Falan-Qaynta Nuquladda Heshiiska Dekedda Berbera

0
17

Xamse C. Khayre & Xuseen Cabdi Cali (Badhaani)

hamse.khaire@gmail.com

dp-world

Waxaanu nasiib u helnay inuu na soo gaadho heshiiskii Dekedda Berbera ee manta xukuumaddu Somaliland u soo gudbisay golaha wakiiladda si uu uga doodo. Waa markii u horaysay ee heshiis ay soo bilawday u soo gudbiso xukuumaddu Somaliland aqalka wakiiladu sida sharcigu yahay. Inkastoo sharci iyo waajib saran tahay, haddana waa talaabo amaan iyo dhiirigelin mudan. Intaa kadib, waxaan halkan ku soo gudbinaynaa falanqayn kooban si aan ereygii muwaadinka uga dhiibano doodda golaha ka bilaabmi doonta.

Marka hore xukuumaddu waxay keentay 2 dokumenti oo ka mid 3-dii dokumenti ee hore warbaahinta loogu faafiyay. Labadda ay hor keentay waxay ku kala suntanayeen: (1)Is-af-garadka labadda dawladood ee Somaliland iyo Imaraadka (MoU) (2)Nuxurka Heshiiska Dawladda Somaliland iyo DP WORLD (Waa siddii ciwaankiisu ahaa)

Hore waxaa warbaahinta iyo ilo kale loo helay 3 dokumenti oo kala ahaa (1) Is-af-garadka labadda dawladood (2) Heshiiska  Ceshiimadda Dekadda (Concession Agreement) (3) Heshiiska Shirkad ka dhalanaysa heshiiska ceshiimada (Concession Agreement) oo wada-jir ay u yeelanayaan BPA (Berbera Port Authority ama Hay’adda Maamulka Dekeda Berbera) iyo DP World oo magaceedu noqonayo Berbera Port Operating Company (BPOC ama shirka hawl-gelinta Dekeda Berbera).

Waxaan aqalka wakiiladda saaka la hor keenin heshiiskii ugu muhiimsanaa saddexda(3) dokumenti ee hore warbaahintu u baahisay wasiirka arrimaha dibadduna xaqiijiyay inay yihiin kuwii saxda ahaa. Waa heshiiska Ceshiimadda (Concession Agreement) oo ah ka unkaya heshiiska saddexaad ee shirkadda BPOC. Waxaa la keenay laba qoraal oo kala ah : (1)Is-af-garadka labadda dawladood ee Somaliland iyo Imaraadka (MoU) (2)Nuxurka Heshiiska Dawladda Somaliland iyo DP WORLD (Waa siddii ciwaankiisu ahaa)

Naqdigani wuxuu ku eg yahay “Nuxurka Heshiiska Dawladda Somaliland iyo DP WORLD (Waa siddii ciwaankiisu ahaa”. Dokumentagani oo ciwaankiisu yahay sidaa hore ku qoran, wuxuu u dhigmaa heshiiskii BPOC oo hore warbaahintu u sii daysay oo ka dhalanyay heshiiska ceshiimada (Concession agreement), in kastoo qodobbo heshiiska ceshiimada ahina ku dhex jiraan. Waxaan golaha wakiiladda la hor keenin heshiiskii ceshiimada (Concession Agreement) oo ahaa ka la sugayay ee ugu muhiimsanaa.

  1. Milicsiga Guud : “Nuxurka Heshiiska Dawladda Somaliland iyo DP WORLD ”

Wuxuu nuxurka heshiisku ka kooban yahay 28 qodob oo kala ah:

  • Qodobbo Guud (2 qodob)
  • Saamileyda BPOC (1)
  • Xubnaha Guddida BPoC (2)
  • Muddada Heshiiska (2)
  • Xuquuqda Gaar-yeelidda (1)
  • Curaarta Heshiiska (2)
  • Shaqaalaha (1)
  • Hawlaha Balaadhinta Dekeda (3)
  • Lahaanshaha Dekedda (1)
  • Tacriifadaha (2)
  • Adeega Dekedda (3)
  • Aaga Xorta/Free Zone (1)
  • Warbixinaha (3)
  • Nabadgelyadda (2)
  • Xeerka lagu dhaqmayo (1)
  • Xalinta Khilaafaadka (1)


