“Nin Hullaab Xumi Inuu Wax Qarsanayo Ayaa La Moodaaye, [GOLAHA] Maanu Keenneen Heshiiskii Aanu DP World La Galnay, Laakiin Nuqulkii U Dembeeyey Maanu Saxeexin”

0
8

Wasiirrada Khaarijiga, Madaxtooyada Iyo Maalliyada Oo Golaha Wakiillada Hor-dhigtay Qabyo-qoraalka Heshiiska Ay Xukuumaddu La Gashay Shirkadda DP World  

“Maxaynu Uga Baahanay In Aynu Maal-Gashano Dekeda Berbera? Waxa Aan Is Dul Taagayaa Todoba Sababood Oo Aynu Uga Baahanay”. Wasiir Sacad Cali Shire

“Xukuumad Ahaan Waxaanu Aaminsanahay In Heshiiska Maalgalinta Dekeda Berbera Uu Somaliland U Yahay Mid Muhiim  Ah Oo Kor U Qaadaya Dhaqaallaheeda, Siyaasaddeeda Iyo Sumcadeeda”- Wasiir M Xaashidp-world

Hargeysa  (Hubaal) Xubnihii golaha wasiirada ahaa ee xukuumadda u xilka saarnaa heshiiska Dekeda Berbera ee DP World ay dhawaan kala saxeexdeen Somaliland iyo Shirkadaasi ayaa shalay hortegay golaha wakiilada, kana jeediyey warbixin daaha ka fayday tuhuno badan oo shacbiga iyo xildhibaanadu ay ka qabeen nooca heshiiska kiraynta dekeda Berbera. Waxaana si mug iyo miisaanleh isu dultaagay wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada.

Ugu horayna waxa hadalka qaatay Dr Sacad waxaanu yidhi “Waxa aan hadalkayga ku soo koobayaa lix su’aalood iyo jawaabahooda su’aasha ugu horaysa waxa weeye, Maxaynu uga baahanay in aynu maal-gashano dekeda Berbera? Waxa aan is dul taagayaa todoba sababood oo aynu uga baahanay.

