“Land cruiser Mise Bulldozer”

0
30

W/Q: Maxamad Jaamac Iriir

Land cruiser Gado, Soo Bari Galleey,

Guuxiisa Mood Gob Inaad Ku Tahay…..

bulldozerTuducaasi wuxuu ka mid ahaa Hees loo tiriyey Siyaad Barre oo xiligaas baabuurka Landcruiser-ka oo Africaba ku cusbaa la soo degay iyadoo ay jirtay baahiyo xagga daruuriyaadka sida Korontada & biyaha, cunnada IWM. Waxa kaloon maqlay, in dawladda dhexe ee federaalka Eithopia xiligii Miles, kililada ay weydiisay waxyaalaha ay u baahan yihiin in dawladda dhexe ka caawiso oo kililka qoomiyadda Oromadu u gudbisatay in laga taageero dhinaca qalabka beeraha sida Cagafta beeraha qodda iyo Bulldozorada, halka Kililka 5aad ee Soomaalidu u gudbiyey Landcruisero iyo baabuurta xaragada in loo soo iibiyo, waa Yaab waa laba Maan oo aad u kala aragti fog. Waxaan shalay [dorraad] 04/08/2016 Joornaalada ka soo baxa magaalada Hargeisa ee kala ah:- Foore, Sahan, Saxafi iyo Geeska ka akhariyey 12 baabuur oo cusub oo sawirradooda u muuqdaan dhammaantood Landcruisero oo loo soo iibiyey afar(4) wasaaradood iyo hal (1) wakaalad loogana soo iibiyey Sanduuqa loogu magac daray “Sanduuqa Horumarinta S/land), waa Yaabe Soomaalidu meel ay joogtaba ma isku wada caqlibaa, miyeysan lahayn mid mid dhaamma? Ma Landcruiser uunbaa?.

Bal hadda qabsoo maaha markii 1aad ee baabuur lagasoo iibiyo sanduuqan laynagu hafraayo, waar lacagta miyaa “ Laagahan beerihii naga qaaday lanagaga xidho” sida Laagtan Waraabalay ee Roobkii da’aaba qayb ka mid ah dhulkii aannu beerayna badda ku daraysa, waar miyaa lagaran waayey inta Kililka Oromadu garatay oo Bulldozers lagu soo iibiyo, waar miyeynu garan weyney wax aan Landcruiser ahayn waddo uu maraba uma haynee,shidaalkiisa, dayactirkiisa iyo hawo wasakhayntiisaba uma tag haynee, xoolihii, macaadintii iyo khayraadka badda miyaan lagu maal-gelin Karin.

Allow caqli fayoow baan ku weydiisannay

Maxamad Jaamac Iriir

Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here