Mucjisada Gabadh U Dhalatay Dalka Tansania Oo Carrabkeeda Wax Ku Qorta

0
16

gabadh carrabka wax ku qoraysaTanzania (Hubaal) –  Waa arrin mucjiso ah oo soo jiidatey shucuubta caalamka iyo dhammaan warbaahinta adduunka oo dhan,gabadh dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Wakonta Kapunda oo ku naafowday shil gaadhi, ayaa wax ku qorta carabka, iyadoo awood u leh inay carabkeeda u adeegsato isticmaalka teleefanka gacanta, sida wicitaanka teleefanada, derista fariimaha iyo inay ku qorto sheekooyinka aflaamta.

Wakonta Kapunda oo da’deedu tahay 25 sano jir, una dhalatay dalka Tanzania, ayaa waxaa sanadkii 2012-ka jiidhey gaadhi, xilli ay u socotay xafladeeda qalin-jebinta ee fasalka afaraad ee Dugsiga Sare, waxayna billo ka dib noqotay curyaan. Wakonta Kapunda ayaa naafo ka noqotay wixii ka hooseeya qoorta.

Gabadhaan oo lagu kaxeeyo kuraasta curyaamiinta, ayaa waxay Jazeerada Zanzibar ku barataa sida shaashadaha wax loogu qoro.

Iyadoo la hadleysay BBC, ayaa waxay sharaxaad ka bixisay sida ay ku baratay in ay carabka wax ku qorto, waxay tilmaamtay in bilowgii hore ay ku adkeyd in carabka ay wax ku qorto.waxaana ay tidhi”Maalin ayaa waxaa soo dhacay teleefan dhabta ii saarnaa, hase ahaatee maanan qaban karin, waxaan ka fekeray qaabkii aan wejigeyga u adeegsan lahaa, waxaana ku taabtay dhabankayga, iyadoo uu bilaabay inuu ii shaqeeyo. Marka waxaan ka codsaday qoyskayga in ay dhabta ii saaraan barkin iyo dhar, si teleefanka uu ugu dhawaado wejigayga, waxaa xigtay inaan carabka u adeegsado. Markii hore waxaa igu adkaa inaan carabka wax ku qoro, laakiin ku celcelis iyo taataabasho badan ka dib waan la qabsaday.” Ayay tidhi gabadhaan.

Wakonta Kapunda, ayaa waxay sheegtey inay ku haminayso in mar uun ay noqoto qof filimada aflaamta sameeya, waxayna xustay in aflaamtu ay ahaayeen madadaalada qudha, ee ay haysatay, ka dib markii ay dhibaatadaan la soo deristay.

“Markii aan curyaamay aflaamta ayaa ii ahaa madadaalada keliya ee aan haystay, iyadoo aan daawan jiray xilli kasta, waxaana xilligaa i galay rajada ah inaan wax badan ka qaban karo aflaamta, si ay noloshayda u bedelaan. Waxaan rabaa inaan aflaamta qoro, kuwaa oo dadka dhiira-geliya, dibna u soo celiya rajadooda.” Ayay tidhi Wakonta Kapunda.

Source: Gudgudenews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here