  1. Dekeda Berberi waa deked imika cimri ah laba qaybood ayey ka kooban tahay qayb uu ruushku inoo sameeyey oo sideed iyo afartan jir ah (48) iyo qayb Maraykanku inoo sameeyey oo afar iyo sodon jir ah (34) daya- tir ayey u baahan tahay; mar nin khabiir ah oo Jarmal ahi inoo yimi wuxuu ku qiimeeyey dayac-tirka ay u baahan tahay isaga oo aan daraasad dhamaystiran aan samaynin ilaa shan iyo toban milyan oo doolar ($ 15 Million).
  2. Dekeda Berberi waxa ay ahaan jirtay dekedaha ugu horeeya gobolka shan iyo labaatankii sano ee u danbeeyey dekedaha gobolka intooda badan waa la maal-galiyey iyada nasiir dabro umaynaan helin fursad lagu maal-galiyo way ka hadhay faceed, tusaale ayaan idin siinaya 2014-kii dekeda Berebra waxa ka soo degay 26,260 Koontindhar sanadkii ina soo dhaafay dekada Jabuuti waxa ka soo degay sagaal boqol iyo toban kun boqo iyo shan iyo lixdan Koontindhar inta ka soo degtay dekada Jabuuti waxa ay ka badan tahay inta ka soo degtay dekeda Berbera shan iyo sodan jeer in ka badan. Sanadkii 2014-ka sidoo kale waxa dekeda Berbera ku soo xidhay 770 markab iyo doonyood; ta Jabuuti waxa ku soo xidhay 1903 halkaas ayaa waxa aad ka garanaysa faraqa maanta u dhaxeeya laba dekadood ee mar isku fac ah, tartankii ay kaga jirtay gobolka dekedaha way ka hadhay.
  3. Shan iyo labaatankii sanadood ee u danbeeyey ama far iyo sodonkii sanadood ee u danbeeyey markii dekeda uu Maraykanku dhistay farta laga qaaday dadkeedu way laba laabmeen iyo waliba nus tirada aynu ahayn 1991-kii tirada maanta aynu nahay waa laban laabkeed dadkeenu wuxuu ku koraa sanadkiiba saddex, wuxuu laban laabmaa afar iyo laabatankii sanaba mar markaa baahida markaad iskaba dhaafto baahida dadka kale u qabo taynu u qabno baa-maanta ayna buuxin karin dekadeenu, gacastadu marmarka qaarkood waxa ay ku odhanayan waxaynu sugnaa in markabkoodu ku soo xidho dekeda ilaa 17 cisho markaa baahideena ayaa ka badan awoodeeda iyo mugeeda.
  4. Waxa aad iyo aad isu bedelay habkii wax loo heli jiray; barigii hore badeecadu waxa ay ku iman jirtay jawaan, tatqad, saxaarad iyo kiish imika waxa loo badalay Koontaynaro dekadeenu uma samaysna, uma habaysna, uma qalabaysna in Koontaynaro ka soo degaan lagana rarro, Koontaynaradda imika ka soo dega waxa lagu dejiya wiishka Maraakiibta.
  5. 25-kii sano ee u danbeeyey waxa wax wayni iska badaleen maraakiibta qaada Koontindharradda ama xamuulka; markiibtu inta ay maanta yihiin aad ayey uga yaraan jireen Dekadeenu ma qaado maanta markiibta waaweyn ee Koontindharadda lagu qaado ee u baahan ugu yaraan in dekedu ay qodon tahay 14 ilaa 15 iyo toban mitir dekadeenu waxa ay ku eegtay ilaa 11 mitir “hoos”
  6. Inaga iyo Itoobiya waxa inaga dhaxeeya ganacsi lagu qiyaasay 600 ilaa 700 oo milyan sanadkii, ganacsigaasi dhinac ayuu ka rarran yahay Itoobiya waxay inaga iibisaa badeecado badan oo uu ugu horeeyo Qaadku, sibidhka, xoolaha, caanaha, khudradda iyo wixii la xidhiidha. Inagu Itoobiya waxyar oo Wajaale ka gudba mooyaane wax badeecad ah oo aynu toos uga iibina ma jirto faraqaa weyn ee u dhaxeeya ganacsiga aynu la leenahay Itoobiya sida kaliya aynu ku dabooli karno ee ku dheeli tiri karnaa waxa weeye inaga oo adeeg u samayna, adeegasina waxa uu noqonaya ka aynu u samayno dekeda Berbera.
  7. Dekeda Berberi waxa ay ku taala meel Istaraatiji ah dusha Berbera sanadkii waxa mara 25-kun ilaa 30-kun ayaa mara, maraakiibta faraha badan ee dusheena marta kama faa’idaysano, haddii dekadu weynaan lahayd oo ay qalabaysnaan lahayd maraakiibtaasi way inagu soo weecan-lahayd waxay dhigi lahayd Koontindharo kuwo kale qaadaan sida imikaba Jabuuti ay ugu weecdaan. Todobaad sababood aawadood waxa aynu u baahanay in aynu dekadeena maal-gashano oo balaadhino, laakiin inagu awooda ay u baahan tahay in lagu maal-gashado iyo lacagta ay u baahan tahay ma hayno markaa waxa aynu ku qasbanahay in aynu cid kale kula galgalano.

