Hummaaga Jawigii Uu Ku Furmay Fadhigii Shalay Ee Golaha Wakiillada Lagu Hor-geeyey Heshiiska DP World

0
12

Warbixin Ay Qallinleyda HUBAAL Kasoo Diyaarisay Shucuurtii Mudaneyaasha Iyo Wasiirrada Ee Shalay

Gar Leexsan Oo Guddoomiye Cirro Ku Qeybiyey Doodda+ Su’aallo Aan Badh-xanayn Oo Gadood Ku Dhaliyey Wasiir Maxamuud Xaashi+ Dunuunnuca Xildhibaanno Mar-la-arag Ahaan Jiray Iyo Garowshiiyihii Wasiir Sacad Cali Shiredp

Hargeysa (Hubaal) – Aqalka golaha wakiillada Somaliland waxa maalintii shalay ay xukuumaddu horkeentay heshiis lagu maalgelinayo marsada Berbera oo ay dhawaan la gashay shirkadda DPWorld ee laga leeyahay dalka Imaaraadka carabta, iyadoo ay goobta yimaadeen wasiirro iyo xubno kale oo heshiiskaas horboodayaa.

Kulankii shalay ee golaha wakiillada, ayaa waxa ugu horraynba madasha kasoo xaadiray mudanayaal tiro badan, waxana uu ahaa jawi ka duwan midkii hore loogu yaqaanay, waxana goobta lagu arkay xildhibaanno hurdada iyo ku mashquulka danahooda gaarka ah caan ku ahaan jirey, kuwaas oo goor horeba usoo kallahay inay heshiiskaas akhiriskiisa iyo ansixintiisa ama diidmadiisa ka qayb qaataan.

Ugu horrayn waxa mudanayaasha loo akhriyey warqad mudanayaasha lagaga dalbanayo inay heshiiskaas meelmariyaan iyo waliba muhiimadda u leeyahay, iyadoo lagu xusay inuu heshiiskani yahay kii ugu horreeyey ee gole la horgeeyo tan iyo intii ay Somaliland xorriyadeeda lasoo noqotay, waxana intaas kadib la gudo galay qaybintiisa.

Daqiiqado kadib waxa khudbadahooda loo fasaxay inay bilaabaan raxan wasiirro ahaa uu hoggaaminayey wasiirka madaxtooyada Md Maxamuud Xaashi Cabdi, isla-markaana ay xubno ka ahaayeen wasiirrada wasaraadaha Arrimaha dibada, Qorshaynta, Warfaafinta, Hawlaha Guud, Maaliyadda iyo waliba safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka carabta kaas oo kamid ah xubnaha sida weyn dabada uga riixaya heshiiskani sidii uu u guulaysan lahaa.

Jawigii guud ee madasha

Guud ahaan jawiga golaha wakiillada ee shalay waxa uu ahaa mid ay si weyn looga dareemayey dabaysha heshiiska DPWorld, isla-markaana ay mudanayaashu doonayeen inay isku muujiyaan, iyadoo ay madasha si weyn u xarakaynayeen mudanayaasha mucaaridka ah oo saacido iyo taageero kal helaya guddoomiyahooda, isla-markaana si gaar ah u khaawistay waxoogaa naxdin iyo anfariir ah oo ka muuqday wajiga masuuliyiintii xukuumadda metelaysay ee madasha timi, kuwaas oo u muuqday qaar degenaanshaha lumiyey.

Ku dhawaad 70-xildhibaan oo madasha ku sugnaa, ayaa dhammaantood muujiyey sida ay ugu jeellan yihiin inay xubnaha xukuumadda ka socday ee goobta yimi su’aalo ku boobaan, waxase taas hor istaagay wasiirradii madasha ka hadlay oo aad ugu dheeraaday khudbado ay heshiiska ku difaacayaan oo ay qoraal ahaan kusoo diyaarsadeen, iyadoo mudanayaasha muxaafidka ahi sacab iyo sawaxan ku taageereen khudbadda wasiirrada oo caajis gelisay inta badan mudanayaasha.

