Madaxeynaha Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Lagu Soo Bandhigay Qoraal Cabasho (Petition Letter) Oo Ay Saxeexeen Hal Milyan Iyo Kow Iyo Labaatan Kun Oo Qof (1.021.000) Oo Shacbiga Somaliland Ah, Beesha Caalamkana Kaga Dalbanaya Inay Aqoonsadaan Jiritaanka JSL.

0
26

Hargeysa (Hubaal)Madaxeynaha Jamhuuriyadda Somaliland  Mudane Axmed Maxxamed Silaanyo, ayaa maanta Hotel Maansoor  kaga qayb galay  Munaasibad lagu soo bandhigay qoraal cabasho (Petition Letter) ay Saxeexeen hal milyan iyo Kow iyo Labaatan kun oo qof (1.021.000) oo Shacbiga Somaliland ah, kuwaasoo beesha Caalamka ka dalbanaya inay aqoonsadaan jiritaanka Somaliland.DSC_0088

Qoraalkan Cabashada ah ayaa qaatay  Muddo afar bilood ah, kaasoo bilaabmay 29/042016 – 09/08/2016, saxeexeenna  tirada  aan soo sheegnay oo ku kala  sugan dhammaan gobolada dalka Somaliland min Bari ilaa Galbeed, iyagoo saxeexayaasha marka hore loo akhriyayey, sharaxna laga siinayey macnaha  cabashada (Petition) oo ka mida hababka  dareen muujinta  ee loo raadsado waxa kaa maqan, tanina ay tahay mid loogu cabanayo beesha caalamku inay Ictiraafto Somaliland, lagagana cabanayo siday beesha caalamku uga dib dhacday xaqiijinta rasmi uga mid noqoshada Somaliland ee golayaasha caalamka, uguna horeeyo golaha guud ee qaramada midoobay (UNO)

Cabashadani waxay daba socotay cabashooyin hore oo ay bulshada reer Somaliland siyaabo kala duwan ugu muujiyeen saluuggii ay ka qaadeen midnimadii Soomaaliya ee 1-dii July, 1960-kii kuwaasoo isugu jiray diidmo dastuur, inqilaab samayn, mudaharaadyo dhigid, ilaa laga soo gaadho kacdoonkii dhagaxtuurka, loogana gudbo halgan hubaysan oo shacbi ilaa iyo lasoo noqoshadii iyo dibu-xorayntii dalka ee 1991-kii, taasoo 2001 la raaciyey afti guud oo laga qaaday shacbiga Somaliland, halkaasoo ay caddeeyeen shacbiga Somaliland  inay rabaan 97.7%  lasoo noqoshada madaxbanaanida Somaliand, waxana ugu danbaysay cabashadan maanta ee ay saxeexeen hal milyan iyo kow iyo labaatanka  kun ee qof, (1.021.000) kuwaasoo si cad ugaga cabanaya beesha caalamka inay la raageen aqoonsiga Somaliland, kana dalbanayaan imika inay siiyaan Somalialnd xaqa ay leedahay ee ah Ictiraafka.DSC_0087

Munaasibada maanta ee Maansoor waxaa hadal ka jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Debeda Dr. Sacad Cali Shire oo Wasaaradiisu ka ahayd gadhwadeen iyo hawl fuliyeba cabashadan dadweynuhu  ay soo qaddimeen. Waxaana wasiirku raaciyey sida loogu baahan yahay in hawl galka ictiraaf raadinta aan waxba lagala hadhin muruq, maal iyo maskax, waxaanu ku daray in qoraalkan cabashada ah ee dadweynuhu aanu ahayn afti (Referendum), balse ay tahay cabasho  (Petition).