Waxa inoo yimi qorshayaal lagu balaadhinayo dekeda ilaa todoba shirkadood, shirkada Dubai World Ports waxa ay ahayd shirkadii ugu danbaysay waxa ka horeeyey lix shirkadood oo kale, lixdaa shirkadood waanu is barbar dhignay waanu kala saarnay laba ayaanu ka soo reebnay, labada aanu ka soo reebnay waxay ahaayeen shirka Boler iyo shirkad la yidhaaho MSC haddii aynu is-barbar dhigno inaga oo ka jawaabayna su’aasha labaad oo ah maxaynu ku dooranayo DP World? maxaynu shirkdaha kale uga dooranay oo aynu uga hor marinay. Su’aasha aniga oo ka jawaabaya markaad doonayso cid inaad hawl u dirato ama wax isku darsataan horta cida ayaa la qiimeeya waanu qiimaynay. Shirkadda DP World waa shirkadda afraad ee dekadaha maamusha caalamka; sanadkan gudihiisa aynu ku jirno shirkadaha DP World waxa ay dejin doontaa ilaa 60 milyan oo Koontinar inana waa 26 kun markaa faraqaa waad garan kartaa. Shirkadda dakhligii soo galay sanadkii ina soo dhaafay waxa uu ahaa ilaa afar bilyan (4 billion) waxa shirkadu gacanta ku haysaa oo ay maamushaa 77 dekadood, waxay shirkadu ka shaqaysaa 40 wadan waa shirkad khibrad leh oo maal leh oo magac leh taasi waa qodob. Haddii aynu barbar dhigno qorshihii ay inoo keentay qorshaasha kale oo waliba aan soo qaato shirkada Boler oo codsigeeda iyo qorshaheedu miiska ay saarnaayeen markii dawladani timi 2010-kii. Waxa aan is-dul taagaya ilaa tobon qodob oo aan isku barbar dhigayo.

  1. Boler waxay ahayd 30 sanadood, tana waa sodon.
  2. Wada lahaanshaha shirkada Boler waxa ay soo qadintay oo qorshaheeda ku jiray in shirkada aynu wada yeelano iyadu ay leedahay 52%, Itoobiyana leedahay 24%, inaguna aynu leenahay 24%-kiiba 3. DP World qorshaha ay noo soo qadin tahay waxa weeye shirkada in aynu wada leenahay oo iyadu ay leedahay 65% inana aynu leenahay 35% halkaa way kaga wanaagsan tahay.
  3. Shirkada Boler qorshaha ay noo soo qadintay waxa ku jiray in marka sodonka sanadood ay dhammaadan shaqaalaha ka shaqayn doona dekeda ay noqon doonaan 900, shirkada DP World waxay noo balan qaaday in shaqaalaha dekeda imika ka shaqeeya sida uu u yahay ay u qaadan doonto, shaqaalaha dekeda ka shaqeeya waa afar nooc midi wuxuu u shaqeeya wasaaradda maaliyadda (Kastamadda) kaas waxba iska badeli-mayaan cashuurta dawladana waxba iska badeli-mayaan, shaqaalaha labaad wuxuu ka shaqeeya hawlaha badda kaasi heshiiskaba kuma jiro sidiisa ayuu ahaanaya shaqaalaha wax u kordha mooyaane waxba ka dhici maayaan, shaqaalaha kale waxa weeye shaqaalaha joogtada ah ee dekeda u shaqeeya oo lagu qiyaasay 800 iyo afartan kaana sidiisa ayaa loo qaadanaya waxba iska badeli-mayaan. Shaqaalah Geelaha A iyo B loo yaqaano ee maraakiibta ka soo saara alaabta baabuurtana saara badeecada kaa hawshiisu sidiisa ayey u taala.
  4. Boler sooma bandhigin tabobar shaqaalah uu samayn lahaa, kolay uu u samayn lahaa sooma bandhigin, DP World waxa ay balan qaaday in ilaa 3 milyan oo doolar ay gelin doonto shaqaalaha tabobarkiisa.
  5. Xaga mugga qorshihii Boler waxa ku jiray in marka uu mashruucu dhammaado uu mugga dekedu noqon doono inay leedahay awood ay ku rarto hal milyan iyo laba boqol oo Koontinar sanadkii, qorshaha DP World waxa ku jira in muggaasi uu noqon doono hal milyan iyo laba boqol iyo kon kun, markaa taana DP World ayaa ka saraysa.
  6. Abaal-marinta layska siiyo dekedaha mashaariicda sidan oo kale ah waxa ku jira kiradda laga bixiyo dhulka ama dekeda, Boler kirada ay noo soo qadintay waxay ahayd 3 doolar sqm-kiiba dekadu intay leegta marka lagu dhufto waxay qiyaastii noqonaysay 360 kun oo doolar sanadkii kirada dekadu, DP World waa shan milyan sanadkii aadbay u kala badan yihiin.
  7. Qorshaha Boler wuxuu ahaa in maal-gashiga guud ee ay gashanayso 30-kaa sanaood inuu noqdo afar boqol iyo sideed iyo laabtan milyan, DP World waxay ku talo jirtaa oo ku jira heshiiska inay maal-gashan doonto afar boqol iyo labiyo afartan milyan taasina wuu ka badan yahay.
  8. Shirkada Boler waxay noo soo bandhigtay in sodonka sanood ay dawladda Somaliland siin doonto lix iyo afartan milayn iyo todoba boqol oo kun oo doolar, shirkada DP World lacagta ay ku ballan qaaday ama ku jirta heshiiska aad ayey intaas uga badan tahay hadaad soo qaado kirada oo kaliya sodonka sanood shan milyan markay sanadkii bixiso intaas ayaaba boqol iyo konton milyana wax lays barbar dhigi karo maaha.
  9. Hawsha waxa loo galayaa saddex darajo. Darajada ugu horaysa Boler waxay soo bandhigtay inay dayactir iyo qalabayn ku samayn doonto dekedii hore kuna kharash-garayn doonto shan iyo konton milyan, DP World waxay soo qadintay in shaqadeeda ugu horaysa noqon doonto deked cusub oo ay ku bixi doonto boqol iyo sagaashan milyan dakhligu kuma eeka tirada oo kaliya waxa inaga soo galaya dekeda afar dhakhli marka laga reebo ka kastamka oo isagu sidiisa u socon doona. Suuqa xorta ah, qorshihii ay inoo soo gudbisay Boler kuma jirin suuq xor ahi (Free zone) qorshaha DP World waxa ka mid ah free zone, sababahaa aawadeed sagaal qodob ayaan isdul taagay sagaalkaa qodoba waxa runtii kagaga horaysa marka laga reebo mudada oo ay isku mid yihiin shirkada DP World sidaas ayaanu ku qaadanay.

