Baanka Dhexe Ee Soomaaliya Oo Laga Xaday Lacag Dhan $530,000 Iyo Cida La Baxday Oo La Shaaciyey

0
8

moneyMuqdisho (Hubaal):- Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya mudane Bashiir Ciise Cali oo xafiiskiisa shir saxaafadeed ku qabtay ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay warar maalmahan la isla dhexmarayay oo ahaa in khasnadda Bankiga dhexe ee Soomaaliya laga xaday lacag.

Mudane, Bashiir Ciise Cali, guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka ayaa sheegay in lacagta uu xaday mid kamid ah khasnajiyaasha Bankiga  ay dhan tahay $530,000. Kaas oo lagu magacaabo Muxiyadii Maxamed Xasan  (Muxiyadiin Santooni) isla markaana uu baxsaday ninkaas.

Guddoomiyuhu waxaa uu sidoo kale sheegay in ninkaas uu lacago been abuur ah uu Bankiga keenay isla markaana uu qaatay lacagtii rasmiga aheyd sidaasna ay ugu suuragashay in uu lacagtaas xado.

Bashiir Ciise Cali, guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka ayaa waxaa uu shacabka Soomaliyeed guud ahaan gaar ahaan laamaha amniga uu ka codsaday in ay gacan ka geystaan sidii loo soo qaban lahaa ninkaas burcadka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here