  • Sidaan hore u soo xusnay waxaan meesha la keenin heshiiskii ceshiimadda (Concession Agreement). Taa bedelkeeda waxaa la keenay is-af-garad (MoU) iyo qoraal ciwaan looga dhigay “Nuxurka Heshiiska…” .
  • Is-af-garadka (MoU) dhex martay labadda dawladood miyay tahay in la hor keeno aqalka wakiiladda iyadoon loo rogin “ Bi-lateral Agreement”?
  • Waxaa ku jira qoraalka Nuxurka Heshiiska qaladaad xaga daabacadda ah. Tusaale ahaan qodobka 12aad waxaa isa seegan lacagta marka ay tiradda tahay iyo marka ay ereyadda tahay. Waxaa la qoray “ ..Waxaa wajiga 1aad ku baxaya $42,000,000 (Laba iyo lixdan milyan..” Sidoo kale qodobka 28aad waxaa la qoray waxa khilaafaadka dhexdhexaadinaysa ICC (International Court of Crimes) taas oo ay nala tahay inaan heshiiskani ku jirin waxyaabaha ay ka gar-naqdo? In la hubiyo ayay halkaasi u baahan tahay.
  • Is-bedelo badan kama muuqdaan nuxurka heshiiska sida uu yahay  iyo sidii qodobada ku qorani ugu dhignaayeen qoraaladdii hore loo baahiyay. Meelaha kooban ee is-bedelka lagu sameeyay waxaa ka mid ah qodobka shaqaalaha.
  1. Falanqaynta Qoddobadda Ugu Muhiimsan “ Nuxurka Heshiiska DP World iyo Somaliland”
  • Heshiiska Ceshiimada (Concession Agreement) :Golaha wakiilada lama hor keenin heshiiska ceshiimada ahaa (Concession agreement) kaas oo ahaa ka laga sugayay. Waxa la hor keenay “Nuxurka Heshiiska Somaliland iyo DP World” sidaa darteed waxaa looga fadhiyay heshiisa, lama filayn “Nuxur”. Siddo kale heshiiska shirkada hawlgelinta dekedda (BPoC) xeer-hoosaadka intaan la keenin waa in la keenaa heshiiskaa iyada unkaya oo gaar ah iyo heshiiska shirkada oo aan lagu walaaqin qodobbo heshiis kale ka imanaya. Heshiiska faahfaahsan oo aan kala dhinayn ayay tahay golaha metela shacabka Somaliland sugayaa in la hor keeno.
  • Lahaanshaha Dekedda :Nuxurku heshiiska ee la hor keenay manta golaha wakiiladdu wuxuu si aan mugdi ku jirin u cadeeyay in dekeda mulkiyadeeda aan la wareejin oo ay ahaanayso hanta qaranka Somaliland leeyahay. Qodobkani wuxuu meesha ka saarayaa ku-tiri-ku-teentii ahayd waa la iibiyay iyo waa la xaraashay dekedda.
  • Maxaa cusub: Heshiiskani wuxuu noqonayaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee golaha wakiilada la hor keeno. Hore heshiisyo waawayn oo shidaal ah oo la galay lama soo marin. Waxaan rajaynaynaa inay talaabadani horseedo in kuwaa hore iyo kuwa dambaba la soo mariyo waddada sharciga ah. Xukuumaddu way ku mahadsan tahay arrinkan.
  • Shaqaalaha: Wuxuu qodobkan markii hore nuxurkiisu ahaa in BPoC (Shirkada hawl-gelinta Dekeda ee la wada-yeelanayo) ay shaqaalaha intii ay uga baahato uun ka qaadanayso halka imika laga dhigay shaqaalaha rasmiga ee heshiiska kula jira BPA dhamaantood waa la qaadanayaa. Waxaan kala cadayn kuwa ay yihiin shaqaalaha rasmiga ahi, kuwa aan rasmiga ahayn iyo heshiiskaa hore ee lagula jiray noocaa uu ahaa. Wax xuquuqo ah loo cayimay kuwa aan rasmiga ahayn iyo wax dheef ah oo maal-gashigu u soo kordhinayo heshiis
