Dibed-baxyada Ka Dhacay Itoobiya Oo Saameyn Kala Duwan Ku Yeeshay Meello Ka Mid Ah Suuqa Somaliland

0
15

BANAAN-BAXAddis Ababa (Hubaal):- Ciidammada Booliiska dowladda Ethiopia ee magaalada Addis Ababa, ayaa kala eryay dad Muddaaharaadayay, isla markaana waxay xidheen Dad badan oo ka tirsanaa Muddaharaadayaasha, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen Rasaas nool oo Boolisku adeegsaday, sida ay Warbaahinta caalamiga ahi ku warrantay shalay iyo xalay.

Muddaharaadayaashaasi waxay isugu soo baxeen Fagaaraha ugu wayn magaalada Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Tiro dad ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen, markii ay Ciidammada Boolisku garaaceen, qaarkoodna u adeegsadeen sida la sheegay Rasaas nool.

Waddooyinka waawayn ee gala Fagaarahaas Waxa jid-gooyooyin dhigtay Booliiska Federaalka Itoobiya oo aad u hubaysan. BBC-da, ayaa aragtay Dhallinyaro la xidhxidhay oo qasab lagu saarayo Gawaadhida Booliisku ay wateen. Raysal-wasaaraha Federaalka Itoobiya oo Jimcihii la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay Muddaharaaddada socda iyo kuwo ay shaaciyeen inay dhigi doonaan Muddaharaadayaashu Sabtidii shalay iyo Axadda Maanta ay yihiin kuwo sharci-darro ah oo aan loo dul-qaadan Karin, isla markaana gacmo kale ku dhex-jiraan, dowladduna ay ka hor-tegi doonto.

Waxa jira warar kale oo sheegaya in Muddaaharaadyo ay ka socdaan magaalooyinka kale ee gobolka Oromada oo u badan dadka Muddaharaadyada wada, deegaankaas oo ah kan ugu ballaadhan dalka Itoobiya. Muddaaharaadkan waxaa ku baaqay dadka u ol’oleeya Qawmiyadda Itoobiya ugu badan ee Oromada.

Waxay sheegayaan in dawladdu dishay Boqollaal dadkooda ah, isla markaana ay xidhay Kumannaan kale oo Oromo ah tan iyo markii ay Muddaaharaadyadu bilawdeen bishii 11-aad ee sannadkii 2015-kii, wakhtigaas oo ay Dhawr Boqol oo Qof ku dhinteen muddaharaadyadaas oo ay Qowmiyadda Oromadu kaga soo horjeedeen ballaadhan dowladdu doonaysay inay ku samayso Caasimadda Addis Ababa, taasoo saamaynaysay in la baabbi’iyo Beeraha deegaannada Oromada ee Qaadku ka baxo iyo in la jaro Beero Qaad ku yaallo oo lagu beero Ubaxa oo ka mid ah waxyaabaha ay Itoobiya dibedda u dhoofiso ee ay Dhaqaalaha badan ka hesho.

Muddaharaadyadan Qowmiyadaha Oromada ee dalka Itoobiya, ayaa saamayn xooggan ku yeeshay qiimaha ama sicirka lagu iibiyo Qaadka oo Somaliland uga yimaadda dhinaca dalka Itoobiya, waxaana qiimaha Rubaca Jaadka ah oo Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka hor muddaharaadyadaa lagu iibin jiray inta u dhaxaysa 25,000/30,000 illaa 35,000 Kun oo Lacagta Shilinka Somaliland ah oo u dhiganta 3.5 illaa 4.5 (Saddex Doollar iyo Badh illaa Afar Doollar iyo badh. Hase-yeeshee, waxa qiimihiisu gaadhay 50,000 illaa 60,000 Kun oo Lacagta Somaliland oo u dhiganta toddoba Doollar illaa siddeed Doollar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here