“Dawladda Xamar Waxaan Xusuusinayaa, Haddaad Na Duudsideen Karis Xun Iyana Wax Ku La’…. Somaliland Waxaanu Nahay Dad Wadaaga Dhul Iyo Dhalasho” Prof. Galaydh

0
11

Buuhoodle, (Hubaal): – Hoggaamiyeha Kooxda la baxday Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo Xubnaha kale ee Koxdaasi, ayaa Shir-jaraa’id oo ay Shalay ku qabteen Magaalada Buuhoodle ku caddeeyay inay Wada-hadallo toos ah kula jiraan Xukuumadda Somaliland, shirkii koowaad ee Wada-hadalladaas ka mid ahina ka qabsoomay Magaalada Caynabo.

Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ugu horeyn Shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa si Odeynimo ah u sheegay in waxa ka dhexeeya Shacabka Gobollada Somaliland ee Khaatumo ka mid tahay ka badan yihiin Colaaddii dhex martay, sidaa daraadeedna Wada-hadallo u bilaabmeen Dawladda Somaliland.

“Wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo si wanaagsan bay noogu bilaabmeen, waanuna u ballansanahay Wada-hadallo kale oo aanu geli doono. Dan gaar ah loo tagay Wada-hadallada Somaliland ma jirto, Masuuliyad baa na saaran.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Wax badan baa nagaga xidhan (Somaliland), Wada-hadalladaasna waxaanu rabnaa in Xal waara oo nabad ah la wada gaadho.”

Dr. Cali Khaliif Galaydh, waxa kale oo uu farriin u diray Dawladda Soomaaliya oo uu muujiyey inuu quus ka joogo Midnimadii Soomaaliya oo uu isagu muddo ka shaqeynayey, “Maamulka Xamar joogaa ee na duudsiyey waxaan Xasuusinayaa, Waar anagaa Awalna u dhimanaynay (Midnimada Soomaaliya), laakiin Raqba waa ku raggeed oo Karis-xun iyana wax ku la’, Waayo? Dadka iyo Xukuumadda Somaliland iyo Annagu ma nihin Dad Maanta la is-barayo, Dad Ab ka Ab wada deganaa, Dhulka wadaaga, Dhalasho wadaaga ayaanu nahay, Danahayaga si badan oo loo kala saar-saaro ma jirto, laakiin sidaas markaan leeyahay Macnaheedu maaha  inaanu indhaha ka qarsanayno Maamulka Maanta jooga Somaliland ee Saaxiibkay Axmed-Siilaanyo uu Madaxda ka yahay intuu na gaadhsiiyey, dhibaatada ay na gaadhsiiyaana waanu ognahay oo waanu ka dheragsan nahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here