  • Qiimaynta Dekkedda: Marka laga duulo maal-gashiga guud ee la sheegay in dekedda la gelinayo oo dhan $ 420,000,000 (Afar boqol iyo labaatan milyan oo doolar), iyo Saamiga 35% ah ee la yidhi Somaliland baa yeelanaysa, waxaa la xisaabin karaa in dekedda lagu qiimeeyay $147,000,000 (Boqol, afartan iyo toddoba milyan oo doolar). Su’aasha is waydiinta mudani waxa weeyi, muxuu yahay qiimaha dhabta ah ee dekedda Berbera marka lagu xisaabtamo qalabka, dhulka, dhismaha, marinka istraatijiga ah ee badda cas iyo macaamiisha dekedda ee itoobiya u horayso. Qiimahan $147,000,000 ah ee aanu ka soo dhiraan-dhirinay qadarka maalgashiga guud iyo saamiyadda lagu xusay nuxurka heshiiska la hor keenay wakiiladda.
  • Qaybsiga Kuraasta Maamulka Shirkadda BPoC: Waxaa kale oo xusid mudan in tiraddii guddida shirkada hawl-gelinta guud ee dekedda oo ahaa markaa hore 7 maamule ( 2 Somaliland yeelanayso iyo 5 DP World), imika laga dhigay 9 maamule (3 Somaliland yeelato iyo 6 DP World yeelanayso) taas oo 33% ka ah tiradda guud maamulka shirkada una dhiganta ku dhawaad saamiga 35%-ka ee ay shirkadda Somaliland ku leedahay shirkada hawl-gelinta dekedda.
  • Qaybsiga Macaashka: Waxaa nuxurka heshiiska lagu sheegay inn Somaliland macaashka shirkada ku yeelan doonto 10% iyadoo saamigeedana lagu sheegay 35%. Tan macnaheedu waxa weeyi in DP World ay qaadanayso 90%, iyadoo saamigeedana lagu sheegay 65%. Is-waafajinta gashiga iyo dheefta ayaa u baahan in loo sharaxo shacabka iyo wakiiladda. Sidee iyaddoo saamiga somaliland yahay 35% ay haddana macaashka uga heshaa 10%?
  • Qaybsiga Macaashka: Curaarta (Fee-da) sanadlaha ay Somaliland helayso lagu sheegay $5,000,000 (Shan milyan oo doolar). Waqti xaadirkan waxay dekedda miisaaniyadaha dawlada dhexe ku daraysay lacag inahaa ku dhow. Waxaa halkan u baahan in la cadeeyo sababta muddada afartanka sano (40) ah ee soo socda aanay u kordhayn ee ay ahaanayso uun intii ay dawladda dhexe siinaysay dekedda maal-gelinta ka hor. Waxaa xusid mudan in daraasaddo hore o dawladda ka madax-banaan ay xuseen in xukuumaddii Somaliland ay waqtiyada qaar dekedda ka heli jirtay lacago aad uga badan inta lagu qoro miisaaniyada. Odoroska lagu saleeyay in curaartu noqota qadarkan kooban oo aanay is bedelin meelna laguma xusin.
  • Muddadda Heshiiska: Waxaa heshiiska ku qoran in muddadiisu tahay 30 sano ooh ore iyo 10 sano oo kale oo haddii DP World ay ku darsan doonto. Haddaba Akhriste ma kula tahay in aanay DP World u baahan doonin 10 kaa dambe? Lagama yaabo inay tidhaa uma baahni. Markaa dadku wuxuu xaq u leeyahay inoo fahmo midka heshiisku yahay 40 sano iyo inuu yahay 30 sano.
  • Qoddobadda Kale: Waxaa iyaguna iftiimin iyo faahfaahin u baahan qodobadda ay ka midka yihiin : bixinta qandaraasyadda dhismaha, jaan-goynta tacriifadaha, xuquuqda gaar-yeelida iyo xalinta iyo khilaafyada.
  1. Talooyinka iyo Soo-jeedinahayaga

