Xukuumadda Oo Cudud Ciidan U Adeegsatay Fannaanad Qurbe-joog Ah Oo Caways Fanneed Kusoo Bandhigi Lahayd Hargeysa

0
20

Hargeysa (Hubaal):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku ceebawday Fannaannadda Soomaaliyeed ee Nasteexo Ciise [Nasteexo Indho], ka dib markii ay ka joojisay, isla markaana awood kaga joojisay Bandhig-faneed ay habeen hore ku qaban lahayd Huteelka Crawn ee magaalada Hargeysa.  Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa ka hadlay sababta ay Xukuumaddu u joojisay Bandhig-faneedkaa ay Fannaanadda Nasteexa-indho iyo Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ee Fadhigoodu yahay Hargeysa ku wada qaban lahaayeen Crawn Huteel habeen hore, waxaanu Wasiirku ku eedeeyey Dhaqan-xumo sida uu hadalka u dhigay. nasteexo_Ciise_Indho_New_2013_DeeyooCiidammada Ammaanka, ayay Xukuumaddu dul-dhigtay Huteelka Shawgaas ama Bandhig-faneedkaas lagu qaban lahaa xalay, waxaanu Wasiirku ku dooday inay Fannaanadda Nasteexo waddamada Qurmaha ku qabatay Bandhig-faneedyo dhaqan-xumo ah oo aan Diinta iyo Dhaqanka waafaqsanayn sida uu ku dooday Wasiir Khaliil. Goog joogayaal ayaa warbaahinta  u sheegay in ciidamo badan oo booliis ah iyo xubno ka socda wasaarada diinta iyo awqaaftu ay xalay ku sugnayeen Huteel Crown kuwaasi oo dadkii ka qaybgalayay bandhiga u sheegay in bandhigaasi la joojiyay oo ay fanaanada haysato wasaarada diinta awqaafta Somaliland. Laakiin, wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo  shalay  warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in fanaanadaasi ay ka cowdeen cullimada Somaliland oo ku eedeeyay inay xidhato ama heesaha ku qaado maryo qaaqaawan marka ay joogto Qurbaha islamarkaana la joojiyo bandhig faneedka ay ku qabanayso Magaalada Hargeysa. “Cullimada ayaa noo soo sheegay oo nagu yidhi gabadhaasi naga qabta intaanaan kaga hadal Khudbadaha misaajiadada”ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo   warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa. Magaalada Hageysa waxaa lagu qabtaa bandhig faneedyo kala duwan kuwaasi oo lagu qabto huteelada ugu waawayn magaalada Hargeysa islamarkaana ay kasoo qaybgalaan dhamaan shacabka ku xidhan fanka soomaalida. Joojinta wasaarada Diinta iyo awqaafta ee Bandhig faneedkan ay Nasteexo Indho ku qabanaysay magaalada Hargeysa ayaa noqonaya falkii ugu horeeyay ee xukuumada Somaliland ku hor joogsado bandhig faneedyada noociisa ah. Arrintan oo u muuqata mid ay Somaliland ku ceebaysan tahay maaddaama oo hore Fannaan iyo Fannaaniin loogu diiday inay Bandhig-faneedyo ku qabtaan Hargeysa jirin ee ay tahay Fannaanaddii ugu horreysay ee Xukuumadda Somaliland ay sidan oo kale isaga hortaagtay Shawga ay Hargeysa ku qaban lahayd isla Habeenkii la qaban lahaa lagu bilaabay Nasteexa-Indho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here