Mudanayaal Guurtida ah Oo Fadhiga Kasoo Xaadiray

golaha wakiilladaWaxyaabaha ku cusbaa fadhigii shalay ee ay xukuumaddu golaha wakiillada ku horkeentay heshiiska ay la gashay shirkadda DPWorld, ayaa waxa kamid ahaa in mudanayaal tiro badan oo kasoo jeeda aqalka wakiilladu kasoo xaadireen, iyagoo soo fadhiistay kuraasta xagga dambe ee xarunta taalla ee loogu talo galay dadka martida ah, kuwaas oo si dhaw ula socday dooddii halkaas ka dhacaysay, isla-markaana soo weydaartay kal-fadhigoodii caadiga ahaa ee gole ahaan ay lahaayeen oo maalintii si caadi ah u socday, waxana ay kamid ahaayeen waxyaabihii kulankaas ku cusbaa.

Eexdii Uu Guddoomiye Cirro ku qaybiyey Mudanayaashii Doodda Ka Qayb qaatay

guddoonka wakiilladaGuddoomiye Cirro oo isagu maalintii shalay kulankaas guddoominayey, ayaa khudbad dheer oo xubno wasiirro ahi halkaas ka jeediyeen kadib soo xushay xildhibaanno dalbaday inay su’aalo weydiiyaan wasiirrada, waxana uu xushay xubno kooban oo dhammaantood kasoo jeeda xisbiga uu hoggaamiyo ee WADDANI, kuwaas oo su’aalo kakan dheegga u geliyey wasiirradii madasha ku sugnaa, isla-markaana buuq iyo sawaxan ka dhex abuuray goobta.

Xildhibaanada uu guddoomiye Cirro su’aalaha u xushay, ayaa si siman uga soo horjeeday heshiiska, waxana ay isku raaceen in qoraalka golaha la horkeenay aanau ahayn nuqulkii rasmiga ahaa ee ay xukuumaddu heshiiska ku gashay oo uu yahay qoraal heshiiska laga soo dheegay oo aan rasmi ahayn.

Anfariirkii wasiirrada goobta ka hadlay

DSC_0148Inta badan wasiirrada madasha ka hadlay, ayaa hadallo iska hor imanaya kaga jawaabay su’aalihii kaga yimi xildhibaanada mucaaridka ah, waxana wasiirrada madaxtooyada iyo maaliyaddu ku adkaysteen in qoraalka ay badka la yimaadeen yahay kii ay sida rasmiga ah qalinka ugu duugeen, halka uu wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire si badheedh ah u sheegay inaanu warku sidaas ahayn oo qoraalka ay xildhibaanada hor dhigeen yahay mid heshiiska laga soo dheegay.

Gadoodkii Wasiir Maxamuud Xaashi

DSC_0211Wasiirka wasaaradda madaxtoyada Md Maxamud Xaashi Cabdi, ayaa khudbad dheer kadib si cadho leh uga falceliyey su’aalo naqdin u badan oo aan badhxanayn, kuwaas oo ay mudanayaal mucaarad ahi ku harqiyeen, waxana uu sheegay inaanay shaqo golaha u taalla ahayn wax ka-beddel kasta oo lagu samaynayo heshiiska xukuumaddu la gashay shirkadda DPworld, “Wixii heshiiskan lagu kordhinayo ama laga beddelayaa waxa ay u taalla xukuumadda, idinkuna gole ahaan waxa aad xaq u leedihiin inaad diiddaan ama ogolaataane ama diida ama ogolaada wax kale oo idiin yaalla meesha ma jiraane.” Ayuu wasiir Maxamuud Xaashi madasha kaga tiraabay.

Hadalladii kale ee wasiirku madasha kaga dhawaaqay, ayaa waxa kamid ahaa inay mudanayaasha wakiilladu hore usii daayeen mashruuc uu dabada ka riixayey wasiirkii shaqada uga horreeyey ee Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo ku saabsanaa xeer lacago gaar ah loogu sameeyey waddooyinka, waxana uu sheegay in is-weydiinayo sababtii ay goluhu kaas hore ugu codeeyeen, kan imikana u hortaagan yihiin.

Isku soo wada duub oo jawigii shalay ee mudanayaasha ayaa ahaa mid xiiso gaar ah lahaa, waxana dadka arrimaha golaha u dhuun daloolaa sheegayaan inuu jiro olole dhaameel raadin ah oo xubnaha goluhu ugu kala dheeraynayaan ansixinta heshiiskan, waxana xusid mudan inaanay buurnayn tirada xildhibaanada heshiiska diidanayd, wallow ay qayladoodu meel sare gaadhaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here