Xukuumadda waxaanu u soo jeedinaynaa:

  • In xukuumadda heshiiska oo dhamaystiran keento. Heshiiska looga fadhiyaa waa heshiiska ceshiimada (Concession Agreement-ka) iyo heshiiska ka dhalanaya ee shirkadda hawl-gelinta dekedda (BPoC).
  • In dekedda Berbera lagu sameeyo qiimayn madax-banaan iyadoo la xisaabinayo agabka, qalabka, dhismaha, dhulka, istraatijiyada marinka baabal mandebka, iyo suuqa way nee marinka ay u tahay ee dalalka itoobiya iyo kuwo kale.
  • In la sugo xuquuqaha shaqaalaha rasmiga iyo kuwa aana ahayn rasmiga ee muddada faraha badan shaqaynayay oo qaranka xil ka saran yahay. Siddoo kale waa in xukuumadu xil badan iska saarto mustaqbalka kuwa laga maarmi doono iyo kuwa la siin shaqayn doona shirkada hawl-gelinta dekeda oo la sugo inay galaan heshiis u qalma shaqadda ay qabanayaan iyo sharaftooda muwaadinimo.
  • In Xukuumaddo soo gudbiso soon unugto Xeerka Maamul ee Hay’adda Maamulka Berbera (Berbera Port Authority – BPA). Hore BPA magac ahaan way u jirtay, waxaanse cadayn qaab-dhismeedkeeda, qaabkeeda go’aan gaadhiseed, xubnaheeda, sida loo soo magacaabayo iyo xayn-daabkeeda masuuliyadeed. Waxaa samaynta xeerka daruuri ka dhigaya masuuliyadda uu heshiiskani siinayo ee ah inay qaranka Somaliland uga wakiil noqoto kormeerka iyo la socoshadda heshiiskan iyo ijtijaaha siyaasadeed iyo maamul ee dekeda.

Golaha Wakiilada waxaanu u soo jeedinaynaa:

  • Golaha wakiladuu waa in aanay doodda guda gelin iyagoon helin heshiiska saxda ah ee dekedda (Concession agreement).
  • In sida sharcigu yahay goluhu ka doodo oo aan duuduub lagu ansixin heshiiska. Waxaa laga maarmaan ah in heshiiska ansixintiisa loo eego xeerka maalgashiga shisheeshe, xeerka shaqaalaha rayidka ah iyo xeerarka kale ee dalka.
  • In golaha wakiiladu ay hawl-geliyaan la-taliyayaashooda sharci, siyaasadeed iyo dhaqaale. Siddoo kale waa inay raadsadaan la taliyayaal caalami ah haddiiba ay u baahdaan.
  • In waqti fiican golaha wakiiladu ay siiyaan heshiiska waqti ku filan oo ay ka dooddaan,wax-kaga bedelaan, ku diidaan ama ku ansixiyaan heshiiska.

Golaha Wakiilada waxaanu u soo jeedinaynaa:

  • Warbaahitu waa inay ku dedaashaa inay xaqiiiqada dadka u soo gudbiso. Heshiiskan oo ah fursad wayn oo Somaliland heshay waa in aan la buun-buunin ama been laga sheegin oo xaqiiqada uun ay warbaahintu dadwaynaha ugu dedaasho.
  • Mucaarid iyo muxaafidba inaan la siyaasadayn heshiiska lagana wada shaqeeyo inuu noqdo mid u adeega danta guud ee qaranka. Mid shaqooyin u abuura dhalinyaradda, mid soo jiida maal-gashiyo kale, mid sii xoojiyadda madax-banaanida Somaliland, mid xoojiya amniga iwm.
  • Ururada bulshada ee rayidka ahi waa inay kaalin firfircoon ka qaataan sidii heshiisku u noqon lahaa mid sida ugu haboon looga faa’iidaysto. Waxay samayn karaan dooddo ay ku kulmiyaan dadwaynaha iyo inay wacyi-gelin xaqiiqo ku salaysan sameeyaaan iyo inay xukuumada culays ku saaraan inay heshiiska gelistiisu noqoto mid ban-yaal ah (Transparent(.
  • Guud ahaan bulshaddu waa inay xukuumada iyo wakiilada siiyaan kalsooni isla markaana ay isha ku hayaan xildhibaanadoodu ay u adeegayaan iyaga.
  1. Gunaaadka

Waxaan ku soo gunaanadaynaa in sababta aanu u samaynay ahayd uun iftiimin iyo inaan ka qayb noqono dadka doonaya in fursadan soomaalilaan uga faa’iidaysto sida ugu haboon. Waxaan u aragnaa in maal-gashagani haddii sida uga fiican loo galo uu noqon karo mid fursad wayn oo dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho uu horseedi karo. Haddii aan si fican oo xilkasnimo ah aan loo gelina uu noqon karo mid la qoomameeyo. Waxaan aaminsan nahay in heshiis muddadiisu tahay 40 sano ee socda aanaan ka noqon Karin daawadayaal.

Waxaanu ku soo af-meeraynaa : “ Ilaahow eexna ha nagaga tegin, aqoon darrana ha nagu cadaabin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here