Xaflad Loo Sameeyey Furitaanka Mashruuca Dib udhiska Waddada Kalabaydh-Dila Oo Laga Maalgeliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland

0
12

Xafladda Furitaanka Jidkan Waxa Ka Qeyb Galay Saraakiil ka socday Waddamada  Qaadhan- bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF

 DSC_0001 (1)

 Dila (Hubaal) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayaa xadhiga ka jaray waddada isku xidha Kalabaydh iyo Dila  oo  dhan 21 km, taasoo lagu sameeyey dib udhis dhamaystiran, waxaana laga maalgaliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF. Mashruucan oo ku kacay lacag dhan 2.03 milyan ayaa ka koobnaa dhismaha laami cusub iyo biriish jiifto ah oo laga dhisay magaalada Dila. Munaasabadd si rasmiya  loogu furayay waddada oo lagu qabtay magaalada Dila ayay ka soo qayb galeen Madaxwaynaha Jamhuuriaydda Somaliland oo ay weheliyaan masuuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda iyo Saraakiil ka socday Waddamada  Qaadhan- bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.  Tan iyo markii la dhisay waddada isku xidha Kalabaydh iyo Dila oo ahayd 1980 ayaan laguma samayn waxa dayactir ah oo la taaban karo, taasina waxay keentay in waddadu ay noqoto mid aad u burbursan oo ay ka samaysmeen godod waawayn hareerahan ka soo yaraatay, taasoo keentay in gaadiidku ay gabi ahaanba ka weecdaan iyagoo isticmalaaya inay maraan waddada hareeraheeda. Dawladda Somaliland waxay hore u dhamaystirtay dayactirka waddada isku xidha Dila iyo Borama laakiin qaybta waddada ee u dhaxaysa Kalabaydh iyo Dila ayaa muudo badan dayacnayd.  Xaaladda waddada oo aad u xumaatay awgeed ayaa keentay in wadaddii burburtay gabi ahaanba la qaado, kadibna la dhigay lakab cusub oo ka kooban caratuul , jay iyo sib isku dhafan hoostana laga soo dhisay. Waxa kale oo loo sameeyey saaqiyado cusub oo ay biyuhuu maraan iyo calaamadaha wada marista ee loogu talagalay badbaadada gaadiidka. Dib udhiska waddadu waxa uu keenay in uu hoos u dhaco in ka badan 50% nooligii lagu raaci jiray  gaadiidka u kala goosha magaalooyinka Hargaysa iyo Borama iyo in uu yaraado wakhtigii loo kala socon jiray Kalabaydh iyo Dila oo markii hore ahayd 50 daqiiqo hada loo kala socdo 15 daqiiqo. Waxa kale oo dhamaystirka waddadu keenay in darawaliintu ay kalsooni ku qabaan safarka ay galayaan iyagoon ka warwarayn xaaladda cimilada gaar ahaan xilliyada roobka.  Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) oo ka hadlay muhiimadda ay waddudu leedahay ayaa waxa u yihdi “Farxad wayn bay ii tahay inaan maanta ka soo qaybgalo furitaanka waddada Kalbaydh iyo Dila ee laga maalgaliyey mashruuca SDF. Siyaasadda Qaranku waxay muhiimadda siinaysaa inuu waddanku isku xidhmo oo aynu horumarino waddooyinka. Waddadanina aad ayey ahmiyad u leedahay ilaahayna waxaan ka baryaynaa inuu ina la qabto oo aynu halkaa ka sii wadno horumarka”. Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guriyeeynta Mudane, Cali Xasan Maxamed oo isaguna xusay natiijada mashruuca dib udhiska waddada waxaanu yidhi “Waxa sharaf inoo ah in aynu maanta halkan xadhiga kaga jarno mashruuca waddada Kalabaydh-Dila oo 21 km ah oo tayadeedu sareyso lagana maalgaliyay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF. Waxaan u sheegayaa anigoo uga mahad celinaya dowladdaha inaga caawiyay mashruucan in lacagtii ay bixiyeen ee ay Somaliland ku caawiyeen ay gashay halkii loogu talagalay meel baahi wayn looqabayna lagu daboolay.” Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali shoombe)  ayaa isaguna dhankiis uga mahadnaqay qaadhaan-bixiyayaash Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF taageeradda ay siiyaan Somaliland waxa kale oo uu Wasiirku yidhi  “Aniga oo ku hadlaya afka gudida maamusha Sanduuqa Horumarinta Somaliland (JSC), waxaan halkan ka sheegayaa inuu mashruucan dib udhiska waddada Kalabaydh-Dila yahay mid lagu guulaystay oo midho dhal ah, waddadanina ay muhiimad wayn u leedahay isku xidhka Gobalka Awdal iyo goballadda Kale ee Somaliland.” Sanduuqa Horumarinta Somaliland waa deeq lacageed oo loogu talo galay in lagu caawiyo Dawladda Somaliland kaas oo soconaya muddo afar sanno ah. Sanduuqa waxa loogu talo galay inuu qayb ka noqdo Qorshaha Shanta Sanno ee dhinaca Horumarinta Somaliland. Sanduuqa waxa maalgaliyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan Dawlada Ingiriiksa (DFID), Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan dalka Denmark (DANIDA), Dawladaha Norway iyo Boqortooyada Netherlands.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here