Mujaahid Xasan Guure Oo Xubnaha Golaha Wakiillada Musuqmaasuq Iyo Dhuuni-raacnimo Ku Eedeeyey, Shirar-doceedyada Dalka Kusoo Badanayana Taageeray

0
31

“musuqmaasuqeenii waxa uu gaadhay in labadii  hay’adood ee waddanka ugu sarreeyey ay umaddan kala iibsadaan, maalintii dhaweyd waxa la gaadhsiinayey in xildhibaankiiba la siinayey ilaa $20,000(labaatan kun oo Dollar.)”

 

“shirar doceedyada ay kamidka yihiin midka Baxrasaafka, ka garxajiska iyo kii ay qolyaha habarjeclo qabsadeen hadii dawladnimadii ay wax qaban weyday xagga reerkaa loo dhaqaaqayaaye reeraha yaan la qabsanin.” Xasan Guure

guure

Hargeysa:(Hubaal)-Guddoomiyaha siyaasiyiinta ku midoobay madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka mujaahid Xasan Guure Jaamac,  ayaa dhaliilo culus dusha ka saaray xubnaha xildhibaanada golaha wakiillada Somaliland, waxana ay ku eedeeyeen inay caado ka dhigteen musuq iyo muunad dilka xeerarkii iyo shuruucdii dalka.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac  oo telefishanka Star la hadlay, ayaa sheegay in xildhibaanada aqalka wakiilladu ay lacag ku beddesheen dooddii qorshuhu ahaa inay ka galaan heshiiska xukuumaddu la gashay shirkadda DPWorld, “musuqmaasuqeenii waxa uu gaadhay labadii  hay’adood ee waddanka ugu sarreeyey oo maskaxdii iyo gacantii ay umaddan kala iibsadeen, maalintii dhaweyd waxa la gaadhsiinayey in xildhibaankiiba la siinayey ilaa $20,000(labaatan kun oo Dollar.)” ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

Mujaahid Xasan oo hadalkiisa sii wata, ayaa ayaan darro ku tilmaamay in xubnihii umadda metelayey ay shilimaad iyo dhadhamo ka doortaan kitaabkii ay gacanta saareen, waxana uu yidhi,  “marka aad doodii hore ee Baarlamaanka eegtana waxad is odhanaysay dunida rag baa ku nool, waxase dhacday in habeennimadii lasoo wada hadlay oo arrintii cod la geliyo, taasina waa ayaan darro, umaddana xilka waxa u haysay ah kii xeerka samaynayey iyo kii fulinayey, labadii ay ahayd inay is ilaaliyaan ee umaddani xilka u dhiibatay ayaa iyagii kala iibsaday umaddii.”

Xasan Guure waxa uu sheegay in wakhtiyadii hore xatooyadu ahayd arrin halis ah oo uu qofku naftiisa ku waayi karo, “Berigii hore musuqmaasuqu waxa uu ahaa  dembi oo qodka gala waa la dili jirey, waxana ka dambaysay isagoo ceeb ah, laakiin imika isagii oo ammaan ah baynu arkaynaa.” Ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

Dhinaca kale mujaahid Xasan Guure waxa uu ka hadlay shirarka beelaysan ee muddooyinkii ugu dambeeyey dalka kusoo badanayey, kuwaas oo qaarkood ay xukuumaddu hor istaagtay, waxana uu soo dhaweeyey shirarkaas, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“shirar doceedyada ay kamidka yihiin midka Baxrasaafka, ka garxajiska iyo kii ay qolyaha habarjeclo qabsadeen hadii dawladnimadii ay wax qaban weyday xagga reerkaa loo dhaqaaqayaaye reeraha yaan la qabsanin.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here