Golaha Wakiilladu Wa’ayo?- Qalinkii: Garyaqaan Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud

0
7

Markaynu is-weydiino su’aashan aan cinwaankayga uga dhigay jawaabteeda, waxaynu odhan karnaa ama la isla wada yaqaannaa oo aan shaki iyo mugdi toona innaga jirin inay ka mid yihiin saddexda dhadhaar ama rukun/tiir ee habka hannaanka dawladnimo.

Golaha Wakiillada ama Golaha Shaci-dejinta hadba qofku sida uu u yaqaanno ee uu leeyahay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo 29/September/2005-tii markii ugu horreysay taariikhda dalkeena ku yimaadda cod-doorasho oo hal-dheeriya, kaasoo ay sal u ahayd habka hannaanka xisbiyada badan ee ay jideynayso dimoqraadiyadda oo aynu qaadanay tan iyo wixii ka dembeeyey markii bulshada Reer Somaliland cod aqbaliyad ah ku meel-mariyeen Dastuurka Somaliland.

Doorashadaas ay bulshada Reer Somaliland doorteen Golaha Wakiillada oo uu ka dhammaaday xil-doorashoodkii loogu talogalay ee ahayd in kuwo kale lagu soo doortay ay qoodeysteen ay iska sii fadhiyaan ilaa Maansha Allah, arrintaasoo nidaamka dimoqraadiyadeed ee aynu qaaday ku noqotay caqabad iyo dhabar-jab ah qaranka inay ka-soo food-saartay.

Haddaba, waxaynu hoos u eegi doonaa sidii uu ku yimi Shirguddoonkan Golaha Wakiilladu, kadib markii saddexdii xisbi qaran ee markaas oo kala ahaa UDUB, KULMIYE iyo UCID uu loollan ku yimi cidda qaadanaysa Shirguddoonka, maadaama Xisbiga UDUB oo ahaa Xisbul-xaakimkii uu gadh-wadeenka ka ahaa Madaxweyne Rayaale uu ku guuleystay aqbaliyadii ugu badnaa kuraasta Golaha.

Arrintan oo sabab ay u ahayd markii labadii xisbi ee KULMIYE iyo UCID inay hudheel fadhiisteen ayey isku doorteen oo ay la yimaaddeen Golihii Wakiillada, arrintaasina waxay sabab in la isku af-garan waayo, balse markii dembe Golaha Guurtidu dhexdhexaadin ay ka gashay ku qancisay inay ka tanaasulaan Xisbiga UDUB iyo Xukuumaddii Rayaale oo khalad ku ahayd inuu oggolaado.

Shirguddoonka ee isu-cummaaday hudheellada xataa hal xubin ugamay tagin xisbigii aqbaliyadda lahaa ee UDUB oo iyaga ayaa keligood isku koobay saddexdii xubnood ee Hoggaanka Golaha Wakiillada, taasina sharci-jebin kale oo ay galeen ayey ahayd.

Cirro waxa uu u noqday kursigu dhaxal uu leeyahay, halka Golaha kale ee fadhiyaana ka fikirayaan mushaharkooda iyo xeerkaa lacag ka ma jirtaa aan anshixinee, illeyn; ‘Hal xaaraan ahi Nigir xalaal ah ma dhasho,’ ayey tidhaahdaa Soomaalidu, waa kuwaas sidaas ay ku fadhiyaan ilaa maanta Shirguddoonka Golaha Wakiillada ee ma kula tahay inay dalkana wax u tarayaan, isla markaana ay diyaariyaan doorasho lagu dooran karo.

Qalinkii: Garyaqaan Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here