Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Saamaynta Magacaabistiisu Ku Yeelatay Gobollada Bariga

0
8

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maamuud Xiir(Faro-toon), ayaa si weyn ugu  mahad celiyey soo dhaweyn ballaadhan oo loogu sameeyey deegaanada u dhexeeya Burco ilaa laascaanood, isagoo muujiyey sida uu ula dhacsan yahay soo dhaweyntaas.faratoon

Wasiir Faro-toon oo shacabka ku dhaqan deegaanka Adhi-caddeeye ee gobolka Sool khudbad ujeediyey, ayaa dareenkiisa cabiray, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“waxan dareemayaa inaad ku faraxsan tihiin oo aad aaminsan tihiin oo ku qanacdeen siyaasadda aynu ku socono, waana intaas oo aynu uga sii dhawaanaa.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in magacaabistiisii iyo weliba shirarka shacabka gobolka Sool lagu soo dhaweynayey oo dhawaan lagu qabtay deegaanka Adhi-caddeeye ay wax weyn ka beddeleen aaminaadii iyo taladii  dadkaas, waxana uu ku dardaarmay in diiwaangelinta muhiimad gaar ah la siiyo,“Diiwaangelintii baa dhawaan bilaabmaysa, tabashada aad tabanaysaana waxad ku gaadhi kartaan idinkoo diiwaangelinta gala, haddaad reer Adhi caddeeye tihiina tihiina Somaliland maanta magac weyn baad ku leedihiin, shirarkii taariikhiga ahaa ee halkan lagu qabtay iyo magacaabistaydiina wax badan bay ka beddeshay deegaankan”

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha dhawaan loo magacaabay Mudane Faro-toon oo kasoo jeeda gobolka Sool, ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, waxana uu ceelalyo u yahay wafti ballaadhan oo xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE iskugu jira oo dhawaan deegaanadaas gaadhi doona, maadaama diiwaangelintu toddobaadka soo socda halkaas ka bilaabmi doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here