Wasiir Garas oo Sheegay In Ay Dhaqan-gashay Shaqo Ka Joojintii Uu Wasiirka Waxbarashadu Ku Sameeyey Agaasimihii Guud Ee Wasaaraddaas

0
9

garas-iyo-adHargeysa (Hubaal) – Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada  iyo tacliinta sare ee Somaliland Yuusuf Cismaan Garas ayaa ka hadlay go’aanka shaqadii lagaga joojiyey agaasimihii guud ee wasaarada waxbarashada Abiib Axmed Cali Oo horraantii toddobaadkan uu Wasiir Cabdillaahi Dheere ka joojiyey shaqada. Wasiiir Garas oo shalay  la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inaanu wasiirul dawlaha wasaaradu jabin Karin amar ka soo baxay wasiirka. Wasiir Garas oo ugu horayn ka hadlaya muhiimada ay wasaarada waxbarashadu u leedahay qaranka ayaa waxa uu hadalkiis ku bilaabay “Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare waa wasaarad halbawle u ah qaranka, waana wasaarad ka mid ah wasaaradaha ugu mudan in inta badan aad loo ilaaliyo waayo waa wasaarad ka madax banaann inay arrimo badanoo siyaasiya ku dhex milanto, waana wasaarad soo saaraysa ubadka iyo mustaqbalka uu dalku yeelan doono, waana wasaarad qaabaysa mustaqbalka ubadkeenu yeelan doono maadaama oo ay waxbarashadii gacanta ku hayso.” Sidoo kale Wasiir Garas ayaa waxa uu sheegay inuu khilaaf imanayo goob kasta oo shaqo ka socota balse ay wanaagsan tahay in markaba la dhameeyo waxaanu yidhi “Runtii xafiisyo walba iyo  meel kasta oo laga shaqeeyo mid dawliya iyo mid aan dawli ahaynba ismaan dhaafkeeda iyo shaqo isla afgaran waageedu way iska timaadaa laakiin waxay ku qurux badan tahay inay markiiba sidaas ku dhamaato, wax dhibaato ah oo weyn oo aan isleeyahay way ka dhex jiraan wasaarada oo dhibaato ah ama khal khal abuur ahi ma jiraan, wasiirku wuu qoray warqada shaqo ka joojinta agaasimaha guud inkasta oo madaxweynuhu leeyahay xil ka qaadista agaasimayaasha guud iyo wixii ka sareeya hadana wasiirk awood ayuu u leeyahay inuu shaqo ka joojin sameeyo, warqaduna waxa soo baxday sabtidii, arintaasina waa mid sideedii u shaqaysa.” Wasiir Garas ayaa sidoo kale tilmaamay inaan wasiirul dawle jabin Karin amar ka soo baxay xafiiska wasiirka waxaanu yidhi “Wasiirka iyo wasiirul dawlaha marka la eego  awooda waxa iska leh wasiirka, sabab uu wasiirul dawle u jabin karo awooda wasiirkuna ma jirto, inta ogaalkay ahna kolay warqada uu soo qoray wasiirul dawluhu ogolaanshiyo uu dhismaha wasaarada soo galo agaasimaha guud mooyaane kuma jirto shaqadii ha bilaabo, mana soconayso ilaa madaxweynuhu soo amro mooyaane, wixii kalana wasaarada ayaa dib iskugu noqonaysa, wasiirkuna waxa uu soo noqonayaa maalinta arbacada, waxyaabaha yar yar ee jirana anaga ayaa ku dhamaysanayna dhexdayada wax weyn oo hada yaalaana ma jiraan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here