Muuse Biixi: Siyaasi Ka Midho-Dhaliyey Saddex Arrimood Oo Qaranku Mahadiyey- W/Q: Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tuyuub)

0
21

Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tuyuub)

maadhiin tuyuub oo amaan kula dhacay muuse biixi

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu u baahan yahay hoggaamiye door weyn ku lahaa dhismaha qaranka iyo dawladnimada ilaa sannadkii 1991-kii, isla markaana u soo taagnaa xaalado badan oo soo maray ummadda Somaliland.

Waxa loo baahan yahay qof amma siyaasi ku soo shaqeeyey marba wixii ummaddu ay u bislaatay ee khuseeya xaaladaha dhabta ah ee khuseeyey noloshooda amma siyaasi ku shaqayn kara, kuna guulaysan kara hadba waxa bulshadu u oomantahay inay gaadho.

Haddaba, waxa fiican in la qiimeeyo qofka lagu aaminayo hoggaaminta ummadda, loona eego waxa uu qabtay amma qofka uu yahay, lana qiimeeyo waayo-aragnimada uu u leeyahay duruufaha dalka, iyadoo sidoo kale ay muhiim tahay in la eego lexejeclada iyo tacabka uu geliyey dalka iyo dadka Somaliland.

Waxa kale oo muhiim ah in la eego sida uu ugu shaqeeyo, una ixtiraamay hadba waxa dadweynuhu doonayaan, tusaale ahaan, markii ay dadku u baahnaayeen in laga xoreeyo Taliskii macangaga ahaa ee Siyaad Barre, sida la ogyahay waxa Muuse Biixi Cabdi iyo mujaahidiin badan oo kale ay ka qaybqaateen dagaalkii bulshadu kaga adkaatay millatarigii Siyaad Barre, kuna guulaysteen inay dib ula soo noqdaan madaxbannaanida Somaliland sannadkii 1991-kii.

  1. Hoggaamintiisii Shirkii Balli-gubadle

Waxa kale oo la ogyahay hoggaamintii uu Muuse Biixi kaga qaybqaatay markii ay dadku doonayeen inay dib ugu noqdaan dalkooda hooyo, isagoo shir-guddoominayey, door weyna ku lahaa shirkii ka qabsoomay magaalada Balli-gubadle bishii May ee sannadkii 1990-kii oo ahaa shir dhaqan amma siyaasadeed  oo lagu gorfeeyey arrin guul u noqotay ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Shirkii Balli-gubadle ee uu hoggaaminayey Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa laga faa’iiday, laguna falanqeeyey sidii dib loogu qabsan lahaa dalka, isagoo waqtigaas ku shaqeeyey guurtinimo iyo istaraatijiyad siyaasadeed oo lagu guulaystay in shirkaas Balli-gubadle kadib  ciidankii Faqashta lagaga saaro Somaliland sannad gudihiisa.

Haddaba, markii ay dagaalyahannadii SNM gudaha u soo galeen degaannada Somaliland, laguna guulaystay in meesha laga saaro Taliskii Siyaad Barre, waxa dhacday, lana dareemay maamul-xumo laga dhaxlay colaad iyo nabadgalyo xumo, iyadoo uu Muuse Biixi Cabdi mar kale ka shaqeeyey sidii dalku uga bixi lahaa xaaladihii adkaa ee soo waajahay.

Waxa uu qayb-libaax ka qaatay  shirkii ka qabsoomay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal sannadkii 1993-kii, halkaas oo lagu dhisay dawlad shaqaysa oo nabad keenta, madaxdana uu ka ahaa Allaah ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyadoo waqtigaas Muuse Biixi Cabdi laga dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, waxayna Wasaaradda Daakhiligu masuul ka ahayd nabadaynta dalka, hub-ka-dhigistii maleeshiyaadka iyo in dhidibada loo taagay dawlad shaqaysa oo leh ciidan qaran, boolis, asluub iyo dhammaan hay’adaha dawliga ah oo shaqeeyey.

  1. Doorkii uu ku lahaa hub-ka-dhigistii Maleeshiyaadka

Waxa kale oo Muuse Biixi Cabdi u guntaday, kana shaqeeyey sidii looga dhabayn lahaa, loona hirgelin lahaa himilada iyo hiigsiga dawladdu lahayd, isagoo markiiba la hadlay madaxdii horjoogaha ka ahayd kooxihii maleeshiyaadka ahaa oo ay isku ahaayeen jabhaddii SNM,  waxaannu ku qanciyey inay hubka dhigaan, kana mid noqdaan ciidammadii qaranka ee xilligaas, arrintaas oo uu si fiican ugu guulaystay, isagoo kaashanaya waayo-aragnimada uu u lahaa dhallinyarada maleeshiyaadka ahayd ee gacanta ku hayey hubka.

Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa ay door weyn ku yeesheen sidii loo dhisi lahaa ciidammada kala duwan ee qaranka Somaliland, arrintaa soo muhiim u ahayd dhismaha qaranka iyo haykalka dawladnimo, waxana Guddoomiyaha KULMIYE lagu qiimayn karaa kartida iyo maskaxda uu geliyey dhismaha qaranka Somaliland iyo dawladnimada aynu haysano maanta.

Waxa kale oo Muuse Biixi lagu qiimayn karaa inuu yahay qofka amma hoggaamiyaha maanta dhisi kara, kuna guulaysan kara waxyaabaha waqtigan ka dhiman qaranka Somaliland oo ay ugu horreeyaan in si buuxda maamulka dawliga ah loogu fidiyo degaannada bariga fog ee dalka, lana gaadho ilaa xadka aynu la leenahay Soomaaliya iyo inuu dhisi karo dawlad amma xukuumad beesha caalamka iyo dalalka dariska ku qancin karta qaddiyadda aqoonsiga iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland muddada 25-ka sanno ah.

  1. Dhismaha Guurtida iyo hannaanka xisbiyada badan ee Somaliland

Dhinaca kale, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka qaybqaatay, isla markaana fikirkiisii ahaa in la dhiso Golaha Guurtida oo ah waxyaabaha Somaliland dheertay dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan mandaqada Geeska Afrika.

Waxa kale oo uu ka qaybqaatay dhismaha hannaanka axsaabta badan iyo in habka dimuqraadiga ah si fiican uga hirgalo Somaliland, lana helo xisbiyo si xor iyo xallaal ah ugu tartama hoggaaminta dalka, isagoo markii u horaysay ka mid noqday Urur-siyaasadeedkii SAHAN ee ku hadhay doorashooyinkii Golayaasha Degaanka ee qabsoomay sannadkii 2002, balse markii ururkaasi hadhay, waxa uu Muuse Biixi ku biiray xisbiga KULMIYE oo uu ilaa maanta ka mid yahay hormuudkiisa gacanta ku haya hoggaaminta xisbigaas, sidoo kalena u yahay murrashaxa Madaxweyne ee uga qaybgeli doona doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan inay dalka ka qabsoonto bisha March ee sannadka 2017, haddii Ilaahay yidhaah.

Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xubin sare oo firfircoon ka ahaa KULMIYE markii uu ku biiray sannadkii 2002 ilaa xilligii uu u tartamay sidii uu uga mid noqon lahaa hoggaanka sare ee xisbigaas oo Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad loogu doortay shirweynihii xisbiga KULMIYE ku yeeshay Hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa sannadkii 2008-kii, waxa haddana xilka Guddoomiyenimo ee xisbiga loo doortay shirweynihii u dambeeyey ee qabsoomay sannadkii 2014.

Guddoomiye Muuse Biixi oo kolba tallaabooyin dhinaca guusha ah qaadayey ilaa markii lala soo noqday madaxbannaanida Somaliland sannadkii 1991-kii, waxa uu muujiyey inuu yahay siyaasi aan mabdi’iisa siyaasadeed isku bedbeddelin sida JIRJIROOLAHA, waxaannu fikirkiisa siyaasiga ah kaga dhex shaqeeyey xisbiga KULMIYE laga soo bilaabo sannadkii 2002-kii ilaa waqtigan, iyadoo taasina u suurtogelisay in murrashaxa jagada Madaxweynenimo ee xisbul-xaakimka loogu doortay shirkii Golaha Dhexe ee ka qabsoomay Hargeysa bishii November ee 2015.

Haddaba, marka la eego marxaladaha adag iyo waayaha siyaasadeed ee uu la soo qaatay bulshada reer Somaliland, waxa muhiim ah in ummaddu ku qiimayso arrintaas, lana qiimeeyo duruufaha uu kala soo dabaashay dalka iyo dadka, iyadoo la eegayo shaqsiyadiisa, dulqaadka, waxqabadkiisa, hanka iyo himilooyinka uu jecel yahay inuu ka midho-dhaliyo, isla markaana waa in la eego dul-qaadka uu muujiyey, kagana soo gudbay marxaladihii kala duwanaa ee uu u soo maray dhismaha qaranka Somaliland, waxaanna arrimahaas tusaale fiican looga qaadan karaa in Muuse Biixi yahay siyaasi waayo-arag ah, una bisil in lagu aamini karo hoggaaminta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tuyuub)

Hargeysa, Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here