Waxa isna ka daba maray hadalka oo sii balaadhiyey Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland sharaxaad ka siiyey nuxurka heshiis xukuumadu ay la gashay shirkada DP World ee maalgalinta Dekeda Berbera.

Waxaanu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi “Mudane gudoomiye iyo mudanayaal waxaanu saaka halkan Golaha Wakiilada idiinku soo gudbinay heshiis xukuumadda Somaliland la gashay shirkada DP World, heshiiskaas oo lagu maal galinayo dekeda Berbera, waxaanu aaminsanahay Xukuumad ahaan in heshiiskaasi sidii uu Dr. Sacad Cali shire hortiina ka sharaxay inuu Jamhuuriyadda Somaliland u yahay mid muhiim u ah, oo kor u qaadaya dhaqaalaheeda, siyaasadeeda iyo sumcadeeda intaba, sharax kaga noqon maayo wixii Sacad yidhi oo runtii ah wixii runta ahaa.”

Mudane Xaashia yaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Waxaanu golaha u soo gudbinay nuxurkii hesiiskii aanu la galnay shirkada DP World, heshiiskii kama dambaynta ahaa nuqulkii ugu dambeeyey heshiiska maanu sexeexin, waxa laga yaabaa in lays waydiiyo maxaa heshiiska kama dambaysta ah golaha loogu keeni waayey, mudane gudoomiye iyo mudanayaal ma jiro waxa aanu qarsanaynaa, “Nin Hulaab Xumi inuu wax qarsanayo ayaa la moodaa” hadaanu wax qarinayno halkanba maanu keeneen, waxa aynu ugu murmi lahayn sidii awalba aynu ugu murmi jrinay, sidii Xukuumadihii Somaliland ee kale dambeeyey iyo golayaasha sharci dajintu ay ugu murmi jireen qodobka awooda golaha wakiilada siinaya ansixinta heshiisyada caalamiga ah, ee Xukuumaduhuna iska taagi jireen heshiisyada caalamiga ahi waa kuwa dawliga ah, murankaa maanu ag marin sida uu gudoomiyuhu sheegay waa heshiiskii ugu horeeyey ee golahan la keeno, waa heshiis ugu luxdanaa, maadaama oo uu yahay heshiis saamayn ku leh qarankan iyo bulshadiisa, waxaanu go’aansanay inaan la jeesin, la hulaaban ama guntiga gaar wax u gashan, meesha la maalgalinayaa waa Berbera, “ Berberi wax go lagu qaado ka weyn”markaa in aanu la wadaagno madaxdii qaranka iyo hay’adihii sharci dajinta ayaanu doorbidnay, haddii aanu heshiiska gunaanadno, oo Final Contention agreement aanu saxeexno, mudane gudoomiye iyo mudanayaal markaa baahi badan looma qabo in golahan la hor keeno,  waxa weeye nuxurkii tiirarkii heshiiskaasi ku tiirsanaa,  aqalka marka la dhisayo seeska iyo kaabadaha iyo inta adag ayaa la dhisaa, hesiishkani intii uu ku taagnaa waa kuwa halkaa ku qoran.”

