maamulka khaatumo iyo xukuumada Somaliland oo ku tilmaamay inay tahay guul xaga siyaasada ah oo la qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here