Waxaa isaguna halkaa warbixin kasoo jeediyey Gudoomiyaha Hawlwadeenadii soo ururinta cabashada dadweynuhu bixinayeen, ahna agaasimaha habmaamuuska ee Wasaaradda Arimaha Debeda, waxaana uu halkaa ku faahfaahiyey sida daah furnaanta leh (Transparency), islamarkaana xaqiiqada ah (Fact) ee ay uga afgaadheen rabitaanka ummadda miyi  iyo magaalaba taasoo keentay inuu qof waliba oo saxeexayaasha ka mida ahi, isagoo ku qanacsan ujeedada cabashada uu magaciisa, lambarkiisa iyo saxeexiisa ku duugo hadduu wax akhriska iyo waxqorista yaqaano/taqaano, ama suulkiisa/suulkeeda ay saarto  haddii uu yahay qof aan waxna akhriyin waxna qorin.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay in heerka xamaasada iyo rabitaanka shacbiga ee Somaliland ay maanta iyo maalintii lala soo noqday madaxbanaanida oo laga joogo rubuc qarni ay isku mid tahay, iyaguna garsoor ahaan ay qeyb ka yihiin ictiraaf raadinta, maadaama ictiraafku yahay wax la wada leeyahay.DSC_0084

Amb. Cawil Cali Ducaale oo kamida gudida heer qaran ee ictiraaf raadinta, ahna siyaasi ruug caddaa ah ayaa  isna sheegay inay khasab tahay in beesha caalamku ictiraafto Somaliland, ha dhawaato ama ha dheeraato’e.

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Marwo Adna Aadan Ismaaciil, Prof:  Maxamed Siciid Gees, Xildhibaan Axmed Daahir oo ah gudoomiyaha gudida arrimaha debeda ee golaha guurtida, Siyaasi Maxamed Cabdilaahi (Uurcade) xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, Aqoonyahan Axmed Xaddi Sidci, iyo Marwo Canab Cumar Ileeyee gudoomiyaha garabka haweenka ee Xisbiga Kulmiye, gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA  Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo dhamaantood halkaa ka hadlay ayaa jeediyey hadallo ay ku hoga tusaalaynayaan, kuna guubaabinayaan shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba oo ay horkacayso dawladoodu inay wadaan geeddiga ictiraaf raadinta, lana shaqeeyaan gudida ictiraaf raadinta ee heer qaran ee Madaxweynuhu alkumay, loona huro dhaqaalaha ay u baahan tahay raadinta ictiraafku iyo sidii lagu hanan lahaa, aqoonsi buuxa oo somaliland ka hesho dalalka adduunka.

Ugu dambayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane:  Axmed Maxamed Silaanyo ayaa khudbad taariikhiya oo xambaarsan sooyaalka Somaliland horrayso iyo danbayso, islamarkaana uu ku jiro garnaqsi sida ay xaq u tahay aqbalaada madaxbanaanida Somaliland ee laga rabo beesha caalamka, isla markaana uu ku taageerayo cabashada dadweynuhu qoreen halkaa ka jeediyey. Waxaana ka mid ahaa Khudbaddii Madaxweynaha:DSC_0077

Mudanayaal iyo Marwooyin, Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan maanta kasoo qayb-galo munaasibaddan lagu soo ban-dhigayo dareenka runta ah iyo qoraallada codsiga ah ee laga soo ururiyey qaybo ka mid ah Bulshada ku dhaqan gobollada kala duwan ee Somaliland.

Waxaan jecelahay inaan halkan uga mahad-celiyo dhammaan muwaadiniinta muujiyey dareenkooda ku aaddan sida ay u aaminsan-yihiin madax-banaanida dalkooda.

