Qorshaha Safar Aan Hore Loo Sii Shaacin Oo Wasiirka Khaarijiga Somaliland kaga Degey Qaahira Iyo Xukuumadda Oo Xalay Ka Hadashay

0
11

Milicsiga Mawqifkii Ay Xukuumadda Qaahiri Kaga Badheedhay Qaddiyadda Somaliland Iyo Nuxurka War-saxaafadeed Ka Soo Baxay Wasaaradda Arrimaha Dibeda JSL Kaga Hadashay Safarka Wasiir Sacad

Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr, Sacad Cali Shire ayaa safar aan hore loo shaacin ku tagay dalka Masar.

Wasiirka arrimaha dibbada ayaa la sheegay inuu martiqaad ka helay dhigiisa dawlada Masar, isagoo la kulmi doona wasiirada kala ah, Arrimaha Dibadda , Ganacsiga iyo Warshadaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Wasiirka Waxbarashada sare, Sheekha Al Azhar iyo qaarka mid ah masuuliyiinta ugu sarraysa Ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Sacad Cali Shire, waxaa ay masuuliyiintaasi ka wada hadli doonaan dhinacyada ganacsiga, warshadaha, caafimaadka, waxbarashada iyo siyaasada arrimaha dibbada maadaama uu la kulmi doono wasiirada arrimahaasi u qaabilsan dalka Masar.

weftiga-Wasiirka-KhaarajigaDhinaca kale wasaaradda arrimaha dibeda ayaa xalay war qoraal ah ka soo saartay safarka wasiirka. Warkaas iyo qorsha wasiirka oo faahfaasan ayaa nuqul kamid ah oo Wargeyska HUBAAL helay waxaa uu u dhignaa sidan “Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxaa safarkiisa ku weheliya Danjiraha Somaliland u qaabilsan Yemen, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Madaxa Qaybta BarigaWefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debadda & Iskaashig Caalamiga ah JSL Dr. Sacad Cali Shire ooo socdaal shaqo ugu baxay dalk Masar ayaa shalay gaadhy magaalada Qaahira ee caasimadda dalkaas.
Wasiirka Arrimaha Debadda JSL oo ay ku weheliyan weftigiisa Danjiraha Somliland u qaabilsan Yemen, Danjire Cali Maxamed Ilkacase, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Debadda, Mudane Cabdiqani Axmed Xasan iyo Madaxa Qaybta Bariga Dhexe Mudane Fahmi Maxamed Qaasim ayaa saaka caabbaara 6;30kii subaxnimo lagu soo dhaweeyay Gagada Dayuuradaha ee Qaahira.
Weftiga Wasiirka oo n gelinkii dambe ee Salaasadii ka ambabaxay magaalada caasimadda ah ee Hargeysa kadib martiqaad rasmi ah oo wasiirku ka helay dhiggiisa dawladda Masar, waxaa kaga horyimi Madaarka Qaahira masuuliyin sarsare oo ka socotay Wasaaradda Kharaajiga Masar iyo xukuumadda dalkaas oo soo dhaweeyay weftiga.
Mudada uu ku suganyahay weftigu Qaahira waxay kulamo muhiim ah la qaadan doonan dhinacyo kala duwan oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Debadda Masar Mudane Saamix Shukri, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Waxbarashada sare, Sheekha Al Azhar iyo qaarka mid ah masuuliyiinta ugu sarraysa Ururka Jaamacadda Carabta.
Ujeedada safarka ee weftiga Wasiirka Arrimha Debadda JSL ayaa qayb ka ah sii xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga dhinacyada badan ee labada wadan ee Somaliland iyo Masar.
Gunaanad
Wefti uu hogaaminayo kaaliyaha wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan Dalka Masar oo bishii afraad ee sanadkan Somaliland ku yimid safar, oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha iyo wasiiro ka tirsan xukuummada ayaa markii ay dalka dib uga noqdeen sheegay in dawlada Masar ay taageersan tahay islamarkaana ka shaqeynayso Midowga Somaliland iyo Somaliya, Balse wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo warkaasi dawlada Masar kasoo baxay ka jawaabay ayaa sheegay inaanay ka fileyn dawlada Masar Hadalkaas ayna aad uga xunyihiin mawqifka ay ka taaganyihiin qaranimada Somaliland.

Waftiga ka socday Dalka Masar waxaa ay booqdeen maalmahaasi magaalada Berbera iyadoo la sheegay in dawlada Masar ay qorsheynayso Saldhig millateri oo ay ka dhisato Magaalada Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here