Wiil uu dhalay Osama Bin Laden oo ka Yaabsaday Dowlada Saudi Arabia soona diray Fariin Yaab leh

0
7

Hargeysa:(Hubaal)-Hamsa Bin Laden waa Wiil uu dhalay hogaamiyihii la dilay ee ururka Al Qaacida Osama Bin Laden wuxuuna Wiilkani soo diray fariin muuqaal ah oo ka yaabsaday shacabka iyo Dowlada boqortooyada Saudi Arabia .ina osama

Hamsa Bin Laden ayaa ka codsaday dhalinyarada dalka Sacuudiga inay hubka qaataan oo la dagaalamaan dowlada dalkaas wuxuuna sidoo kale ka codsaday saraakiisha Milatariga Sacuudiga inay sameeyaan Afgambi Milatari oo lagu inqilaabayo dowlada dalkaas .

Wiilka hogaamiyihii la dilay ee ururka Al Qaacida Osama Bin Laden , Xamsa Bin Laden waa 27 jir dhawr fariin oo colaad muujinaya u soo diray dowlada Boqortooyada Saudi Arabia wuxuuna markii sadexaad dhalinyarada dalkaas ka codsaday inay ku biiraan uruka (AQAB) oo la sheegay inuu la dagaalami doono dowlada Sucuudiga .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here