Jawaab Uu Madaxweyne Xasan Skheekh Ka Bixiyey Su’aal La Weydiiyey Oo Bulshadu Si Weyn U Hadal hayso

0
8

Madaxweyne Ma Sheegi Kartaa Hadyaddii Ugu  Dambaysay Ee Aad Xaaskaaga u Geysay?

“Xaaskayga maalin walba anigaa hadyad u ahoo ag fadhiyee maxaa ay hadyad uga baahan tahay, hadyadda aniga iga weyn ee jirtaa maxay tahay”

MADAXWEYNAHA-SOOMAALIYA-XASAN-SHEEKH-MAXAMUUDHargeysa:(Hubaal)-Madaxweynaha Dawladda Federal-ka Somaliya, Md Xasan Skheekh Maxamuud,  ayaa si dirfadaysan oo kaftan ku dheehan yahay, isla-markaana ka qoslisay dadkii madasha ku sugnaa uga jawaabay su’aalo dhinaca nolosha qoyskiisa la xidhiidha oo si furan loo weydiiyey.

Madaxweynaha oo soo xidhayey carwada bandhigga buugaagta ee magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay qaban-qaabiyayaashii munaasibadu ka codsadeen inuu su’aalo kooban uga jawaabo kasoo qaybgalayaasha si ay madasha uga soo baxaan wax xiiso lihi, waxase, isagoo arrintaas aqbalay.

Axmed Jowhar oo kamid ah dadkii dibada usoo safray carwadaas, isla-markaana daadihiya barnaamij arrimaha qoyska iyo isku-duubnida lammaanaha lagaga hadlo, ayaa madaxweynaha weydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa inuu bulshada goobta ku sugan iyo inta daaweynaysaba u sheego  hadyadii ugu dambaysay ee uu xaasaskiisa guddoonsiiyo, waxana ay madashii isu beddeshay qosol jaanta la wada wadhay, ka hor intii aanu madaxweynuhu wax jawaab ah bixinin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ilbidhiqsiyo qosol ah si fudud jawaabtan u bixiyey, isagoo carrabka ku ballaadhiyey inuu xaasaskiisa naftiisa hadyad uga dhigo, waxana uu yidhi,“xaaskayga maalin walba anigaa hadyad u ahoo ag fadhiyee maxaa ay hadyad uga baahan tahay, anigaaba hadyad ahe hadyadda aniga iga weyn ee jirtaa maxay tahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata, ayaa bulshada u sheegay inaanu weligii xaaskiisa gacantiisa u qaadin, taas ay marag ka tahay inuu qoyskooda waaray oo sanado badan soo dhisnaa,“Waligay xaaskayga uma gacan qaadin, lamana diririn, laba qof oo guri ku nool oo wax ka dhexeeyaan kala duwanaansho wuu jiraa, laakiin kala duwanaan shahaasi wada-tashi iyo isu caqli celin buu ku dhamaadaa, tusaalena waxa u ah sida uu guurkayagu u waaray.”

Hadalka kaftanka ah ee uu madaxweynaha Somaliya kaga jawaabay su’aalaha la weydiiyey, ayaa noqday mid si weyn ay bulshada Soomaalida ahi u hadal hayso, waxana si gaar ah carrabka loogu adkaynayaa sida fudud ee uu madaxweynuhu helay jawaabta su’aal ay hubaan tahay inay dad badan ku adkaan lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here