Wasiirka Madaxtooyada Mr, Xaashi ayaa geesta kalena sheegay inay mudanayaasha Golahaasi ka doonayaan inay taageeraan heshiiska waxaanu yidhi “ Waa ta labaade Golaha waxaanu ka doonaynaa inuu nagu taageero hesiishaka oo uu ansixiyo, hadii uu diido golaha dee sabab aanu heshiiska shirkada DP World u sii wadnaa oo aanu Final Draf la saxeexo looma baahan sidaa darteen nidaamka saxda ah waxaanu u aragnaa in aanu golaha hor keeno, nuxurkii, mucdii iyo tiirarkii uu ku fadhiyey, waxaanu dhawraynay golahan haybadiisa, waayo waa golle sharci-dajineed, inaad wax ansixisaan oo aad nagu taageertaan ayaanu doonaynaa, xaqna waxa u leedihiin inaa taageertaan iyo inaad diidaan.”

“ Mudane Gudoomiye iyo mudanayaal heshiiskani wuu ka duwan yahay xeerarka golaha soo mara, maalin walba waanu soo gudninaa nidaam ayeynu u leenahay golahu wuu xaq u leeyahay inuu wax ka badalo, wax ku darro, wax ka saaro wax ka celiyo, laakiin kani waa heshiis aynu la galnay shirkad ganacsi oo iyana faa’iido doonaysa inaguna aynu  qaran ahaan faa’iido doonayno, gorgorantan adag ayeynu galnay, golahan waxa u furan inuu nagu taageero gorgortankaa waayo golahu maaha isagu ka gorgortanka la galaya shirkada DP World, anagaa la galayna oo ay umaddu noo doooratay, shaqaduna way inoo qaybsan tahay, markay sidaa tahay waxa kale oo idiin furan inaa diidaan, haddii la diido halkaas ayuu ku hadhayaa, wax dambe oo aanu la saxeexayno shirkada DP World ma jiro, iyagana sidas ayaanu ugu sheegnay, sababtaa darteed ayaanu heshiishkan hor dhaca ah ee nuxurkii ku dhan yahay aanu u keenay.”. Wasiirka Maxamuud ayaa geesta kalena sheegay in aanay suuro gal ahayn in wax ka duwan waxa goluhu uu ansixiyo ay kula heshiiyaan shirkada DP World  waxanu yidhi “ Golahaasi wuxuu ansixiyo ayaa sharci ah, haduu diidana waa gaar oo waxba la wadi maayo, hadaa taageertaan kaas ayuubaa sharci ah, shirkada DP World lama gali karno waxaa wax ka duwan, hadaanu la galnana waa dambi qaran, asalka umadda Somaliland iyo qarankani uu ku dabagalayaa shirkada DP World heshiiska u dhaxeeyaa waa waxaas aanu golaha keenay “ Qoodhi fagaare ayey ku war sheegootaaa.”. Ugu dambaytii Wasiirka ayaa sheegay in hadii golaha Wakiiladu ay heshiiskaasi diidaan ay faraha ka qaadayaan Xukuumad ahaa waxaanu yidhi “ Mudanayaasha Golaha wakiiladda masuuliyada na saraan mid la mida ayaa saaran, “ Xalaal Iftinbaa la qashaa”waa-nagaa idin hor keenay waxaanu leenahay, waxaa xaq u leedihiin inaad diidaan iyo inaa yeeshaan, waxaanu codsanayaa inaad hesiishkaas nagu taageertaan, aad ayaa u mahad san tihiin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here