Mar labaad, waxaan ku bogaadinaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee uu hor-muudka ka yahay Dr. Sacad Cali Shire iyo dhallinyaradii kala shaqaysay barnaamijkan qiimaha badan.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Dareenkan muwaadiniintu wuxuu ka markhaati kacaya rabitaanka runta ah ee Shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kale oo uu cadaynayaa, himillada iyo hal adayga ay Ummadda Somaliland u leedahay ka-midho-dhalinta mabaadii’da ay aaminsan-yihiin iyo ilaalinta madax-bannaanida dalkooda hooyo, kuwaasoo aan la yaraysan karin, lana is-diid-siin karin ama dhagaha laga furaysan karin.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Waxaan u caddaynayaa Dalkii aannu ka go’nay ee Soomaaliya, Dalalka Midowga Afrika, Midowga Yurub, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo dhammaan Dalalka ku Midoobay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa arrimaha hoos ku xusan:-

  1. Somaliland waa waddan leh taariikh dheer oo soo jiray ilaa 1887, isla markaana leh, xuduudo caalamiya oo la aqoonsan yahay, kana mid ahaa maxmiyadihii Ingiriiska.
  2. Somaliland waxay ahayd dal gaar ah, oo xornimadiisii ka qaatay 26 June, 1960-kii Dawladdii Ingiriiska. Waxaannu ku biirnay lana midawnay 1-dii July dalkii Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray.
  3. Somaliland waa waddan isagoo xor ah, waddan kale oo xor ah ku biiray, maaha markii ugu horreysay oo laba waddan oo Qaaradda Africa ka mid ahi isku darsadeen, haddana kala noqdeen.
  • Masar iyo Suuriya, waxay isku darsadeen 1958, waxay kala noqdeen 1961-kii.
  • French Sudan iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1960-kii, waxay kala noqdeen 1960-kii.
  • Gambia iyo Senegal, waxay isku darsadeen 1981-kii, waxay kala noqdeen 1989.
  1. Shacbi-waynaha Somaliland waxay si cad %53 ku diideen June, 1961-kii aftidii loo qaaday dastuurkii cusbaa ee loo sameeyey dalkii lagu midoobay ee la magac baxay Jamhuuriyaddii Soomaaliya, oo haatan meesha ka baxday.
  1. Muddo yar ka dib, markii Shacbiga Somaliland garwaaqsadeen inay ku hungoobeen midnimadii, waxay Saraakiishii ka soo jeeday Gobollada Waqooyi sameeyeen December, 1961-kii inqilaab dhicisoobay, kaas oo ujeeddadiisu ahayd inay dib u soo celiyaan Xornimadii Somaliland ee luntay.
  1. Somaliland rubuc qarnigii u dambeeyey kama qayb qaadan shirarkii kala duwanaa ee dib u heshiisiinta Soomaaliya marnaba.

Sidoo kale, kama mid aha Nidaamka Federaalka yegleesha ah ee ay ku midoobeen maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, kuwaas oo saxeexay, isla markaana ogolaaday heshiisyada iyo Axdiga (Road map-ka) ay ku dhisan tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

  1. Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo Wax-garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco, go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.
  2. Maaha markii u horreysay ee Dadka Somaliland dareenkooda iyo rabitaankooda muujiyaan, Shacbiga Somaliland waxay bishii May, 2001-dii kalsooni cod buuxa %97.7 ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qadiyadda Gooni-isu-taaga dalka.
  3. Somaliland waa dal buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa wadan madax-bannaan.

Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay.

Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland, waxaanan bulshada caalamka ugu baaqayaa inay garwaaqsadaan xaqa sharci iyo ka bini’aadannimo ee Shacbiga Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan.

Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland waxay dan u tahay nabad-galyada, deganaanshaha, geedi-socodka dimuqraadiyada, ganacsiga iyo horumarka Geeska Africa iyo ka caalamka intaba.

Ugu dambayn, waxaan Shacbi-weynaha Somaliland ugu baaqayaa gudo iyo dibed meel kasta oo ay joogaan:

  • in ay meel uga soo wada jeedaan ilaalinta qarannimadooda iyo qadiyaddooda.
  • in ay rabitaankooda ku muujiyaan cod dheer iyo cudud midaysan.

Wa Billaahi Tawfiiq…

      Naasir Yuusuf  Daahir

Xoghayaha Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here